Ducada loogu talo galay shaqo la’aanta, qaxoontiga, xaas la’aanta iyo nin la’aantu waa duco kusoo aroortay Quraanka Kariimka ah. Duruufta noocaas oo kale ah waxa soo maray nabi kamida nabiyada Ilaahay waa nabi Muuse (csw).

Nabi Muuse waxa Fircoon kasoo saaray dhulka Masar, wuxuuna soo baxay isagoo cabsanaya kadibna wuxuu yimid magaalada Madyan, wuxuuna halkaas kula kulmay laba gabdhood oo xoolahoodii raba inay waraabiyaan balse raggii ka hororsadeen waraabka adhigooda, dabadeedna adhigii ayuu labadii gabdhood u waraabiyey, wuxuuna fadhiistay geed hoostii.

Hadaba waxa is waydiin leh markii nabi Muuse (csw) fadhiistay geedka hoostiisa sideebay ahayd xaaladiisu? Wuxuu ahaa xilligaas nin kasoo qaxay dhulkii uu udhashay ee Masar, waxa haysay shaqo la’aan, xaas la’aan iyo guri la’aanba. Kadibna nabi Muuse wuu ducaystay wuxuuna baryey Ilaahay isagoo leh:

رَبِّ إِنِّي لِمَا أَنزَلْتَ إِلَيَّ مِنْ خَيْرٍ فَقِيرٌ ﴿٢٤

Rabbi inni limaa anzalta ilayya min khayrin faqiir.

Rabbiyoow aniga wixii aad iisoo dajiso oo khayr ah waan u baahanay.

Nabi Muuse (csw) markuu ducadaas Ilaahay ku baryey ayaa Ilaahayna ka aqbalay, waxaana u timid labadii gabdhood midkood oo xishoonaysay, waxayna ku tidhi: “Aabahay ayaa kuugu yeedhaya si uu kaaga abaalmariyo adhigii aad noo waraabisay awgeed” Dabadeedna nabi Muuse wuu raacay, wuxuuna u tagay odaygii dhalay labada gabdhood oo ahaa oday saalixa, halka culumada qaarna ay ku tilmaamaan inuu ahaa nabi Shucayb (csw).

Odaygii wanaagsanaa ayaa u guuriyey nabi Muuse labadii gabdhood mid kamid ah, wuxuuna siiyey shaqo sideed sanadood ilaa toban sanadood, sidoo kale wuxuu nabi Muuse uu helay guri nabad ah oo ku nagaado.

Dhammaan waxaasoo khayr ah wuxuu ku helay ducadii geedka hoostiisa markii ay duruuftu haysay, waanu ku liibaanay, sidaas awgeed waxaynu leenahay adiguna hadaad ku ducaysato Ilaahay wuu kaa aqbalayaa Inshallah.