Xadiiska 22 aad

 حَدَّثَنَا إِسْمَاعِيلُ ، قَالَ : حَدَّثَنِي مَالِكٌ ، عَنْ عَمْرِو بْنِ يَحْيَى المَازِنِيِّ ، عَنْ أَبِيهِ ، عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الخُدْرِيِّ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ ، عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : يَدْخُلُ أَهْلُ الجَنَّةِ الجَنَّةَ ، وَأَهْلُ النَّارِ النَّارَ ، ثُمَّ يَقُولُ اللَّهُ تَعَالَى : أَخْرِجُوا مِنَ النَّارِ مَنْ كَانَ فِي قَلْبِهِ مِثْقَالُ حَبَّةٍ مِنْ خَرْدَلٍ مِنْ إِيمَانٍ . فَيُخْرَجُونَ مِنْهَا قَدِ اسْوَدُّوا ، فَيُلْقَوْنَ فِي نَهَرِ الحَيَا ، أَوِ الحَيَاةِ – شَكَّ مَالِكٌ – فَيَنْبُتُونَ كَمَا تَنْبُتُ الحِبَّةُ فِي جَانِبِ السَّيْلِ ، أَلَمْ تَرَ أَنَّهَا تَخْرُجُ صَفْرَاءَ مُلْتَوِيَةً قَالَ وُهَيْبٌ : حَدَّثَنَا عَمْرٌو : الحَيَاةِ ، وَقَالَ : خَرْدَلٍ مِنْ خَيْرٍ

Abu Saciid Alkhudriyy (I.R.H) waxa uu ka wariyey Nabiga (N.N.K.H) inuu yidhi: Ehlu Jannadu way galayaan Jannada (Maalinta qayaame), Ehlu Naarkuna way galayaan Naarta, markaasu Ilaahay dhahayaa: Kasoo saara Naarta ruuxii qalbigiisa uu ku jiray xabad Khardal (geed midho yar) oo Iimaan ah, waa lasoo saarayaa ayagoo madoobaaday, waxaana lagu tuuraya wabiga roobka, ama nolosha (Maalik ayaa shakiyey), wayna soo dhalanayaan sida ay u dhalato cayadu daadka dhinaciisa, miyeydaan arag inay soo baxdo (cayadu) ayadoo Jaalle ah oo marmaroorsan.

 

Xadiiska 23 aad

 حَدَّثَنَا مُحَمَّدُ بْنُ عُبَيْدِ اللَّهِ ، قَالَ : حَدَّثَنَا إِبْرَاهِيمُ بْنُ سَعْدٍ ، عَنْ صَالِحٍ ، عَنِ ابْنِ شِهَابٍ ، عَنْ أَبِي أُمَامَةَ بْنِ سَهْلِ بْنِ حُنَيْفٍ ، أَنَّهُ سَمِعَ أَبَا سَعِيدٍ الخُدْرِيَّ ، يَقُولُ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : بَيْنَا أَنَا نَائِمٌ ، رَأَيْتُ النَّاسَ يُعْرَضُونَ عَلَيَّ وَعَلَيْهِمْ قُمُصٌ ، مِنْهَا مَا يَبْلُغُ الثُّدِيَّ ، وَمِنْهَا مَا دُونَ ذَلِكَ ، وَعُرِضَ عَلَيَّ عُمَرُ بْنُ الخَطَّابِ وَعَلَيْهِ قَمِيصٌ يَجُرُّهُ . قَالُوا : فَمَا أَوَّلْتَ ذَلِكَ يَا رَسُولَ اللَّهِ ؟ قَالَ : الدِّينَ

Abu Saciid Alkhudriyy (I.R.H) waxa uu maqlau Nabiga (N.N.K.H) oo dhahaya: Anigoo hurda ayaa arkay dadka oo laysoo bandhigay ayagoo sita Qamiiisyo, wax ka mid ahaa kuwo (qamiisku) gaadhayo Naasaha, iyo kuwo kasii hooseeya, waxa laysoo bandhiga Cumar ibnu Khadaab isagoo xidhan qamiis uu jiidayo. Waxay dhaheen; Maxaad ku fasirtay Rasuulkii Ilaahayow? Waxa uu dhahay: Diinta.