Tusmo

QISADII NABI AYUUB

(Dhagayso ama Akhri)

Nabi Ayuub (N.N.K.H) waxa uu kasoo jeedaa wiilkii uu dhalay Nabi Isxaaq ee ciis oo aabe u ah Roomanska. Nabi Ayuub waxa uu caan ku yahay samirka iyo adkaysi aad u cajiiba.

Nabi Ayuub (N.N.K.H) waxa uu Eebe siiyey dhalinyaronimadiisii ubad badan14 caruura, xaas fiican  iyo xoolo sidoo kale waxa uu lahaa dad badan oo u adeega, kana shaqeeya hantida Nabi Ayuub.

Nabi Ayuub waxa Eebe ku manaystay beero waaweyn oo ay ka baxaan dhammaan khudrado kala duwan, waxaana u dheeraa intaas nabinimo iyo cibaado badan, waa nolol raaxo leh oo qof kasta hamiyo inuu ku noolaado.

Muddo Todobaatan sano ah ayuu ku noolaa nimco iyo barwaaqo, balse hal mar ayaa waxa is badalay xaaladii Nabi Ayuub, waxa asiibay xanuun faalig afarta lugood kaga habsaday, oo uu la kici waayey kadibna xoolihii iyo shaqaalihii ayaa ka baxay, sidoo kale waxa ka geeriyooday dhammaan ubadkii uu dhalay oo mid mid u dhintay.

Nabi Ayuub ( N.N.K.H) isaga oo dhulka yaal oo xanuun daran hayo ayaa loo sheegayey in mid ka mida ubadkiisii dhintay, xoolihiina uu khasaaray. Waxaad qiyaastaa aabe dhalay 14 caruura oo dhamaantood mudo yar gudahood ku geeriyoodeen.

Waxa ehelkiisii kasoo hadhay xaaskiisii oo ahayd haween fiican, waxayna noqotay gabar faqiira,  halkii ay shalay ka ahayd gabar hanti leh, waxay dantii ku kalliftay inay shaqo tagto oo ay u khidmayso guryaha, si ay ula soo baxdo nolol maalmeedka.

Nabi Ayuub (N.N.K.H) waa samray, waxaanu ahaa adoon aan ka caajisin dikriga Eebe.

Nabi Ayuub jirkiisii waa idlaaday, oo waxa la dhahaa qayb jirkiisa ka mida ayaa marba go’aysay, taasina waxay keentay inay dadkii ka ag dhowaa ka haajireen, marka laga reebo xaaskiisii oo ayadu ku mashquushay daryeelkiisa iyo cunto siintiisa saygeeda.

Maalin maalmaha ka mida ayey xaaskiisu ku tidhi Nabi Ayuub; maxaad Eebe u baryi wayday hakaa dul qaado dhibta ku haleeshay, Nabi Ayuub waxa uu dhahay ma xasuusataa inta sano ee aan caafimaadka qabay, xoolana haystay; xaaskiisii waxay tidhi waa 70 sano waanad caafimaad qabtay oo ku noolayd nolol barwaaqo leh, wuxuu dhahay Nabi Ayuub Eebe waxa uu ii barwaaqeeyey 70 sano ee miyaanan dhibta u samrayn 70 sano oo kale.

Maalintii danbe ayaa  laba wiil oo la dhashay Nabi Ayuub ayaa dhahay, Ayuub danbiyadii uu galay ayaa lagu ciqaabay, markaasu Nabi Ayuub maqlay kadibna waxa uu baryey Ilaahay oo dhahay ”Eebow haddii aad ogtahay inaan seexday habeen anoo og in cid baladka ku nooli baahantahay i rumayso, Eebena waa rumaystay, haddana waxa uu yidhi Eebow haddaad ogtahay in aan laba shaati gurigayga dhigtay ayadoo aan ogahay ruux baahan oo aradan inuu baladka joogo i rumayso, Eebana waa rumayeey. Labadii wiil ee walaaladiina way maqleen markuu Eebe rumaynayey.

Nabi Ayuub (N.N.K.H) waxa uu samray mudo dhan 18 sano, oo dhibtu marba marka ka danbeysa ay kasii kordhaysay.

Ugu danbayn xaasii Nabi Ayuub waxa loo diiday shaqadii, dadkiina albaabada ayey kasoo xirteen, kadib markay aragtay inaanay wax cunto ah haynin ayey iska jartay timaheedii oo iib geysay, markaasay kusoo gaday cunto si ay saygeeda u siiso.

cuntadii ayey u keentay Nabi Ayuub, markaasuu waydiiyey xaaskiisii meesha ay ka keentay cuntada sababtoo ah wuu ogaa in shaqadii laga cayriyey.

Xaaskiisii way ka warwareegtay inay u sheegto warka laakiin Nabi Ayuub waa ku adkaystay, waana ku celceliyey kadibna way u warrantay una sheegtay inay gaday timaheedii.

Nabi Ayuub markuu arkay in dhibtii meel aad uxun gaartay ayuu Eebe Wayne baryey oo dhahay ”Eebow dhibtii way i taabatay adiguna waxaad tahay rabbi naxariista.”

Nabi Ayuub (N.N.K.H) waxa uu nadray inuu boqol ul ka jaro xaaskiisa haddii uu caafimaado.

Maalintii danbe ayaa farajkii Eebe yimid, waxaana la faray Nabi Ayuub inuu lugihiisa dhaqaajiyo, kadiban istaago oo ku qubaysto biyo kasoo burqaday gurigiisa,  sidoo kalena waxa la amray inuu cabo biyaha.

Markuu ku qubaystay ayuu ka ladnaaday xanuunkii jirka sare, dabadeedna waa cabay biyihii markaasuu ka bugsaday xanuunkii jirka gudiisa, waxaanu isu badalay Nin dhalin yaro ah.

Xaaskiisa ayaa timid guriga wayna wayday saygeedii, markaasay mooday in bahal cunay. Kadib waxay aragtay Nin dhalinyaro ah oo aad u qurux badan, markaasay waydiisay inuu arkay Nabi Ayuub,

Ninkii waxa uu ku yidhi ayuub waa aniga, oo waxa i shaafiyey Eebahay. Farxad iyo damaashaad kadib waxa  Eebe qadaray inay xaaskiisuna  da’ yaraato, oo dhalin yaro ay ku noqdaan labadoodiiba. Sidoo kale Eebe wuxuu usoo celiyey Ubadkoodii, beerihii iyo shaqaalihii dhamaantood. Maasha’allah.

Waa nimco iyo naxariista Eebe, waxaana ku guulaysta ciddii samirta. Nabi Ayuub waxa loo dhalay ubad ka badan hore, iyo xoolo ka badan.

Waxaa la sheegaa in dahabku samada uga soo dhici jirey Nabi Ayuub iyo ehelkisii. Waxayna ku noolaadeen nolo barwaaqo ah.

Eebana waxa uu ubalan qaaday nolol ka raaxo badan maalinta qayaamaha.