Xadiiska 46 aad 

 حَدَّثَنَا إِسْمَاعِيلُ ، قَالَ : حَدَّثَنِي مَالِكُ بْنُ أَنَسٍ ، عَنْ عَمِّهِ أَبِي سُهَيْلِ بْنِ مَالِكٍ ، عَنْ أَبِيهِ ، أَنَّهُ سَمِعَ طَلْحَةَ بْنَ عُبَيْدِ اللَّهِ ، يَقُولُ : جَاءَ رَجُلٌ إِلَى رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مِنْ أَهْلِ نَجْدٍ ثَائِرَ الرَّأْسِ ، يُسْمَعُ دَوِيُّ صَوْتِهِ وَلاَ يُفْقَهُ مَا يَقُولُ ، حَتَّى دَنَا ، فَإِذَا هُوَ يَسْأَلُ عَنِ الإِسْلاَمِ ، فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : خَمْسُ صَلَوَاتٍ فِي اليَوْمِ وَاللَّيْلَةِ . فَقَالَ : هَلْ عَلَيَّ غَيْرُهَا ؟ قَالَ : لاَ ، إِلَّا أَنْ تَطَوَّعَ . قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : وَصِيَامُ رَمَضَانَ . قَالَ : هَلْ عَلَيَّ غَيْرُهُ ؟ قَالَ : لاَ ، إِلَّا أَنْ تَطَوَّعَ . قَالَ : وَذَكَرَ لَهُ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ الزَّكَاةَ ، قَالَ : هَلْ عَلَيَّ غَيْرُهَا ؟ قَالَ : لاَ ، إِلَّا أَنْ تَطَوَّعَ . قَالَ : فَأَدْبَرَ الرَّجُلُ وَهُوَ يَقُولُ : وَاللَّهِ لاَ أَزِيدُ عَلَى هَذَا وَلاَ أَنْقُصُ ، قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : أَفْلَحَ إِنْ صَدَقَ

Dalxa ibnu Cubaydillaahi waxa uu dhahay: Ninbaa u yimid Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) oo ahaa reer Najdi, madaxiisuna (Timihiisu) taagtaaganyihiin, codkiisuna guuxayo, lamana fahmayn waxa uu leeyahay, illamaayo uu kasoo dhowaaday, mise waxa uu waydiinayaa (Rasuulka) Islaamka, wuxuuna ku yidhi Rasuulii Ilaahay (N.N.K.H) waa shan salaadood habeen iyo maalin, wuxuu dhahay: miyaa wax kale laygu leeyahay? Wuxuu dhahay: May, inaad siyaadsato mooyee, wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H): iyo Soomka Ramadaan, wuxuu dhahay: miyaa wax kale laygu leeyahay? Wuxuu dhahay: may, hadaad siyaadsato mooyee, wuxuu dhahay: wuxuu sheegay Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) Sakada, wuxuu dhahay: Miyaa wax kale laygu leeyahay? Wuxuu dhahay; May, hadaad siyaadsato mooyee, wuxuu dhahay: Ninkii waa laabtay isagoo leh: Ilaahbaan ku dhaartee intaa waxna kuma darayo kaman naaqusinayo (yaraynayo), wuxuu dhahay Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H): wuu liibaanay, haduu run sheegay.