Xadiiska 116 aad

حَدَّثَنَا سَعِيدُ بْنُ عُفَيْرٍ، قَالَ حَدَّثَنِي اللَّيْثُ، قَالَ حَدَّثَنِي عَبْدُ الرَّحْمَنِ بْنُ خَالِدٍ، عَنِ ابْنِ شِهَابٍ، عَنْ سَالِمٍ، وَأَبِي، بَكْرِ بْنِ سُلَيْمَانَ بْنِ أَبِي حَثْمَةَ أَنَّ عَبْدَ اللَّهِ بْنَ عُمَرَ، قَالَ صَلَّى بِنَا النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم الْعِشَاءَ فِي آخِرِ حَيَاتِهِ، فَلَمَّا سَلَّمَ قَامَ فَقَالَ ‏”‏ أَرَأَيْتَكُمْ لَيْلَتَكُمْ هَذِهِ، فَإِنَّ رَأْسَ مِائَةِ سَنَةٍ مِنْهَا لاَ يَبْقَى مِمَّنْ هُوَ عَلَى ظَهْرِ الأَرْضِ أَحَدٌ

Cabdillaahi ibnu Cumar wuxuu yidhi: Nabiga (N.N.K.H) ayaa na tujiyey salaada Cishe maalmihii ugu danbeeyey noloshiisa, markuu salaamo naqsaday ayuu yidhi: ka warrama habeenkiinan, marka boqol sano kasoo wareegto (xilligan) kuma hadhayo cid dhulka dusheeda joogta (way dhimanayaan).

 

Xadiiska 117 aad

حَدَّثَنَا آدَمُ، قَالَ حَدَّثَنَا شُعْبَةُ، قَالَ حَدَّثَنَا الْحَكَمُ، قَالَ سَمِعْتُ سَعِيدَ بْنَ جُبَيْرٍ، عَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ، قَالَ بِتُّ فِي بَيْتِ خَالَتِي مَيْمُونَةَ بِنْتِ الْحَارِثِ زَوْجِ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم وَكَانَ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم عِنْدَهَا فِي لَيْلَتِهَا، فَصَلَّى النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم الْعِشَاءَ، ثُمَّ جَاءَ إِلَى مَنْزِلِهِ، فَصَلَّى أَرْبَعَ رَكَعَاتٍ، ثُمَّ نَامَ، ثُمَّ قَامَ، ثُمَّ قَالَ ‏”‏ نَامَ الْغُلَيِّمُ ‏”‏‏.‏ أَوْ كَلِمَةً تُشْبِهُهَا، ثُمَّ قَامَ فَقُمْتُ عَنْ يَسَارِهِ، فَجَعَلَنِي عَنْ يَمِينِهِ، فَصَلَّى خَمْسَ رَكَعَاتٍ ثُمَّ صَلَّى رَكْعَتَيْنِ، ثُمَّ نَامَ حَتَّى سَمِعْتُ غَطِيطَهُ ـ أَوْ خَطِيطَهُ ـ ثُمَّ خَرَجَ إِلَى الصَّلاَةِ

Ibnu Cabbas wuxuu yidhi: waxaan u hoyday guriga habaryartay Maymuuna bintu Al-xaarith, marwadii Nabiga (N.N.K.H), Nabiguna wuxuu u lahaa habeenkaas gurigeeda, wuxuuna Nabigu tukaday Cishaha, wuxuuna yimid gurigeeda, kuna tukaday afar rakcadood, markaasuu seexday, hadana wuu kacay markaasu dhahay: Wiilkii miyuu hurdaa? Ama weedh la mid ah, markaasuu istaagay, waxaanan istaagay bidixdiisa, wuxuuna i yeelay mmidigtiisa, wuxuuna tukaday shan rakcadood, markaasuu tukaday laba rakcadood, markaasuu seexday illamaayo aan ka maqlay khuuradiisa, kadibna salaadii (subax) ayuu u baxay.‏