Xadiiska 50 aad

 حَدَّثَنَا مُسَدَّدٌ ، قَالَ : حَدَّثَنَا إِسْمَاعِيلُ بْنُ إِبْرَاهِيمَ ، أَخْبَرَنَا أَبُو حَيَّانَ التَّيْمِيُّ ، عَنْ أَبِي زُرْعَةَ ، عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ ، قَالَ : كَانَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بَارِزًا يَوْمًا لِلنَّاسِ ، فَأَتَاهُ جِبْرِيلُ فَقَالَ : مَا الإِيمَانُ ؟ قَالَ : الإِيمَانُ أَنْ تُؤْمِنَ بِاللَّهِ وَمَلاَئِكَتِهِ ، وَكُتُبِهِ ، وَبِلِقَائِهِ ، وَرُسُلِهِ وَتُؤْمِنَ بِالْبَعْثِ . قَالَ : مَا الإِسْلاَمُ ؟ قَالَ : الإِسْلاَمُ : أَنْ تَعْبُدَ اللَّهَ ، وَلاَ تُشْرِكَ بِهِ شَيْئًا ، وَتُقِيمَ الصَّلاَةَ ، وَتُؤَدِّيَ الزَّكَاةَ المَفْرُوضَةَ ، وَتَصُومَ رَمَضَانَ . قَالَ : مَا الإِحْسَانُ ؟ قَالَ : أَنْ تَعْبُدَ اللَّهَ كَأَنَّكَ تَرَاهُ ، فَإِنْ لَمْ تَكُنْ تَرَاهُ فَإِنَّهُ يَرَاكَ ، قَالَ : مَتَى السَّاعَةُ ؟ قَالَ : مَا المَسْئُولُ عَنْهَا بِأَعْلَمَ مِنَ السَّائِلِ ، وَسَأُخْبِرُكَ عَنْ أَشْرَاطِهَا : إِذَا وَلَدَتِ الأَمَةُ رَبَّهَا ، وَإِذَا تَطَاوَلَ رُعَاةُ الإِبِلِ البُهْمُ فِي البُنْيَانِ ، فِي خَمْسٍ لاَ يَعْلَمُهُنَّ إِلَّا اللَّهُ ثُمَّ تَلاَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : { إِنَّ اللَّهَ عِنْدَهُ عِلْمُ السَّاعَةِ } الآيَةَ ، ثُمَّ أَدْبَرَ فَقَالَ : رُدُّوهُ فَلَمْ يَرَوْا شَيْئًا ، فَقَالَ : هَذَا جِبْرِيلُ جَاءَ يُعَلِّمُ النَّاسَ دِينَهُمْ.  قَالَ أَبُو عَبْدِ اللَّهِ : جَعَلَ ذَلِكَ كُلَّهُ مِنَ الإِيمَانِ

Abu hurayra waxa uu yidhi: Nabigu (N.N.K.H) waxa uu ahaa maalin kii usoo baxay dadka (dhex fadhiya), waxaana u yimid Jibriil, wuxuuna ku dhahay: Waa maxay Iimaanku? Waxa uu dhahay: Iimaanku waa in la rumeeyo Ilaahay, Malaa’iktiisa, kutubtiisa, la kulankiisa, Rusushiisa iyo in la rumeeyo Maalinta laysa soo bixin doono. Wuxuu dhahahay: Waa maxay Islaamku? Waxa uu dhahay: Islaamku waa inaad caabudo Ilaahay oo aanad cidna wehel uga yeelin, Salaadana la oogo, sakada waajibka ahna lala yimaado, lana soomo Ramadaan. Wuxuu dhahay: waa maxay Ixsaanku? Waxa uu dhahay: waa inaad Ilaahay u caabudo sidii aad arkayso oo kale, hadii aanad arkayna isaga ayaa ku arkaya. Wuxuu dhahay: waa goorma Saacadu? Waxa uu dhahay: ka la waydiinayo ugama aqoon roona ka wax waydiinaya, waxaanan kaaga warramayaa calaamadaheeda: Markay adoontu dhasho sayidkeedii (Macsidu badato heer gabadho ka dhasho ilmo ayada rabaynaya),  markay ku dherertamaan geeljiruhu jaahiliga ah Guryaha, Shan ayey ku dhex jirtaa aan Ilaahay mooyee cid kale aanu aqoonin, markaana waxa uu akhriyo Nabigu (N.N.K.H) {إِنَّ اللَّهَ عِنْدَهُ عِلْمُ السَّاعَةِ} aayada, markaasu tagay (Jibriil), wuxuu dhahay: soo celiya, manaysan arag, markaasuu dhahay: Kaasi Jibriil ayuu ahaa, wuxuu u yimid inuu dadka baro diintooda.

 

Xadiiska 51 aad

 حَدَّثَنَا إِبْرَاهِيمُ بْنُ حَمْزَةَ ، قَالَ : حَدَّثَنَا إِبْرَاهِيمُ بْنُ سَعْدٍ ، عَنْ صَالِحٍ ، عَنِ ابْنِ شِهَابٍ ، عَنْ عُبَيْدِ اللَّهِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ ، أَنَّ عَبْدَ اللَّهِ بْنَ عَبَّاسٍ ، أَخْبَرَهُ قَالَ : أَخْبَرَنِي أَبُو سُفْيَانَ بْنُ حَرْبٍ ، أَنَّ هِرَقْلَ ، قَالَ لَهُ : سَأَلْتُكَ هَلْ يَزِيدُونَ أَمْ يَنْقُصُونَ ؟ فَزَعَمْتَ أَنَّهُمْ يَزِيدُونَ ، وَكَذَلِكَ الإِيمَانُ حَتَّى يَتِمَّ ، وَسَأَلْتُكَ هَلْ يَرْتَدُّ أَحَدٌ سَخْطَةً لِدِينِهِ بَعْدَ أَنْ يَدْخُلَ فِيهِ ؟ فَزَعَمْتَ أَنْ لاَ ، وَكَذَلِكَ الإِيمَانُ ، حِينَ تُخَالِطُ بَشَاشَتُهُ القُلُوبَ لاَ يَسْخَطُهُ أَحَدٌ

Cabdilaahi ibnu Cabbaas waxa uu dhahay: Abu Sufyaan ayaa iiga warramay, inuu Hiraqal ku yidhi: Waxaan ku waydiiyey miyey korayaan mise way yaraanayaan? Waxaad sheegatay; inay korayaan, waana sidaas iimaanku illamaa uu ka dhamaystirmo, Waxaan ku waydiiyey miyey cid ka laabataa cadho ay u qabto diintiisa kadib markay gasho, waxaad sheegatay; May, waana sidaas iimaanku marka ay la socoto qalbi furan, cidina uma cadhoonayso.