Tusmo

Anigoo sooman ma qubaysan karaa ama ma dabaalan karaa?

 Ta koowaad:

Dabaasha waxaan u kala qaadaynaa laba qeybood; qeyb waxa weeye hadii aad dabaalanayso oo aan biyuhu gaadhaynin calooshaada ama aanad biyo  liqaynin oo aad garanayso dabaasha, wax dhib ah malaha inaad dabaalato waxyna qaadanaysaa xukunka qubeyska ee bisha Ramadaan. Ruuxa soomanina inuu qubaysto wax dhib ah malaha, waxayna culumadu u daliishadaa xadiiska uu warinayo Bukhaari (1825 ) iyo Muslim (1109) oo ahaa: 
 
( عَنْ عَائِشَةَ وَأُمِّ سَلَمَةَ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ يُدْرِكُهُ الْفَجْرُ وَهُوَ جُنُبٌ مِنْ أَهْلِهِ ثُمَّ يَغْتَسِلُ وَيَصُومُ )
Caasha iyo Umu-salama waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) ay soo gaadhi jirtay salaada subaxa isagoo janaabaysan, markaasuu qubaysan jiray oo soomayey). [Bukhaari iyo Muslim]
 وقال أنس إن لي أبزن أتقحم فيه وأنا صائم. الحافظ ابن حجر في “فتح الباري” (4/197)
Anas wuxuu dhahay: “waxaan lahaa abzan (meel sida baafka oo kale ah oo biyo ku jiraan) oo aan galo markaan soomanahay.” (Fatxu Al-baari: 4/197)
 
Sidaa darteed Culumadu waxay ka qaataan xadiisyadan in ruuxa sooman uu dabaalan karo ama qubays qaadan karo, si uu kulaylka faraha badan iskaga qaboojiyo. Wuxuu dhahay Sh Ibnu Cuthaymiin (A.H.U):
 

Dhib kuma jirto hadii qof soomani dabaasho, waanu u dabaalan karaa siduu doono, waanu quusi karaa biyaha, hase ahaatee waa inuu iska ilaaliyaa in biyuhu calooshiisa u gudbaan. Dabaashuna qofka firfircooni ayey siisaa, waxayna ku kaalmaysaa inuu soomanaado. Wixii daacada Ilaahay firfircooni galinaya lama diidayo, waana waxyaalaha qofka u fudaydinaya cibaadada Ilaahay, wuxuuna Ilaahay dhahay isagoo soo bandhigaya aayadihii soomka: (يُرِيدُ ٱللَّهُ بِكُمُ ٱلْيُسْرَ وَلاَ يُرِيدُ بِكُمُ ٱلْعُسْرَ ) (wuxuu Allah idin la rabaa fudaydka, mana idinla rabo culayska) [“مجموع فتاوى ابن عثيمين” (19/284، 285) ]

Ta labaad:

Hadii qofkii soomanaa aanu garanayn dabaasha oo uu ka cabsanayo in biyuhu galaan calooshiisa, markaa uma banaana inuu dabaasho maalinta Ramadaanka. Waxaana u daliila xadiiskan:

(وَبَالِغْ فِي الاسْتِنْشَاقِ , إِلا أَنْ تَكُونَ صَائِمًا ) .رواه أبو داود (142) والترمذي (788) وقال حسن صحيح وصححه ابن حجر والألباني

(Ku talax tag inaad sanka biyo ku shubto xilliga waysada marka laga reebo adoo sooman) [Abudaawuud:142]

 
Maadaama maalinta Ramadaanka aan la ogolayn in marka la wayso qaadanayo biyo sanka lagu raariciyo, waxa laga qaadanayaa inaanay banaanayn in ruuxu dabaasho isagoo og in biyuhu calooshiisa galayaan.
 

Ta sadexaad:

Hadii qofku biyaha sanka ku raariciyo ama uu dabaasho oo biyo calooshiisa galaan isagoo aan u badheedhin, miyey soonkii ka jabaysaa mise way u ansaxaysaa?
 
Culumadu way isku khilaafeen qofka calooshiisa ay biyo galaan isagoo wayso qaadanaya ama dabaalanaya, ee aan u qasdiyin in biyahaasi galaan calooshiisa, waxaana jira laba qawl:
 
Qawlka 1aad: Sida culumada badankoodu qabaan way buraysaa soontaasi, waxaana qawlkan ku tagay Shaficiyiinta, Xanafiyiinta iyo Maalikiyiinta.
 
Qawlka 2aad: Ma burayso, waxaana ku tagay qaar kamid ah taabiciyiinta iyo xanaabilada sida Sheekh ibnu Cuthaymiin AHU.