Xadiiska 118 aad

حَدَّثَنَا عَبْدُ الْعَزِيزِ بْنُ عَبْدِ اللَّهِ، قَالَ حَدَّثَنِي مَالِكٌ، عَنِ ابْنِ شِهَابٍ، عَنِ الأَعْرَجِ، عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ، قَالَ إِنَّ النَّاسَ يَقُولُونَ أَكْثَرَ أَبُو هُرَيْرَةَ، وَلَوْلاَ آيَتَانِ فِي كِتَابِ اللَّهِ مَا حَدَّثْتُ حَدِيثًا، ثُمَّ يَتْلُو ‏{‏إِنَّ الَّذِينَ يَكْتُمُونَ مَا أَنْزَلْنَا مِنَ الْبَيِّنَاتِ‏}‏ إِلَى قَوْلِهِ ‏{‏الرَّحِيمُ‏}‏ إِنَّ إِخْوَانَنَا مِنَ الْمُهَاجِرِينَ كَانَ يَشْغَلُهُمُ الصَّفْقُ بِالأَسْوَاقِ، وِإِنَّ إِخْوَانَنَا مِنَ الأَنْصَارِ كَانَ يَشْغَلُهُمُ الْعَمَلُ فِي أَمْوَالِهِمْ، وَإِنَّ أَبَا هُرَيْرَةَ كَانَ يَلْزَمُ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم بِشِبَعِ بَطْنِهِ وَيَحْضُرُ مَا لاَ يَحْضُرُونَ، وَيَحْفَظُ مَا لاَ يَحْفَظُونَ

Abu Hurayra wuxuu yidhi: Dadku waxay odhanayaan Abu Hurayra wuu badiyey (Xadiiska), hadii aanay jiri lahayn laba aayadood oo ku jira Kitaabka Ilaahay kamaan warrameen xadiis, markaasuu akhriyey { إِنَّ الَّذِينَ يَكْتُمُونَ مَا أَنْزَلْنَا مِنَ الْبَيِّنَاتِ } illamaayo laga gaadhayo { الرَّحِيمُ‏}, walaaladay muhaajiriintu waxay ku mashquulsanaayeen ku ganacsiga suuqa, walaaladay Ansaartuna waxay ku mashquulsanaayeen shaqada hantidooda, Abu Hurayrana wuxuu joogtayn jiray Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) dharaga calooshiisa, wuxuuna joogay waxaanay joogin, wuxuuna xifdiyey waxaanay xifdiyin.

 

Xadiiska 119 aad

حَدَّثَنَا أَحْمَدُ بْنُ أَبِي بَكْرٍ أَبُو مُصْعَبٍ، قَالَ حَدَّثَنَا مُحَمَّدُ بْنُ إِبْرَاهِيمَ بْنِ دِينَارٍ، عَنِ ابْنِ أَبِي ذِئْبٍ، عَنْ سَعِيدٍ الْمَقْبُرِيِّ، عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ، قَالَ قُلْتُ يَا رَسُولَ اللَّهِ، إِنِّي أَسْمَعُ مِنْكَ حَدِيثًا كَثِيرًا أَنْسَاهُ‏.‏ قَالَ ‏”‏ ابْسُطْ رِدَاءَكَ ‏”‏ فَبَسَطْتُهُ‏.‏ قَالَ فَغَرَفَ بِيَدَيْهِ ثُمَّ قَالَ ‏”‏ ضُمُّهُ ‏”‏ فَضَمَمْتُهُ فَمَا نَسِيتُ شَيْئًا بَعْدَهُ‏.‏ حَدَّثَنَا إِبْرَاهِيمُ بْنُ الْمُنْذِرِ قَالَ حَدَّثَنَا ابْنُ أَبِي فُدَيْكٍ بِهَذَا أَوْ قَالَ غَرَفَ بِيَدِهِ فِيهِ 

Abu Hurayra wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahayow, waxaan kaa maqlaa xadiis badan oo aan ilaawo, wuxuu yidhi Nabigu: fidi go’aaga, waanan fidiyey. Wuxuu yidhi Abu Hurayra: wuxuu xantoobiyey gacantiisa, markaasuu dhahay: duub. Waanan duubay, manaan ilaawin waxab intaa wixii ka danbeeyey.

 

Xadiiska 120 aad

حَدَّثَنَا إِسْمَاعِيلُ، قَالَ حَدَّثَنِي أَخِي، عَنِ ابْنِ أَبِي ذِئْبٍ، عَنْ سَعِيدٍ الْمَقْبُرِيِّ، عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ، قَالَ حَفِظْتُ مِنْ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم وِعَاءَيْنِ، فَأَمَّا أَحَدُهُمَا فَبَثَثْتُهُ، وَأَمَّا الآخَرُ فَلَوْ بَثَثْتُهُ قُطِعَ هَذَا الْبُلْعُومُ 

Abu Hurayra waxa laga wariyey inuu yidhi: rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) waxaan ka xifdiyey laba weel, mid kamid ah waan shaaciyey, ka kalena hadaan shaaciyo waxa la goynayaa hungurigan.