Xadiiska 1 aad

حَدَّثَنَا الْحُمَيْدِيُّ عَبْدُ اللَّهِ بْنُ الزُّبَيْرِ، قَالَ حَدَّثَنَا سُفْيَانُ، قَالَ حَدَّثَنَا يَحْيَى بْنُ سَعِيدٍ الأَنْصَارِيُّ، قَالَ أَخْبَرَنِي مُحَمَّدُ بْنُ إِبْرَاهِيمَ التَّيْمِيُّ، أَنَّهُ سَمِعَ عَلْقَمَةَ بْنَ وَقَّاصٍ اللَّيْثِيَّ، يَقُولُ سَمِعْتُ عُمَرَ بْنَ الْخَطَّابِ ـ رضى الله عنه ـ عَلَى الْمِنْبَرِ قَالَ سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم يَقُولُ ‏”‏ إِنَّمَا الأَعْمَالُ بِالنِّيَّاتِ، وَإِنَّمَا لِكُلِّ امْرِئٍ مَا نَوَى، فَمَنْ كَانَتْ هِجْرَتُهُ إِلَى دُنْيَا يُصِيبُهَا أَوْ إِلَى امْرَأَةٍ يَنْكِحُهَا فَهِجْرَتُهُ إِلَى مَا هَاجَرَ إِلَيْهِ ‏”‏‏.‏

Cumar ibnu Khadaab (I.R.H) waxa laga wariyey inuu dhahay; Waxaan maqlay Rasuulkii Eebe (N.N.K.H) oo leh: Camalka waxa saldhig u ah Niyada, Ruuxkastaana (wuxuu helaa) wuxuu niyeystay, Ruuxii ay hijradiisu tahay inuu aduunyo helo ama gabadh uu guursado, hijradiisu waa wuxuu u hijrooday.

 

Xadiiska 2 aad

حَدَّثَنَا عَبْدُ اللَّهِ بْنُ يُوسُفَ، قَالَ أَخْبَرَنَا مَالِكٌ، عَنْ هِشَامِ بْنِ عُرْوَةَ، عَنْ أَبِيهِ، عَنْ عَائِشَةَ أُمِّ الْمُؤْمِنِينَ ـ رضى الله عنها ـ أَنَّ الْحَارِثَ بْنَ هِشَامٍ ـ رضى الله عنه ـ سَأَلَ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم فَقَالَ يَا رَسُولَ اللَّهِ كَيْفَ يَأْتِيكَ الْوَحْىُ فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم ‏”‏ أَحْيَانًا يَأْتِينِي مِثْلَ صَلْصَلَةِ الْجَرَسِ ـ وَهُوَ أَشَدُّهُ عَلَىَّ ـ فَيُفْصَمُ عَنِّي وَقَدْ وَعَيْتُ عَنْهُ مَا قَالَ، وَأَحْيَانًا يَتَمَثَّلُ لِيَ الْمَلَكُ رَجُلاً فَيُكَلِّمُنِي فَأَعِي مَا يَقُولُ ‏”‏‏.‏ قَالَتْ عَائِشَةُ رضى الله عنها وَلَقَدْ رَأَيْتُهُ يَنْزِلُ عَلَيْهِ الْوَحْىُ فِي الْيَوْمِ الشَّدِيدِ الْبَرْدِ، فَيَفْصِمُ عَنْهُ وَإِنَّ جَبِينَهُ لَيَتَفَصَّدُ عَرَقًا‏.‏

Caa’isha bintu Abibakar (Hooyadii mu’miniinta) waxa laga wariyey in Xaaris Ibnu Hishaam (I.R.H) uu waydiiyey Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) oo dhahay; Rasuulkii Eebow sideebuu waxyigu kuugu yimaadaa? Markaasuu dhahay Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H): Marar wuxuu ii yimaadaa isagood moodo sida garaaca Jalaska, waana ka iigu adag, wuxuuna iga go’aa anigoo xifdiyey wuxuu dhahay, Mararna wuxuu Malagu isugu kay matalaa Nin wuuna ila hadlaa waanan xifdiyey wuxuu dhaho. Caa’isha waxay tidhi (I.R.H); Waxaan arkay (Rasuulka) oo waxyigu kusoo dagayo maalin aad qabowgu u daranyahay markaasuu ka go’i jiray isagoo wajiguusu dhidid ka shubmayo (ka da’ayo).

 

Xadiiska 3 aad

حَدَّثَنَا يَحْيَى بْنُ بُكَيْرٍ، قَالَ حَدَّثَنَا اللَّيْثُ، عَنْ عُقَيْلٍ، عَنِ ابْنِ شِهَابٍ، عَنْ عُرْوَةَ بْنِ الزُّبَيْرِ، عَنْ عَائِشَةَ أُمِّ الْمُؤْمِنِينَ، أَنَّهَا قَالَتْ أَوَّلُ مَا بُدِئَ بِهِ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم مِنَ الْوَحْىِ الرُّؤْيَا الصَّالِحَةُ فِي النَّوْمِ، فَكَانَ لاَ يَرَى رُؤْيَا إِلاَّ جَاءَتْ مِثْلَ فَلَقِ الصُّبْحِ، ثُمَّ حُبِّبَ إِلَيْهِ الْخَلاَءُ، وَكَانَ يَخْلُو بِغَارِ حِرَاءٍ فَيَتَحَنَّثُ فِيهِ ـ وَهُوَ التَّعَبُّدُ ـ اللَّيَالِيَ ذَوَاتِ الْعَدَدِ قَبْلَ أَنْ يَنْزِعَ إِلَى أَهْلِهِ، وَيَتَزَوَّدُ لِذَلِكَ، ثُمَّ يَرْجِعُ إِلَى خَدِيجَةَ، فَيَتَزَوَّدُ لِمِثْلِهَا، حَتَّى جَاءَهُ الْحَقُّ وَهُوَ فِي غَارِ حِرَاءٍ، فَجَاءَهُ الْمَلَكُ فَقَالَ اقْرَأْ‏.‏ قَالَ ‏”‏ مَا أَنَا بِقَارِئٍ ‏”‏‏.‏ قَالَ ‏”‏ فَأَخَذَنِي فَغَطَّنِي حَتَّى بَلَغَ مِنِّي الْجَهْدَ، ثُمَّ أَرْسَلَنِي فَقَالَ اقْرَأْ‏.‏ قُلْتُ مَا أَنَا بِقَارِئٍ‏.‏ فَأَخَذَنِي فَغَطَّنِي الثَّانِيَةَ حَتَّى بَلَغَ مِنِّي الْجَهْدَ، ثُمَّ أَرْسَلَنِي فَقَالَ اقْرَأْ‏.‏ فَقُلْتُ مَا أَنَا بِقَارِئٍ‏.‏ فَأَخَذَنِي فَغَطَّنِي الثَّالِثَةَ، ثُمَّ أَرْسَلَنِي فَقَالَ ‏{‏اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ * خَلَقَ الإِنْسَانَ مِنْ عَلَقٍ * اقْرَأْ وَرَبُّكَ الأَكْرَمُ‏}‏ ‏”‏‏.‏ فَرَجَعَ بِهَا رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم يَرْجُفُ فُؤَادُهُ، فَدَخَلَ عَلَى خَدِيجَةَ بِنْتِ خُوَيْلِدٍ رضى الله عنها فَقَالَ ‏”‏ زَمِّلُونِي زَمِّلُونِي ‏”‏‏.‏ فَزَمَّلُوهُ حَتَّى ذَهَبَ عَنْهُ الرَّوْعُ، فَقَالَ لِخَدِيجَةَ وَأَخْبَرَهَا الْخَبَرَ ‏”‏ لَقَدْ خَشِيتُ عَلَى نَفْسِي ‏”‏‏.‏ فَقَالَتْ خَدِيجَةُ كَلاَّ وَاللَّهِ مَا يُخْزِيكَ اللَّهُ أَبَدًا، إِنَّكَ لَتَصِلُ الرَّحِمَ، وَتَحْمِلُ الْكَلَّ، وَتَكْسِبُ الْمَعْدُومَ، وَتَقْرِي الضَّيْفَ، وَتُعِينُ عَلَى نَوَائِبِ الْحَقِّ‏.‏ فَانْطَلَقَتْ بِهِ خَدِيجَةُ حَتَّى أَتَتْ بِهِ وَرَقَةَ بْنَ نَوْفَلِ بْنِ أَسَدِ بْنِ عَبْدِ الْعُزَّى ابْنَ عَمِّ خَدِيجَةَ ـ وَكَانَ امْرَأً تَنَصَّرَ فِي الْجَاهِلِيَّةِ، وَكَانَ يَكْتُبُ الْكِتَابَ الْعِبْرَانِيَّ، فَيَكْتُبُ مِنَ الإِنْجِيلِ بِالْعِبْرَانِيَّةِ مَا شَاءَ اللَّهُ أَنْ يَكْتُبَ، وَكَانَ شَيْخًا كَبِيرًا قَدْ عَمِيَ ـ فَقَالَتْ لَهُ خَدِيجَةُ يَا ابْنَ عَمِّ اسْمَعْ مِنَ ابْنِ أَخِيكَ‏.‏ فَقَالَ لَهُ وَرَقَةُ يَا ابْنَ أَخِي مَاذَا تَرَى فَأَخْبَرَهُ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم خَبَرَ مَا رَأَى‏.‏ فَقَالَ لَهُ وَرَقَةُ هَذَا النَّامُوسُ الَّذِي نَزَّلَ اللَّهُ عَلَى مُوسَى صلى الله عليه وسلم يَا لَيْتَنِي فِيهَا جَذَعًا، لَيْتَنِي أَكُونُ حَيًّا إِذْ يُخْرِجُكَ قَوْمُكَ‏.‏ فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم ‏”‏ أَوَمُخْرِجِيَّ هُمْ ‏”‏‏.‏ قَالَ نَعَمْ، لَمْ يَأْتِ رَجُلٌ قَطُّ بِمِثْلِ مَا جِئْتَ بِهِ إِلاَّ عُودِيَ، وَإِنْ يُدْرِكْنِي يَوْمُكَ أَنْصُرْكَ نَصْرًا مُؤَزَّرًا‏.‏ ثُمَّ لَمْ يَنْشَبْ وَرَقَةُ أَنْ تُوُفِّيَ وَفَتَرَ الْوَحْىُ‏.‏

Waxa laga wariyey Caa’isha (Hooyadii Mu’miniinta) inay tidhi; Waxyigii ugu horeeyey ee lagu bilaabay Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) wuxuu ahaa Riyada wanaagsan ee Habeenka (uu arko), wuxuuna mid aan riyo arkin (haduuse arkaba) waxay u iman jirtay ayadoo ah sida waaga dillaaciisa, markaasna waxa la jeclaysiiyey cidlo jooga, wuxuuna ku cidloonjiray godka Xiraa’, wuxuuna ku cibaadaysan jiray habeeno tiro leh kahor intaanu u noqon reerkiisii, wuuna u sahay qaadan jiray, markaasuu kusoo noqon jiray Khadiija wuuna u sahay qaadan jiray (habeenadaas) oo kale, Illamaayo uu xaqu ugu yimid isagoo jooga godka Xiraa’, Malagii ayaa u yimid oo ku dhahay; Akhri. Wuxuu dhahay: Anigu waxba ma akhriyo. Wuxuu dhahay (Nabigu):  wuu i qabtay oo I daboolay illamaayo ay xagiisa iga gaadhay dhibaato markaasuu isii daayey, wuxuu yidhi (Malagii); Akhri, waxaan idhi: Waxba ma akhriyo anigu, wuu i qabtay oo I daboolay (majuujiyey) markii labaad illamaayo ay xagiisa iga gaadhay dhibaato markaasu isii daayey, wuxuu dhahay (Malagii); Akhri, waxaan idhi: Waxba ma akhriyo anigu, wuu iqabtay oo I daboolay markii sadexaad markaasuu isii daayey, wuxuuna dhahay (Malagii); <<  اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ . خَلَقَ الإِنْسَانَ مِنْ عَلَقٍ . اقْرَأْ وَرَبُّكَ الأَكْرَمُ>> wuu la soo noqday (aayaadkaas) Rasuulkii Ilaahay isagoo uu garaacmayo wadnihiisu (ruxmayo cabsi darteed), wuxuu usoo galay Khadiija bintu Khuweylid (I.R.H), wuxuu dhahay: I dada oo I dada, wayna dadeen illamaayo ay cabsidii ka tagytay, wuxuu ku yidhi Khadiija isagoo warka uga waramay: Naftaydaan u cabsaday, Khadiija yaa waxay tidhi; Saas maaha, Eebaan ku dhaartee Allah ku hoojinmaayo waligaa, (sababtoo ah) Adigu Qaraabada ayaad xidhiidhisaa, waxaadna qaada ruuxa jilicsa (aan madax banaanaan karin), waxaan jirinbaad qabataa (wax aan cid kale qaban karin ayaad qabataa), martidana waad soortaa, waxaanadna kaalmaysaa dadka tabaalaysan, wayna ka xaysay Khadiijo Illamaa ay ula tagtay Warqa Ibnu Noofal Ibnu Asad Ibnu Cabdulcuza oo Khadiija ay ilma adeer ahaayeen, wuxuuna ahaa Nin qaatay diinta Nasaarada xilligii Jaahiliga, wuxuuna ahaa ku qora khadka Cibraaniga, wuxuu qaorayey qayb Injiilka ah wixii Eebe doono, wuxuuna ahaa Oday waayeel ah oo indho beelay, waxay ku tidhi Khadiijo; Wiilkii adeerkay dhalayow, bal ka dhagayso wiilka aad adeerka u tahay, wuxuu ku dhahay Waraqa; Adeer maxaad aragtaa? Wuuna uga warramay Rasuulkii Ilaahay wuxuu arko, wuxuu ku yidhi Waraqa; Kani waa Malagii Ilaahay kusoo dajiyey Muuse, shalaytadaydee bal maan ahaado nin dhalinyaro ah, Shalaytadaydee bal maan ahaado mid nool markuu qoomkaagu ku saarayo, wuxuu dhahay Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H): Oo miyey i saarayaan! Wuxuu dhahay; Haa, Nin lamuu iman waxaad la timid (haduuse layimidna) waa lala coloobijiray, hadii ay isoo gaadho maalintaadu waan kuu gargaari gargaar wayn, kadibna Waraqa muu sii jooginba ee wuu geeriyooday, wuuna kala go’ay waxyigu.

Xadiiska 4 aad 

قَالَ ابْنُ شِهَابٍ وَأَخْبَرَنِي أَبُو سَلَمَةَ بْنُ عَبْدِ الرَّحْمَنِ، أَنَّ جَابِرَ بْنَ عَبْدِ اللَّهِ الأَنْصَارِيَّ، قَالَ ـ وَهُوَ يُحَدِّثُ عَنْ فَتْرَةِ الْوَحْىِ، فَقَالَ ـ فِي حَدِيثِهِ ‏”‏ بَيْنَا أَنَا أَمْشِي، إِذْ سَمِعْتُ صَوْتًا، مِنَ السَّمَاءِ، فَرَفَعْتُ بَصَرِي فَإِذَا الْمَلَكُ الَّذِي جَاءَنِي بِحِرَاءٍ جَالِسٌ عَلَى كُرْسِيٍّ بَيْنَ السَّمَاءِ وَالأَرْضِ، فَرُعِبْتُ مِنْهُ، فَرَجَعْتُ فَقُلْتُ زَمِّلُونِي‏.‏ فَأَنْزَلَ اللَّهُ تَعَالَى ‏{‏يَا أَيُّهَا الْمُدَّثِّرُ * قُمْ فَأَنْذِرْ‏}‏إِلَى قَوْلِهِ ‏{‏وَالرُّجْزَ فَاهْجُرْ‏}‏ فَحَمِيَ الْوَحْىُ وَتَتَابَعَ ‏”‏‏.‏ تَابَعَهُ عَبْدُ اللَّهِ بْنُ يُوسُفَ وَأَبُو صَالِحٍ‏.‏ وَتَابَعَهُ هِلاَلُ بْنُ رَدَّادٍ عَنِ الزُّهْرِيِّ‏.‏ وَقَالَ يُونُسُ وَمَعْمَرٌ ‏”‏ بَوَادِرُهُ ‏”‏‏.‏

Waxa laga wariyey Jaabir ibnu Cabdillahi oo reer Ansaareed ahaa, wuxuu yidhi; isagoo ka warramay waxyiga kala go’isii wuxuu ku dhahay warkiisii: Mar anigoo soconaya ayaan ka maqlay cod samada, waxaan sare u qaaday indhahayga, waaba Malagii iigu yimid Xiraa’ oo ku fadhiya Kursi dushii oo u dhaxeeya Samada iyo Dhulka, waan ku argagaxay, waan laabaty oo dhahay: I dada oo idada, markaasuu Ilaahay kor ahaayee soo dajiyey : <<  يَا أَيُّهَا المُدَّثِّرُ . قُمْ فَأَنْذِرْ >> illaa laga gaadhayo << وَالرُّجْزَ فَاهْجُرْ >> waxyigiina waa diiray, wuuna iska daba yimid (sii socday).

 

Xadiiska 5 aad

حَدَّثَنَا مُوسَى بْنُ إِسْمَاعِيلَ، قَالَ حَدَّثَنَا أَبُو عَوَانَةَ، قَالَ حَدَّثَنَا مُوسَى بْنُ أَبِي عَائِشَةَ، قَالَ حَدَّثَنَا سَعِيدُ بْنُ جُبَيْرٍ، عَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ، فِي قَوْلِهِ تَعَالَى ‏{‏لاَ تُحَرِّكْ بِهِ لِسَانَكَ لِتَعْجَلَ بِهِ‏}‏ قَالَ كَانَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم يُعَالِجُ مِنَ التَّنْزِيلِ شِدَّةً، وَكَانَ مِمَّا يُحَرِّكُ شَفَتَيْهِ ـ فَقَالَ ابْنُ عَبَّاسٍ فَأَنَا أُحَرِّكُهُمَا لَكُمْ كَمَا كَانَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم يُحَرِّكُهُمَا‏.‏ وَقَالَ سَعِيدٌ أَنَا أُحَرِّكُهُمَا كَمَا رَأَيْتُ ابْنَ عَبَّاسٍ يُحَرِّكُهُمَا‏.‏ فَحَرَّكَ شَفَتَيْهِ ـ فَأَنْزَلَ اللَّهُ تَعَالَى ‏{‏لاَ تُحَرِّكْ بِهِ لِسَانَكَ لِتَعْجَلَ بِهِ* إِنَّ عَلَيْنَا جَمْعَهُ وَقُرْآنَهُ‏}‏ قَالَ جَمْعُهُ لَهُ فِي صَدْرِكَ، وَتَقْرَأَهُ ‏{‏فَإِذَا قَرَأْنَاهُ فَاتَّبِعْ قُرْآنَهُ‏}‏ قَالَ فَاسْتَمِعْ لَهُ وَأَنْصِتْ ‏{‏ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا بَيَانَهُ‏}‏ ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا أَنْ تَقْرَأَهُ‏.‏ فَكَانَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم بَعْدَ ذَلِكَ إِذَا أَتَاهُ جِبْرِيلُ اسْتَمَعَ، فَإِذَا انْطَلَقَ جِبْرِيلُ قَرَأَهُ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم كَمَا قَرَأَهُ‏.‏

Waxa laga wariyey Ibnu Cabbaas (I.R.H) Fasirka ayaadan <<لاَ تُحَرِّكْ بِهِ لِسَانَكَ لِتَعْجَلَ بِهِ >> wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) waxa uu ahaa mid kala kulma soo dagista (Quraanka) dhib, wuxuuna ka mid ku dibnihiisa dhaqdhaqaajiya – Ibnu Cabbaas waxa uu yidhi: Anigu waxaan idiinku dhaqdhaqaajinayaa sidii Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) uu udhaqdhaqaajin jiray. Saciidna waxa uu dhahay; Aniguna waxaan idiinku dhaqdhaqaajin sidii Ibnu Cabbaas u dhaqdhaqaajiyey, waanu dhaqaajiyey labadiisii dibnood, markaasuu Eebe soo dajiyey (S.W) << لاَ تُحَرِّكْ بِهِ لِسَانَكَ لِتَعْجَلَ بِهِ إِنَّ عَلَيْنَا جَمْعَهُ وَقُرْآنَهُ>> waxa uu dhahay (Ibnu Cabbas isagoo fasiraya): ku ururino laabtaada (ayaan kaa damaanad qaadaynaa) aad akhriside, <<فَإِذَا قَرَأْنَاهُ فَاتَّبِعْ قُرْآنَهُ>> wuxuu yidhi: Dhagayso oo aamus, << ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا بَيَانَهُ>> markaasn korkayaga waxa ah inaad akhriso. Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) waxa uu ahaa wixii intaa ka danbeeyey markuu Jibriil u yimaado ku dhagaysta, kolkuu tago Jibriil ayuu Nabigu (N.N.K.H) u akhrin jiray siduu u akhriyey.

Xadiiska 6 aad

حَدَّثَنَا عَبْدَانُ، قَالَ أَخْبَرَنَا عَبْدُ اللَّهِ، قَالَ أَخْبَرَنَا يُونُسُ، عَنِ الزُّهْرِيِّ، ح وَحَدَّثَنَا بِشْرُ بْنُ مُحَمَّدٍ، قَالَ أَخْبَرَنَا عَبْدُ اللَّهِ، قَالَ أَخْبَرَنَا يُونُسُ، وَمَعْمَرٌ، عَنِ الزُّهْرِيِّ، نَحْوَهُ قَالَ أَخْبَرَنِي عُبَيْدُ اللَّهِ بْنُ عَبْدِ اللَّهِ، عَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ، قَالَ كَانَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم أَجْوَدَ النَّاسِ، وَكَانَ أَجْوَدُ مَا يَكُونُ فِي رَمَضَانَ حِينَ يَلْقَاهُ جِبْرِيلُ، وَكَانَ يَلْقَاهُ فِي كُلِّ لَيْلَةٍ مِنْ رَمَضَانَ فَيُدَارِسُهُ الْقُرْآنَ، فَلَرَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم أَجْوَدُ بِالْخَيْرِ مِنَ الرِّيحِ الْمُرْسَلَةِ‏

Waxa laga wariyey Ibnu Cabbaas inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) waxa uu aha aka ugu deeqsisan dadka, wuxuuna ugu deeq badnaa Ramadaan dhexdeeda markuu la kulmayo Jibriil, wuxuna Jibriil la kulmi jiray habeenkasta (bisha) Ramadaan, wuxuuna ku akhrinayey Quraanka, (Ilaahbaan ku dhaartee) Rasuulkii Ilaahybaa (N.N.K.H) khayrka kaga deeq badan dabaysha la diray. (Dabaysha roobka sida).

 

Xadiiska 7 aad

حَدَّثَنَا أَبُو الْيَمَانِ الْحَكَمُ بْنُ نَافِعٍ، قَالَ أَخْبَرَنَا شُعَيْبٌ، عَنِ الزُّهْرِيِّ، قَالَ أَخْبَرَنِي عُبَيْدُ اللَّهِ بْنُ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عُتْبَةَ بْنِ مَسْعُودٍ، أَنَّ عَبْدَ اللَّهِ بْنَ عَبَّاسٍ، أَخْبَرَهُ أَنَّ أَبَا سُفْيَانَ بْنَ حَرْبٍ أَخْبَرَهُ أَنَّ هِرَقْلَ أَرْسَلَ إِلَيْهِ فِي رَكْبٍ مِنْ قُرَيْشٍ ـ وَكَانُوا تُجَّارًا بِالشَّأْمِ ـ فِي الْمُدَّةِ الَّتِي كَانَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم مَادَّ فِيهَا أَبَا سُفْيَانَ وَكُفَّارَ قُرَيْشٍ، فَأَتَوْهُ وَهُمْ بِإِيلِيَاءَ فَدَعَاهُمْ فِي مَجْلِسِهِ، وَحَوْلَهُ عُظَمَاءُ الرُّومِ ثُمَّ دَعَاهُمْ وَدَعَا بِتَرْجُمَانِهِ فَقَالَ أَيُّكُمْ أَقْرَبُ نَسَبًا بِهَذَا الرَّجُلِ الَّذِي يَزْعُمُ أَنَّهُ نَبِيٌّ فَقَالَ أَبُو سُفْيَانَ فَقُلْتُ أَنَا أَقْرَبُهُمْ نَسَبًا‏.‏ فَقَالَ أَدْنُوهُ مِنِّي، وَقَرِّبُوا أَصْحَابَهُ، فَاجْعَلُوهُمْ عِنْدَ ظَهْرِهِ‏.‏ ثُمَّ قَالَ لِتَرْجُمَانِهِ قُلْ لَهُمْ إِنِّي سَائِلٌ هَذَا عَنْ هَذَا الرَّجُلِ، فَإِنْ كَذَبَنِي فَكَذِّبُوهُ‏.‏ فَوَاللَّهِ لَوْلاَ الْحَيَاءُ مِنْ أَنْ يَأْثِرُوا عَلَىَّ كَذِبًا لَكَذَبْتُ عَنْهُ، ثُمَّ كَانَ أَوَّلَ مَا سَأَلَنِي عَنْهُ أَنْ قَالَ كَيْفَ نَسَبُهُ فِيكُمْ قُلْتُ هُوَ فِينَا ذُو نَسَبٍ‏.‏ قَالَ فَهَلْ قَالَ هَذَا الْقَوْلَ مِنْكُمْ أَحَدٌ قَطُّ قَبْلَهُ قُلْتُ لاَ‏.‏ قَالَ فَهَلْ كَانَ مِنْ آبَائِهِ مِنْ مَلِكٍ قُلْتُ لاَ‏.‏ قَالَ فَأَشْرَافُ النَّاسِ يَتَّبِعُونَهُ أَمْ ضُعَفَاؤُهُمْ فَقُلْتُ بَلْ ضُعَفَاؤُهُمْ‏.‏ قَالَ أَيَزِيدُونَ أَمْ يَنْقُصُونَ قُلْتُ بَلْ يَزِيدُونَ‏.‏ قَالَ فَهَلْ يَرْتَدُّ أَحَدٌ مِنْهُمْ سَخْطَةً لِدِينِهِ بَعْدَ أَنْ يَدْخُلَ فِيهِ قُلْتُ لاَ‏.‏ قَالَ فَهَلْ كُنْتُمْ تَتَّهِمُونَهُ بِالْكَذِبِ قَبْلَ أَنْ يَقُولَ مَا قَالَ قُلْتُ لاَ‏.‏ قَالَ فَهَلْ يَغْدِرُ قُلْتُ لاَ، وَنَحْنُ مِنْهُ فِي مُدَّةٍ لاَ نَدْرِي مَا هُوَ فَاعِلٌ فِيهَا‏.‏ قَالَ وَلَمْ تُمْكِنِّي كَلِمَةٌ أُدْخِلُ فِيهَا شَيْئًا غَيْرُ هَذِهِ الْكَلِمَةِ‏.‏ قَالَ فَهَلْ قَاتَلْتُمُوهُ قُلْتُ نَعَمْ‏.‏ قَالَ فَكَيْفَ كَانَ قِتَالُكُمْ إِيَّاهُ قُلْتُ الْحَرْبُ بَيْنَنَا وَبَيْنَهُ سِجَالٌ، يَنَالُ مِنَّا وَنَنَالُ مِنْهُ‏.‏ قَالَ مَاذَا يَأْمُرُكُمْ قُلْتُ يَقُولُ اعْبُدُوا اللَّهَ وَحْدَهُ، وَلاَ تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا، وَاتْرُكُوا مَا يَقُولُ آبَاؤُكُمْ، وَيَأْمُرُنَا بِالصَّلاَةِ وَالصِّدْقِ وَالْعَفَافِ وَالصِّلَةِ‏.‏ فَقَالَ لِلتَّرْجُمَانِ قُلْ لَهُ سَأَلْتُكَ عَنْ نَسَبِهِ، فَذَكَرْتَ أَنَّهُ فِيكُمْ ذُو نَسَبٍ، فَكَذَلِكَ الرُّسُلُ تُبْعَثُ فِي نَسَبِ قَوْمِهَا، وَسَأَلْتُكَ هَلْ قَالَ أَحَدٌ مِنْكُمْ هَذَا الْقَوْلَ فَذَكَرْتَ أَنْ لاَ، فَقُلْتُ لَوْ كَانَ أَحَدٌ قَالَ هَذَا الْقَوْلَ قَبْلَهُ لَقُلْتُ رَجُلٌ يَأْتَسِي بِقَوْلٍ قِيلَ قَبْلَهُ، وَسَأَلْتُكَ هَلْ كَانَ مِنْ آبَائِهِ مِنْ مَلِكٍ فَذَكَرْتَ أَنْ لاَ، قُلْتُ فَلَوْ كَانَ مِنْ آبَائِهِ مِنْ مَلِكٍ قُلْتُ رَجُلٌ يَطْلُبُ مُلْكَ أَبِيهِ، وَسَأَلْتُكَ هَلْ كُنْتُمْ تَتَّهِمُونَهُ بِالْكَذِبِ قَبْلَ أَنْ يَقُولَ مَا قَالَ فَذَكَرْتَ أَنْ لاَ، فَقَدْ أَعْرِفُ أَنَّهُ لَمْ يَكُنْ لِيَذَرَ الْكَذِبَ عَلَى النَّاسِ وَيَكْذِبَ عَلَى اللَّهِ، وَسَأَلْتُكَ أَشْرَافُ النَّاسِ اتَّبَعُوهُ أَمْ ضُعَفَاؤُهُمْ فَذَكَرْتَ أَنَّ ضُعَفَاءَهُمُ اتَّبَعُوهُ، وَهُمْ أَتْبَاعُ الرُّسُلِ، وَسَأَلْتُكَ أَيَزِيدُونَ أَمْ يَنْقُصُونَ فَذَكَرْتَ أَنَّهُمْ يَزِيدُونَ، وَكَذَلِكَ أَمْرُ الإِيمَانِ حَتَّى يَتِمَّ، وَسَأَلْتُكَ أَيَرْتَدُّ أَحَدٌ سَخْطَةً لِدِينِهِ بَعْدَ أَنْ يَدْخُلَ فِيهِ فَذَكَرْتَ أَنْ لاَ، وَكَذَلِكَ الإِيمَانُ حِينَ تُخَالِطُ بَشَاشَتُهُ الْقُلُوبَ، وَسَأَلْتُكَ هَلْ يَغْدِرُ فَذَكَرْتَ أَنْ لاَ، وَكَذَلِكَ الرُّسُلُ لاَ تَغْدِرُ، وَسَأَلْتُكَ بِمَا يَأْمُرُكُمْ، فَذَكَرْتَ أَنَّهُ يَأْمُرُكُمْ أَنْ تَعْبُدُوا اللَّهَ، وَلاَ تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا، وَيَنْهَاكُمْ عَنْ عِبَادَةِ الأَوْثَانِ، وَيَأْمُرُكُمْ بِالصَّلاَةِ وَالصِّدْقِ وَالْعَفَافِ‏.‏ فَإِنْ كَانَ مَا تَقُولُ حَقًّا فَسَيَمْلِكُ مَوْضِعَ قَدَمَىَّ هَاتَيْنِ، وَقَدْ كُنْتُ أَعْلَمُ أَنَّهُ خَارِجٌ، لَمْ أَكُنْ أَظُنُّ أَنَّهُ مِنْكُمْ، فَلَوْ أَنِّي أَعْلَمُ أَنِّي أَخْلُصُ إِلَيْهِ لَتَجَشَّمْتُ لِقَاءَهُ، وَلَوْ كُنْتُ عِنْدَهُ لَغَسَلْتُ عَنْ قَدَمِهِ‏.‏ ثُمَّ دَعَا بِكِتَابِ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم الَّذِي بَعَثَ بِهِ دِحْيَةُ إِلَى عَظِيمِ بُصْرَى، فَدَفَعَهُ إِلَى هِرَقْلَ فَقَرَأَهُ فَإِذَا فِيهِ بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ‏.‏ مِنْ مُحَمَّدٍ عَبْدِ اللَّهِ وَرَسُولِهِ إِلَى هِرَقْلَ عَظِيمِ الرُّومِ‏.‏ سَلاَمٌ عَلَى مَنِ اتَّبَعَ الْهُدَى، أَمَّا بَعْدُ فَإِنِّي أَدْعُوكَ بِدِعَايَةِ الإِسْلاَمِ، أَسْلِمْ تَسْلَمْ، يُؤْتِكَ اللَّهُ أَجْرَكَ مَرَّتَيْنِ، فَإِنْ تَوَلَّيْتَ فَإِنَّ عَلَيْكَ إِثْمَ الأَرِيسِيِّينَ وَ‏{‏يَا أَهْلَ الْكِتَابِ تَعَالَوْا إِلَى كَلِمَةٍ سَوَاءٍ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ أَنْ لاَ نَعْبُدَ إِلاَّ اللَّهَ وَلاَ نُشْرِكَ بِهِ شَيْئًا وَلاَ يَتَّخِذَ بَعْضُنَا بَعْضًا أَرْبَابًا مِنْ دُونِ اللَّهِ فَإِنْ تَوَلَّوْا فَقُولُوا اشْهَدُوا بِأَنَّا مُسْلِمُونَ‏}‏ قَالَ أَبُو سُفْيَانَ فَلَمَّا قَالَ مَا قَالَ، وَفَرَغَ مِنْ قِرَاءَةِ الْكِتَابِ كَثُرَ عِنْدَهُ الصَّخَبُ، وَارْتَفَعَتِ الأَصْوَاتُ وَأُخْرِجْنَا، فَقُلْتُ لأَصْحَابِي حِينَ أُخْرِجْنَا لَقَدْ أَمِرَ أَمْرُ ابْنِ أَبِي كَبْشَةَ، إِنَّهُ يَخَافُهُ مَلِكُ بَنِي الأَصْفَرِ‏.‏ فَمَا زِلْتُ مُوقِنًا أَنَّهُ سَيَظْهَرُ حَتَّى أَدْخَلَ اللَّهُ عَلَىَّ الإِسْلاَمَ‏.‏ وَكَانَ ابْنُ النَّاظُورِ صَاحِبُ إِيلِيَاءَ وَهِرَقْلَ سُقُفًّا عَلَى نَصَارَى الشَّأْمِ، يُحَدِّثُ أَنَّ هِرَقْلَ حِينَ قَدِمَ إِيلِيَاءَ أَصْبَحَ يَوْمًا خَبِيثَ النَّفْسِ، فَقَالَ بَعْضُ بَطَارِقَتِهِ قَدِ اسْتَنْكَرْنَا هَيْئَتَكَ‏.‏ قَالَ ابْنُ النَّاظُورِ وَكَانَ هِرَقْلُ حَزَّاءً يَنْظُرُ فِي النُّجُومِ، فَقَالَ لَهُمْ حِينَ سَأَلُوهُ إِنِّي رَأَيْتُ اللَّيْلَةَ حِينَ نَظَرْتُ فِي النُّجُومِ مَلِكَ الْخِتَانِ قَدْ ظَهَرَ، فَمَنْ يَخْتَتِنُ مِنْ هَذِهِ الأُمَّةِ قَالُوا لَيْسَ يَخْتَتِنُ إِلاَّ الْيَهُودُ فَلاَ يُهِمَّنَّكَ شَأْنُهُمْ وَاكْتُبْ إِلَى مَدَايِنِ مُلْكِكَ، فَيَقْتُلُوا مَنْ فِيهِمْ مِنَ الْيَهُودِ‏.‏ فَبَيْنَمَا هُمْ عَلَى أَمْرِهِمْ أُتِيَ هِرَقْلُ بِرَجُلٍ أَرْسَلَ بِهِ مَلِكُ غَسَّانَ، يُخْبِرُ عَنْ خَبَرِ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم فَلَمَّا اسْتَخْبَرَهُ هِرَقْلُ قَالَ اذْهَبُوا فَانْظُرُوا أَمُخْتَتِنٌ هُوَ أَمْ لاَ‏.‏ فَنَظَرُوا إِلَيْهِ، فَحَدَّثُوهُ أَنَّهُ مُخْتَتِنٌ، وَسَأَلَهُ عَنِ الْعَرَبِ فَقَالَ هُمْ يَخْتَتِنُونَ‏.‏ فَقَالَ هِرَقْلُ هَذَا مَلِكُ هَذِهِ الأُمَّةِ قَدْ ظَهَرَ‏.‏ ثُمَّ كَتَبَ هِرَقْلُ إِلَى صَاحِبٍ لَهُ بِرُومِيَةَ، وَكَانَ نَظِيرَهُ فِي الْعِلْمِ، وَسَارَ هِرَقْلُ إِلَى حِمْصَ، فَلَمْ يَرِمْ حِمْصَ حَتَّى أَتَاهُ كِتَابٌ مِنْ صَاحِبِهِ يُوَافِقُ رَأْىَ هِرَقْلَ عَلَى خُرُوجِ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم وَأَنَّهُ نَبِيٌّ، فَأَذِنَ هِرَقْلُ لِعُظَمَاءِ الرُّومِ فِي دَسْكَرَةٍ لَهُ بِحِمْصَ ثُمَّ أَمَرَ بِأَبْوَابِهَا فَغُلِّقَتْ، ثُمَّ اطَّلَعَ فَقَالَ يَا مَعْشَرَ الرُّومِ، هَلْ لَكُمْ فِي الْفَلاَحِ وَالرُّشْدِ وَأَنْ يَثْبُتَ مُلْكُكُمْ فَتُبَايِعُوا هَذَا النَّبِيَّ، فَحَاصُوا حَيْصَةَ حُمُرِ الْوَحْشِ إِلَى الأَبْوَابِ، فَوَجَدُوهَا قَدْ غُلِّقَتْ، فَلَمَّا رَأَى هِرَقْلُ نَفْرَتَهُمْ، وَأَيِسَ مِنَ الإِيمَانِ قَالَ رُدُّوهُمْ عَلَىَّ‏.‏ وَقَالَ إِنِّي قُلْتُ مَقَالَتِي آنِفًا أَخْتَبِرُ بِهَا شِدَّتَكُمْ عَلَى دِينِكُمْ، فَقَدْ رَأَيْتُ‏.‏ فَسَجَدُوا لَهُ وَرَضُوا عَنْهُ، فَكَانَ ذَلِكَ آخِرَ شَأْنِ هِرَقْلَ‏.‏ رَوَاهُ صَالِحُ بْنُ كَيْسَانَ وَيُونُسُ وَمَعْمَرٌ عَنِ الزُّهْرِيِّ‏.‏

Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey in Abusufyaan ibnu Xarbi uga sheekeeyey: in Hiraqal (Boqorkii Roomaanka) usoo diray safar Qureesh ah, waxayna ahaaayeen kuwo ganacsto ah oo jooga Shaam (Urdun, Suuriya, Lubnaan iyo Falastiin) xilligii uu nabigu (N.N.K.H) uu mudada (heshiiska) kula jiray Abusufyaan iyo gaaladii Qureeshba, way u yimaadeen ayagoo jooga Iiliyaa, waana ugu yeedhay golihiisii, isagoo ay hereero joogaan Roomaanka madaxdeedii, markaasu u yeedhay isaga iyo turjumaankiisii, wuxuu yidhi: Yaa idiin ku nasab dhow ninkaas sheeganaya inuu yahay Nabi? Abusufyaan waxa uu dhahay: waxaan idhi aniga ayaa ugu nasab dhow. Wxuu dhahay: iisoo dhoweeya, asxaabtiisana usoo dhoweeya oo yeela dhabarkiisa agtiisa, kadibna turjumaankiisii ayuu ku dhahay: waxaad ku dhahdaa (Abusufyaan asxaabtiisii) inaan waydiinayo arrinta ninkaas, ee haduu been ii sheego beeneeya, (Abusufyaan waxa uu yidhi) Ilaahbaan ku dhaartee hadii aanu xishood jirin ay iga qaadaan been waaan ka been sheegi lahaa, wixii ugu horeeyey ee uu i waydiiyey waxay ahayd: Waa sidee dhalashadiisu dhexdiina? Waxaan idhi: dhalasho ayuu nagu leeyahay, waxa uu yidhi: hadalkan isaga hortii miyaa la sheegtay? Waxaan idhi; Maya. Waxa uu dhahay; Aabayaashii ma qaarbaa boqoro ahaa? Waxaan idhi; Maya. Waxa uu dhahay: Ma dadka awooda leh ayaa raacaya mise dadka taagta yar? Waxaan idhi: kuwa tamarta yar. Waxa uu yidhi; Miyey korayaan mise way yaraanayaan? Waxaan idhi; Maya ee way korayaan. Waxa uu dhahay; Miyey cid kasoo laabataa ayagoo u cadhaysan diintiisa kadib markay galaan? Waxaan idhi; May. Waxa uu dhahay: Miyaad been ku eedayn jirteen intaanu odhanin hadalkan (sheeganin Nabinimo)? Waxaan idhi: May. Waxa uu dhahay; Miyuu ballan buriyaa? Waxaan idhi; Maya, anaguna waxaan kula jirnaa mudo (heshiis) ma garanayno waxa uu fali. Waxa uu dhahay (Abusufyaan): iimay suurtoobin inaan dhex galiyo weedho weedhaas  mooyee. Wuxuu dhahay: Ma dagaalanteen? Waxaan idhi: Haa. Waxa uu dhahay: Sideebuu ahaa dagaalkiinu  isaga? Waxaan idhi: dagaalku dhexdayada waa wadaamaysi, waan ka guulaysanaa, isaguna wuu naga guulaystaa. Waxa uu dhahay: Muxuu idin faraa? Waxaan idhi: wuxuu dhahaa: Ilaahay caabuda oo wehel ha u samaynina, kana taga waxa aabayaashiin dhahayaan, wuxuu na faraa salaada, sakada, sadaqada, dhawrsanida iyo qaraabo xiriirinta. Wuxuu ku dhahay Turjumaankii: ku dheh; waxaan ku waydiiyey dhalashadiisa waxaanad sheegtay inuu dhalasho idinku leeyahay, sidaasbaan Rususha looga soo saaraa qoomkooda ayagoo dhalasho ku leh, waxaan ku waydiiyey miyey isaga ka hor hadalkan sheegata, waxaad tidhi may, waxaan idhi: hadii cid ka horeysay ay tidhi hadalkan waxaan odhan waa nin ku dayanaya hadal hore loo yidhi, waxaan ku waydiiyey in cid ka mid ah aabayaashii boqor ahaa, waxaad tidhi; Maya, waxaan idhi: Hadii aabayashii boqor ahaayeen, waxaan odhan; waa nin dalbaya boqortooyadii aabihii, waxaan ku waydiiyey, miyaad been ku tuhmi jirteen intaan hadalkan sheeganin, waxaad dhahday; may, waxaan dhab u ogahay inaanay ahaanayn inuu beenta dadka iska daayey kana been sheego Ilaahay, waxaan ku waydiiyey, ma dadka madaxda ah ayaa raacaya mise dadka taagta yar, waxaad tidhi; dadka tamarta yar ayaa raacaya, waana kuwa raaca rususha. Waxaan ku waydiiyey miyey korayaan mise way yaraanayaan? Waxaad tidhi; way korayaan, waana sidaas arrinka iimaanku marka uu korayo. Waxaan ku waydiiyey miyey cid ka laabataa cadho ay u qabto diintiisa kadib markay gasho, waxaad tidhi; may, waana sidaas iimaanku marka ay la socoto qalbi furan. Waxaan ku waydiiyey, miyuu ballan buriyaa, waxaad tidhi; mar, waa sidaas, rusushu ma ballan buriyaan. Waxaan ku waydiiyey, muxuu idin faraa, waxaad tidhi; inaad caabudaan Ilaahay oo aydaan cidna la wadaajinin, iyo inuu idinka reebo inaad caabudaan sanamka, iyo inuu idin faro salaada, runta iyo dhawrsanida, hadii uu dhab yahay hadlkaad tidhi wuxuu hantiyi doonaa meesha labadayda lugood yaalaan, waanan ogaa inuu soo baxayo, manaan filayn inuu idinka yahay, hadaan ogahay inaan u gaar noqonayo waan isku dhibi lahaa la kulankiisa, hadaan agtiisa joogana cagihisa ayaan dhaqi lahaa, kadibna wuxuu u yeedhay kitaabkii rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) kaasoo loogu soo dhiibay Dixya madaxa Busra,  wuxuuna usii gudbiyey Hiraqal, wuuna akhriyey, mise waxa ku qoran (Bismillahi raxmaani raxiiim) ka socota Muxamed oo ah adoonkii iyo rasuulkii Ilaahay, kuna socota Hiraqal Madaxa Roomaanka; Nabadgalyo ha ahaato cida hanuunka raacday, intaa kadib, waxaan kuugu yeedhayaa yabooha Islaamka, hogaansan aad nabadgashide, Eebana ajarkaaga ayuu ku siin laba jeer, hadaad jeesatidna waxa korkaaga ah danbiga beeralayda (qoomkaaga), << يَا أَهْلَ الكِتَابِ تَعَالَوْا إِلَى كَلِمَةٍ سَوَاءٍ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ أَنْ لاَ نَعْبُدَ إِلَّا اللَّهَ وَلاَ نُشْرِكَ بِهِ شَيْئًا وَلاَ يَتَّخِذَ بَعْضُنَا بَعْضًا أَرْبَابًا مِنْ دُونِ اللَّهِ فَإِنْ تَوَلَّوْا فَقُولُوا اشْهَدُوا بِأَنَّا مُسْلِمُونَ>> Abusufyaan waxa uu dhahay; Markuu dhahay wixii uu yidhi, ee u dhameeyey akhrintii kitaabka, buuqiibaa ku batay, codkiina sare ayuu u kacay, waana nala saaray, waxaan ku idhi asxaabtaydii markii nala saaray; wuu waynaaday arrinkii ibnu abi Kabasha, wax ka cabsanaya boqorkii Bani Asfar (reer Yurubta), waanan yaqiinsanaa inuu muujismayo, illamaayo Eebe isoo galiyey Islaamka.  Ibnu Naaduur waxa uu ahaa ninkii (xukumayey) Iiliyaa’ saaxiibna la ahaa Hiraqal baadari degan Shaam, wuxuu ka sheekayn jiray in Hiraqal markuu yimid Iiliyaa inuu maalin noqday mid argagaxsan, kuwo ka mid ah madaxdiisii waxay ku dhaheem; shakligaaga waan la yaabnay manta, ibnu Naaduur waxa uu yidhi; Hiraqal waxa uu ahaa xidigiye fiiriya xidigaha, wuxuu dhahay markay waydiiyeen; waxaan xalay arkay markaan xidigaha eegay in boqorkii dadka is guda dhashay, yaa iska guda Ummadan? Waxay dhaheen: waxa is guda oo kaliya Yahuuda, yaanay ku murginin arrinkoodu, ee u qor magaalooyinkaaga warqado, ha dilaan wixii yahuud joogta. Ayagoo sidaas ku sugan, waxa loo keenay Hiraqal nin uu soo diray boqorkii Qassaan, isagoo uga warraamaya warka Rasuulkii Ilaahay, markii looga warramay Hiraqala ayuu dhahay; taga, oo eega inuu gudan yahay iyo inkale, way eegeen waxayna u sheegeen inuu gudanyahay, waydiiyana Carabta (inay is gudaan) waxa uu dhahay: ayagu way is gudaan. Waxa uu dhahay Hiraqal:  Kaasi waa boqortooyadii ummadan ayaa soo if baxday, kadibna Hiraqla wuxuu u qoray saaxiibkiis joogay Rooma, wuxuuna ahaa dhigiisa xaga cilmiga, Hiiraqal waxa uu u baxay Ximis, markuu jooga Ximisba waxa u timid warqad  saaxiibkii ka soccota oo uu ku waafaqayo aragtidiisa, in Nabigu soo baxay (N.N.K.H), iyo inuu yahay Nabi. Wuxuu Hiraqal u ogaaladay madaxdii Roomaanka fadhi (gole), markaasuu faray albaabadeedii in la xirxiro, markaasuu sare joogsaday oo dhahay, Reer Ruumoow, Ma rabtaan liibaan, hanuun iyo in ay boqortooyadiinu suganto, (waa hadaad) la heshiisaan Nabigan, (madaxdii Roomanku) way u ordeen xaga albaabka sida dameer farawga, waxayna arkeen in la xirxiray, markuu Hiraqal arkay inay dideen, kana quustay iimaankodii ayuu dhahay: Igu soo celiya, waxaanu dhahay: Anigu waxaan u idhi hadalkaygii markii dhoweyd si aan idinku imtixaamo sidaad ugu adagtihiin diintiina, waanan arkay, markaasay u sujuudeen oo raali ka noqdeen. Waana arrinkii ugu danbeeyey ee Hiraqal.