[huge_it_videogallery id=”32″]

Akhriso, Dhagayso ama Daawo

اللهم إني أستخيرك بعلمك ، وأستقدرك بقدرتك ، وأسألك من فضلك العظيم فإنك تقدِرُ ولا أقدِرُ ، وتعلم ولا أعلم ، وأنت علام الغيوب ، اللهم إن كنت تعلم أن هذا الأمر -يسمي حاجته – خير لي في ديني ومعاشي وعاقبة أمري – أو قال : عاجلة وآجله – فاقدره لي ويسره لي ، ثم بارك لي فيه ، وإن كنت تعلم أن هذا الأمر شر لي في ديني ومعاشي وعاقبة أمري – أو قال : عاجله وآجله – فاصرفه عني واصرفني عنه ، واقدر لي الخير حيث كان ، ثم ارضني به

Allahumma inni astakhiiruka bi cilmika, wa astaqdirua bi qudratik, wa as’aluka min fadlika al-cadiim fa innaka taqdiru walaa aqdiru, wa taclamu walaa aclamu, wa anta callamulquyuub, allhumma in kunta taclamu anna hadal-amra -yusamii xaajatahu- khayrun lii fii diinii wa macaashii wa caaqibata amrii- aw qaala: caajilhii wa aajilhii- faqdirhu lii wa yasirhu lii thumma baariklii fiihi, wa inkunta taclamu anna hada al-amra sharrun lii fiii diinii wa macaashii wa caaqibata amriii-aw qaala caajilihii wa aajilah- fasrifhu cannii wasrifnii canhu, wa aqdir liya alkahayra xaythu kaana, thumma ardinii bihii.

(1) Ilaahayoow khayr Ayaan ku waydiistay maadama aad cilmi leedahay, awoodna isiiso maadaama aad awood leedahay, waxan kale oo ku waydiisanayaa fadligaaga wayn, adigu waxwalba waad awoodaa waxkastan waad ogtahay. Ilaahayow hadaad garanayso in arinkaas – waxa uu magacaabayaa xaajadiisa- wanaag uleeyahay diintayda, noloshayda iyo cidhib danbeedkayga (Aduun iyo aakhiro) ii qorshee, iina fududee, kadibna ii barakee, balse hadaad garanayso in arinkaasi shar u yahay diintayda, noloshayda iyo cidhib danbeedkayga (Aduun iyo aakhiraba) iga leexi, animga i leexi iina qorshee meesha khayr leh, kadibna igu qanci.


Tibaax: Saxaabiga Jaabir ibnu Cabdillahi waxa uu dhahay; Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee waxa uu na bari jiray istikhaarada (la tashiga Eebe) arrimahanag oo dhan sida uu noo bar jiray Suuradaha Quraanka, wuxuuna nagu dhihi jiray haduu midkiin hamiyo arrin ha u kaco laba rakcadood oo salaad aan faral ahayn (sunne ah) hana akhriyo Ducadan kor ku qoran. Ruuxna kama shallaytoomo wuxuu Rabbi kala tashaday.


  1. Bukhaari: 7/162