Dhamaan Muslimiinta ku nool Caalamka waxaan ugu hanbalyeynaynaa farxada Ciida Fidrida, waxaanu leenahay Ilaahay haynaga aqbalo Cibaadooyinkii bishii barakaysnayd ee Ramadaan. Waxaanu u rajaynaynaa Qof kasta oo Muslima Ciid Wanaagsan, Ciidulcaafiya, Bashbash ku ciida, Caafimaad ku ciida, Khayr iyo Barako ku Ciida. Dhamaanteen Ilaahay hayna xifdiyo hana inaga yeelo inaka iyo Waalidkeenba kuwa kulma Jannooyinka Rabbi ÍnshaAlllah.