Xadiiska 70 aad

ـ حَدَّثَنَا عُثْمَانُ بْنُ أَبِي شَيْبَةَ، قَالَ حَدَّثَنَا جَرِيرٌ، عَنْ مَنْصُورٍ، عَنْ أَبِي وَائِلٍ، قَالَ كَانَ عَبْدُ اللَّهِ يُذَكِّرُ النَّاسَ فِي كُلِّ خَمِيسٍ، فَقَالَ لَهُ رَجُلٌ يَا أَبَا عَبْدِ الرَّحْمَنِ لَوَدِدْتُ أَنَّكَ ذَكَّرْتَنَا كُلَّ يَوْمٍ‏.‏ قَالَ أَمَا إِنَّهُ يَمْنَعُنِي مِنْ ذَلِكَ أَنِّي أَكْرَهُ أَنْ أُمِلَّكُمْ، وَإِنِّي أَتَخَوَّلُكُمْ بِالْمَوْعِظَةِ كَمَا كَانَ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم يَتَخَوَّلُنَا بِهَا، مَخَافَةَ السَّآمَةِ عَلَيْنَا‏ 

Abi-Waa’il waxa laga wariyey in Cabdillahi (ibnu Mascuud) uu dadka u khudbadayn jiray Khamiis kasta, markaas ayuu nin ku dhahay: Aba Cabdiraxmanow, waxaan jeclaa inaad na wacdido maalin kasta. Waxa uu dhahay: waxa ii diidaya arrinkaas anigoo nacaya inaad ka daashaan, waanan idiin qaybinayaa sidii Nabigu (N.N.K.H) uu noogu qaybin jiray, isagoo ka cabsanaya inaan ka daalno.