Tusmo

Hordhac:

Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu ina baray ducooyin badan oo aynu ugu ducayno cidii inaga xanuusata, ilmaha yar ee xanuustayna wuxuu lamid yahay dadka waayeelka ah ee ayaguna xanuusta, waxaana ilmahaas loogu duceynayaa ducooyinkii Rasuulkii Ilaahay uu ina baray.

Ducada 1 aad: Akhrinta suuratu Alfaatixa.

Waxa laga wariyey Abusaciid Alkhudriyy (RC) inuu nabigu (SCW) ku tilmaamay suurada Faatixada ruqyo, waanu u qiray saxaabigii ku tufay qaniinyadii dib qallooca. [1]

Ibnu Qayyim wuxuu dhahay: Waxa isoo martay xilli anoo jooga Makkah oo aan ku xanuustay, waanan waayey dhakhtar iyo dawoba, waanan isku cilaajin jiray (Faatixada), waxaan soo qaadayey koob biyo Zamzam ah, waanan ku akhrinayey dhawr jeer, kadibna waan cabayey, waxaanan ka helay taas caafimaad dhamaystiran, kadibna xanuuno badan ayaan u qaatay, waanan ku intifaacsaday.[2]

Ducada labaad:

Caasha waxa laga wariyey inay tidhi:  wuxuu ahaa Rasuulkii Ilaahay (scw) marka qof naga mid ah xanuusto mid ku masaxa gacantiisa midig kadibna dhaha: ”Adhibi alba’sa rabba alnaas, wa ashfi anta alshaafii, laa shifaa ilaa shifaa’uk, shifaa’an laa yuqaadiru saqama” [3]

 ( أَذهِبِ البَاسَ ، رَبَّ النَّاسِ ، وَاشفِ أَنتَ الشَّافِي ، لا شِفَاءَ إِلا شِفَاؤُكَ ، شِفَاءً لَا يُغَادِرُ سَقَمًا )

”Rabbiga Dadkow tagsii xanuunka, caafimaadsiina adigaa wax shaafiyee, mana jiro shifo aan shifadaada ahayne, shifo aan ka tagayn xanuun”

Ducada Sadexaad:

Caasha waxa laga wariyey inay tidhi: Rasuulka Ilaahay (scw) wuxuu ahaa marka qof  ehelkiisa kamid ah xanuusto mid ku tufa mucawidaatka (Qul acuudu birabi alfalaq, iyo qul acuudu birabbi alnnaas). [4]

 Ducada Afaraad:

Cusmaan ibnu Abi alcaas althaqafi waxa laga wariyey inuu uga cawday Rasuulkii Ilaahay xanuun uu jidhkiisa ka helayey lagasoo bilaabo markuu Islaamay, wuxuuna dhahay Rasuulkii Ilaahay (scw): ”Gacantaada saar meesha jidhkaaga ku xanuunaysa, waxaanad dhahdaa (Bismillaah) sadex jeer, waxaanad tidhaahdaa todoba jeer (Acuud billahi wa qudratihii min sharri maa ajidu wa uxaadir) [5]

(أَعُوذُ بِاللهِ وَقُدرَتِهِ مِن شَرِّ مَا أَجِدُ وَأُحَاذِرُ)

”Ilaahay ayaan kaga magangalayaa awoodiisa sharka waxaan helay iyo waxaan ka digtoonahay”

Ducada Shanaad:

Abusaciid alkudriyy waxa laga wariyey inuu dhahay:Jibriil ayaa u yimid nabiga (scw) kuna dhahay: Miyaad buktaa? Wuxuu dhahay: Haa, wuxuu yidhi Jibriil (csw): ” Bismillahi arqiik, min kulli shay’in yu’diik, min sharri kulli nafsin aw caynin xaasid, allahu yashfiik, bismillahi arqiik”[6]

(بِاسْمِ اللهِ أَرقِيك ، مِن كُلِّ شَيْءٍ يُؤذِيك ، مِن شَرِّ كُلِّ نَفسٍ أَو عَينٍ حَاسِدٍ ، اللَّهُ يَشفِيكَ ، بِاسمِ اللَّهِ أَرقِيكَ)

”Magaca Ilaahay ayaan kaaga tufayaa, wax kasta oo ku dhibaya, naf kasta sharkeeda iyo il xaasidba, Allah haku shaafiyo, magaca Allah ayaan ku tufayaa”

Ducada Lixaad:

Rasuulku wuxuu dhahay: ” Cidii bukoota ama cid walaalkiisa ah bukooto ha dhaho: Rabbana Allahu alladii filsamaa’i, taqaddasa ismuk, amruka filsamaa’i walardi, kamaa raxmatuka fisamaa’i, fajcal raxmatuka fil ardi, iqfir lanaa xawbanaa wa khadaayaanaa, anta rabbu aldayyibiin, anzil raxmatan min raxmatika, wa shifaa’an min shifaa’ik, calaa haada alwajaci fa yabra’u” [7]

(رَبّنَا الَّلهُ الذِي فِي السَّمَاءِ ، تَقَدَّسَ اسمُكَ ، أَمرُكَ فِي السَّمَاءِ وَالأَرْضِ ، كَمَا رَحمَتُكَ فِي السَّمَاءِ فَاجْعَلْ رَحْمَتَكَ فِي الأَرْضِ ، اغفِر لَنَا حَوْبَنَا وَخَطَايَانَا ، أَنتَ رَبُّ الطَّيِّبِينَ ، أَنزِلْ رَحْمَةً مِن رَحمَتِكَ ، وَشِفَاءً مِن شِفَائِكَ عَلَى هَذَا الوَجَعِ ، فَيَبرَأ)

”Rabbiyoow Ilaaha Samada ahaadow, waxa barako batay magacaaga, amarkaagu wuxuu ahaaday Samada iyo Dhulkaba, sida naxariistaaduba u ahaatay samada waxaad yeeshaa naxariistaada Dhulka, noo dhaaf danbigayaga iyo gafafkayaga, adigaa Rabbi u ah kuwa wanaagsane, kusoo daji naxariis kamid ah naxariistaada, iyo caafimaad kamid ah shifooyinkaaga jirradan oo uu bugsadaa”

Ducada Todobaad:

Waxa laga wariyey Nabiga (scw) inuu dhahay: “Cidii booqata ruux buka oo aanay ajashiisii imanin, ha dhaho todoba jeer : As’alu Allaha alcadiima rabba alcarsha alacadiima an yashfiyaka. Haduuba dhaho Alle wuu shaafiyaa cudurkaas”[8]

(أَسأَلُ الَّلهَ العَظِيمَ رَبَّ العَرشِ العَظِيمِ أَن يَشفِيَكَ)

“Waxaan waydiisanayaa Ilaahay wayn Rabbiga iska leh Carshiga wayn inuu ku shaafiyo”

Talooyin

Intaas waxaad ka horeysiinaysaa ikhlaas, iyo inaad ducada ku beegto watiyada la ajiibo, iyo inaaad Ilaahay isu dullayso, maxaa yeelay Ilaahay wuu ka xishoodaa inuu adoon gacmaha sare utaagay inuu kusoo celiyo faro madhnaan, hana dagdagin, sababtoo ah xikmada Ilaahay awgeed ayaa dib loo dhigayaa, waana inaad samirtaa oo aad adkaysataa, sidoo kalena qalbigaaga soo xaadiri markaad ducaysanayso.


[1] Bukhaari (2156) iyo Muslim (2201)

[2] Zaad Almicaad (4/164)

[3] Bukhaari (5675) iyo Muslim (2191)

[4] Bukhaari (5735) iyo Muslim (2192)

[5] Muslim (2202)

[6] Muslim (2186)

[7] Abudaawuud (3892)

[8][8] Abudaawuud (3106)