Xadiiska 104 aad

حَدَّثَنَا عَبْدُ اللَّهِ بْنُ يُوسُفَ، قَالَ حَدَّثَنِي اللَّيْثُ، قَالَ حَدَّثَنِي سَعِيدٌ، عَنْ أَبِي شُرَيْحٍ، أَنَّهُ قَالَ لِعَمْرِو بْنِ سَعِيدٍ وَهْوَ يَبْعَثُ الْبُعُوثَ إِلَى مَكَّةَ ائْذَنْ لِي أَيُّهَا الأَمِيرُ أُحَدِّثْكَ قَوْلاً قَامَ بِهِ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم الْغَدَ مِنْ يَوْمِ الْفَتْحِ، سَمِعَتْهُ أُذُنَاىَ وَوَعَاهُ قَلْبِي، وَأَبْصَرَتْهُ عَيْنَاىَ، حِينَ تَكَلَّمَ بِهِ، حَمِدَ اللَّهَ وَأَثْنَى عَلَيْهِ ثُمَّ قَالَ ‏”‏ إِنَّ مَكَّةَ حَرَّمَهَا اللَّهُ، وَلَمْ يُحَرِّمْهَا النَّاسُ، فَلاَ يَحِلُّ لاِمْرِئٍ يُؤْمِنُ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الآخِرِ أَنْ يَسْفِكَ بِهَا دَمًا، وَلاَ يَعْضِدَ بِهَا شَجَرَةً، فَإِنْ أَحَدٌ تَرَخَّصَ لِقِتَالِ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم فِيهَا فَقُولُوا إِنَّ اللَّهَ قَدْ أَذِنَ لِرَسُولِهِ، وَلَمْ يَأْذَنْ لَكُمْ‏.‏ وَإِنَّمَا أَذِنَ لِي فِيهَا سَاعَةً مِنْ نَهَارٍ، ثُمَّ عَادَتْ حُرْمَتُهَا الْيَوْمَ كَحُرْمَتِهَا بِالأَمْسِ، وَلْيُبَلِّغِ الشَّاهِدُ الْغَائِبَ ‏”‏‏.‏ فَقِيلَ لأَبِي شُرَيْحٍ مَا قَالَ عَمْرٌو قَالَ أَنَا أَعْلَمُ مِنْكَ يَا أَبَا شُرَيْحٍ، لاَ يُعِيذُ عَاصِيًا، وَلاَ فَارًّا بِدَمٍ، وَلاَ فَارًّا بِخَرْبَةٍ

Abushurayx wuxuu ku yidhi Camru ibnu Saciid isagoo ciidamo u diraya Makkah (si loola dagaalamao Cabdillaahi ibnu Zubeyr): ii ogolow Amiiryahow, aan kaaga warramo hadal uu ku kacay Nabigu (N.N.K.H) maalintii ku xigtay maalintii la furtay Makkah, waxaan ku maqlay dhagayga kuna weeleeyey qalbigayga, kuna arkay indhahayga markuu ka sheekeeyey, Ilaahay ayuu mahadiyey waanu amaanay markaasuu dhahahy: “Makkah, Ilaahaybaa xarimay oo dadku maysan xarrimin, umana banana ruux Ilaahay iyo maalinta qayaame rumaysan inuu dhiig ku daadiyo, kana gooyo geed, hadii cid xujo ka dhigato ( in dagaalka Makkah banaanyahay) sida Rasuulkii Ilaahayba yeelay, waxaad dhahdaan Ilaahay ayaa Rasuulkiis u ogolaaday, idinkana laydinma ogolaan, waxaana lay ogolaaday mudo yar maalinta (dhawr saacadood), waxayna xurmadeedu soo noqotay maanta (iminka) sidii shalay ay u xarimnayd, hana gaadhsiiyo ka joogaa ka maqan”.

Waxa la waydiiyey Abushurayx wixii uu dhahay Camru, wuxuu yidhi: Anigaa kaa og Abushurayxoow, Makkah difaacimayso cid Caasiya ama mid dhiig la ordaya ama mid la ordaya xatooyo.

 

Xadiiska 105 aad

حَدَّثَنَا عَبْدُ اللَّهِ بْنُ عَبْدِ الْوَهَّابِ، قَالَ حَدَّثَنَا حَمَّادٌ، عَنْ أَيُّوبَ، عَنْ مُحَمَّدٍ، عَنِ ابْنِ أَبِي بَكْرَةَ، عَنْ أَبِي بَكْرَةَ، ذُكِرَ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم قَالَ ‏”‏ فَإِنَّ دِمَاءَكُمْ وَأَمْوَالَكُمْ ـ قَالَ مُحَمَّدٌ وَأَحْسِبُهُ قَالَ وَأَعْرَاضَكُمْ ـ عَلَيْكُمْ حَرَامٌ كَحُرْمَةِ يَوْمِكُمْ هَذَا فِي شَهْرِكُمْ هَذَا، أَلاَ لِيُبَلِّغِ الشَّاهِدُ مِنْكُمُ الْغَائِبَ ‏”‏‏.‏ وَكَانَ مُحَمَّدٌ يَقُولُ صَدَقَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم كَانَ ذَلِكَ ‏”‏ أَلاَ هَلْ بَلَّغْتُ ‏”‏ مَرَّتَيْنِ

Abu Bakrah waxa laga wariyey in Nabigu dhahay: Dhiigiina iyo hantidiinu– wuxuu yidhi Muxamed waxaan u malaynayaa inuu yidhi: iyo sharaftiinu waa idinka xaaran sida maanta ay u xurmantahay, bishiinani u xurmantahay, hooyaay, ha gaadhsiiyo kiina jooga kiina maqan.‏