Xadiiska 74 aad

حَدَّثَنَا مُحَمَّدُ بْنُ غُرَيْرٍ الزُّهْرِيُّ، قَالَ حَدَّثَنَا يَعْقُوبُ بْنُ إِبْرَاهِيمَ، قَالَ حَدَّثَنِي أَبِي، عَنْ صَالِحٍ، عَنِ ابْنِ شِهَابٍ، حَدَّثَ أَنَّ عُبَيْدَ اللَّهِ بْنَ عَبْدِ اللَّهِ أَخْبَرَهُ عَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ، أَنَّهُ تَمَارَى هُوَ وَالْحُرُّ بْنُ قَيْسِ بْنِ حِصْنٍ الْفَزَارِيُّ فِي صَاحِبِ مُوسَى قَالَ ابْنُ عَبَّاسٍ هُوَ خَضِرٌ‏.‏ فَمَرَّ بِهِمَا أُبَىُّ بْنُ كَعْبٍ، فَدَعَاهُ ابْنُ عَبَّاسٍ فَقَالَ إِنِّي تَمَارَيْتُ أَنَا وَصَاحِبِي، هَذَا فِي صَاحِبِ مُوسَى الَّذِي سَأَلَ مُوسَى السَّبِيلَ إِلَى لُقِيِّهِ، هَلْ سَمِعْتَ النَّبِيَّ صلى الله عليه وسلم يَذْكُرُ شَأْنَهُ قَالَ نَعَمْ سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم يَقُولُ ‏”‏ بَيْنَمَا مُوسَى فِي مَلإٍ مِنْ بَنِي إِسْرَائِيلَ، جَاءَهُ رَجُلٌ فَقَالَ هَلْ تَعْلَمُ أَحَدًا أَعْلَمَ مِنْكَ قَالَ مُوسَى لاَ‏.‏ فَأَوْحَى اللَّهُ إِلَى مُوسَى بَلَى، عَبْدُنَا خَضِرٌ، فَسَأَلَ مُوسَى السَّبِيلَ إِلَيْهِ، فَجَعَلَ اللَّهُ لَهُ الْحُوتَ آيَةً، وَقِيلَ لَهُ إِذَا فَقَدْتَ الْحُوتَ فَارْجِعْ، فَإِنَّكَ سَتَلْقَاهُ، وَكَانَ يَتَّبِعُ أَثَرَ الْحُوتِ فِي الْبَحْرِ، فَقَالَ لِمُوسَى فَتَاهُ أَرَأَيْتَ إِذْ أَوَيْنَا إِلَى الصَّخْرَةِ فَإِنِّي نَسِيتُ الْحُوتَ، وَمَا أَنْسَانِيهِ إِلاَّ الشَّيْطَانُ أَنْ أَذْكُرَهُ‏.‏ قَالَ ذَلِكَ مَا كُنَّا نَبْغِي، فَارْتَدَّا عَلَى آثَارِهِمَا قَصَصًا، فَوَجَدَا خَضِرًا‏.‏ فَكَانَ مِنْ شَأْنِهِمَا الَّذِي قَصَّ اللَّهُ ـ عَزَّ وَجَلَّ ـ فِي كِتَابِهِ 

Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey inay isku khilaafeen isaga iyo Xurr ibnu Qays ibnu Xisni Alfazaariyy Nabi Muuse saaxiibkii, Ibnu Cabbaas waxa uu dhahay: waa Khadar, waxa soo maray Ubayy ibnu Kacab, waxaana u yeedhay Ibnu Cabbaas kuna dhahay waxaan aniga iyo saaxiibkay isku khilaafnay cidii Muuse waydiiyey jidka ay ku kulamayeen, ee miyaad maqashay Nabiga (N.N.K.H) isagoo warkiisa ka warramaya, waxa uu dhahay: Haa, waxaan maqlay Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) oo dhahaya: mar uu Muuse la joogay koox reer bani Israa’iila, ayaa ninbaa u yimid kuna dhahay: ma garanaysaa cid kaa aqoon badan? Muuse waxa uu dhahay: May. Markaasuu Ilaahay Muuse u waxyooday, Haa (waa jiraa) adoonkayga Khadar, wuxuu Muuse waydiiyey jidkiisa (loogu tagi karo), wuxuu Ilaahay uga yeelay kalluunka calaamad, laguna dhahay hadaad waydo kalluunka laabo, adigu waad la kulmi (halkaas), waxaanu raad raacayey kalluunka badda, waxa lagu dhahay Muuse (Nabi yuushac) wuuna  yimid, ma xasuusataa dhagixii aan u hooyaney, ayaan ilaawey kalluunka (inaan kaaga warramo arrinkiisii), waxaana iga halmaansiiyey inaan xasuusto Shaydaan. Waxa uu dhahay: waa waxaan rabnay, waxayna ku noqdeen raadkoodii iyagoo raacayaa, waxayna heleen Khadar, Arrinkooduna waa sidii Ilaahay  (S.W) ugaga warramay Kitaabkiisa.