حَدَّثَنَا إِسْمَاعِيلُ بْنُ عَبْدِ اللَّهِ، قَالَ حَدَّثَنِي إِبْرَاهِيمُ بْنُ سَعْدٍ، عَنْ صَالِحٍ، عَنِ ابْنِ شِهَابٍ، عَنْ عُبَيْدِ اللَّهِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عُتْبَةَ بْنِ مَسْعُودٍ، أَنَّ عَبْدَ اللَّهِ بْنَ عَبَّاسٍ، أَخْبَرَهُ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم بَعَثَ بِكِتَابِهِ رَجُلاً، وَأَمَرَهُ أَنْ يَدْفَعَهُ إِلَى عَظِيمِ الْبَحْرَيْنِ، فَدَفَعَهُ عَظِيمُ الْبَحْرَيْنِ إِلَى كِسْرَى، فَلَمَّا قَرَأَهُ مَزَّقَهُ‏.‏ فَحَسِبْتُ أَنَّ ابْنَ الْمُسَيَّبِ قَالَ فَدَعَا عَلَيْهِمْ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم أَنْ يُمَزَّقُوا كُلَّ مُمَزَّقٍ

Cabdillahi ibnu Cabbaas waxa laga wariyey inuu ka warramay in Nabigii Ilaahay (N.N.K.H) warqad u dhiibay Nin, farayna inuu u geeyo Madaxa Baxrayn, madaxii Baxrayna wuxuu u gudbiyey Madaxii Kisra, markuu isaguna akhriyey ayuu jeexjeexay, waxaanan u maleeyey in Ibnu Almusiib dhahay Nabigii Ilaahay wuu habaaray, in (dawaladooda) la googooyo googayn.

ـ حَدَّثَنَا مُحَمَّدُ بْنُ مُقَاتِلٍ أَبُو الْحَسَنِ، أَخْبَرَنَا عَبْدُ اللَّهِ، قَالَ أَخْبَرَنَا شُعْبَةُ، عَنْ قَتَادَةَ، عَنْ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ، قَالَ كَتَبَ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم كِتَابًا ـ أَوْ أَرَادَ أَنْ يَكْتُبَ ـ فَقِيلَ لَهُ إِنَّهُمْ لاَ يَقْرَءُونَ كِتَابًا إِلاَّ مَخْتُومًا‏.‏ فَاتَّخَذَ خَاتَمًا مِنْ فِضَّةٍ نَقْشُهُ مُحَمَّدٌ رَسُولُ اللَّهِ‏.‏ كَأَنِّي أَنْظُرُ إِلَى بَيَاضِهِ فِي يَدِهِ‏.‏ فَقُلْتُ لِقَتَادَةَ مَنْ قَالَ نَقْشُهُ مُحَمَّدٌ رَسُولُ اللَّهِ قَالَ أَنَسٌ‏.‏

Anas ibnu Maalik waxa laga wariyey inuu dhahay: Nabigu (N.N.K.H) waxa uu qoray warqad, ama waxa uu doonay inuu qoro, waxa lagu dhahay ma akhriyaan warqad aan shaanbadaysnayn. Wuxuu samaystay kaatun laga sameeyey Qalin, laguna nashqadeeyey (qoray) Muxamed waa Rasuulkii Ilaahay. Waxaad moodaa inaan eegayo cadaantii (kaatunka) ee gacantiisa. Waxaan ku idhi Qitaada: Yaa ku nashkhadeeyey Muxamed waa Rasuulkii Ilaahay? Waxa uu dhahay: Anas.