Tusmo

Dhiiga sanka ka yimid ama nabar, soonka ma jabinayaa?

Su’aal

Haduu qofku soomanyahay oo uu dakhramo kadibna dhiig ka yimaado soonku miyuu jabayaa?

Jawaab:
Wax dhib ah malaha Dhiiga ku yimaada nabar ama dakhar yar oo soo gaadhay qofka sooman, marka laga reebo Istoobista. Wuxuu dhahay Shiikh ibnu baaz (A.H.U):
لا يضره نزول الدم، إلا الحجامة إذا احتجم فالصحيح أنه يفطر بالحجامة وفيها خلاف بين أهل العلم، لكن الصحيح أنه يفطر، لقول النبي – صلى الله عليه وسلم-: (أفطر الحاجم والمحجوم)، أما إذا رعف أو أصابه جرح في رجله أو يده وهو صائم فإنه صومه صحيح، لا يضره ذلك
[Wax dhib ah malaha dhiiga yimaada, marka laga reebo Istoobista, sida saxiixa ahna toobistu way jabisaa Soonka inkastoo khilaaf Culumada ah jiro, laakiin sida saxiixa ah wuu jabinayaa; sida uu Nabigu  (scw) dhahay: “Waa afuray ka wax toobay iyo kan la toobayba”. Haduu hungo ama dhaawac kasoo gaadho lugtiisa gacantiisa isagoo sooman, soontiisaas waa saxiix, wax dhib ahna malaha.]

Xigasho: http://binbaz.org.sa/noor/9863