Xadiiska 90 aad

حَدَّثَنَا مُحَمَّدُ بْنُ كَثِيرٍ، قَالَ أَخْبَرَنَا سُفْيَانُ، عَنِ ابْنِ أَبِي خَالِدٍ، عَنْ قَيْسِ بْنِ أَبِي حَازِمٍ، عَنْ أَبِي مَسْعُودٍ الأَنْصَارِيِّ، قَالَ: قَالَ رَجُلٌ يَا رَسُولَ اللَّهِ، لاَ أَكَادُ أُدْرِكُ الصَّلاَةَ مِمَّا يُطَوِّلُ بِنَا فُلاَنٌ، فَمَا رَأَيْتُ النَّبِيَّ صلى الله عليه وسلم فِي مَوْعِظَةٍ أَشَدَّ غَضَبًا مِنْ يَوْمِئِذٍ فَقَالَ ‏”‏ أَيُّهَا النَّاسُ، إِنَّكُمْ مُنَفِّرُونَ، فَمَنْ صَلَّى بِالنَّاسِ فَلْيُخَفِّفْ، فَإِنَّ فِيهِمُ الْمَرِيضَ وَالضَّعِيفَ وَذَا الْحَاجَةِ

Abu Mascuud al-ansaari waxa uu dhahay: Ninbaa dhahay: Rasuulkii Ilaahayow, kumaba dhowi inaan salaad tukado sida hebel noogu dheeraynayo (Salaada), maan arkin Nabiga (N.N.K.H) oo wacdiga ugu cadhaysan maalintaa, waxaanu yidhi: Dadoow, idinku waad eryaysaan (dadka), cidii dadka tujisaa ha fudaydiyo, sababtoo ah wax ka mid ah ku xanuusan, ku tamar daran iyo baahi leh.

 

Xadiiska 91 aad

 حَدَّثَنَا عَبْدُ اللَّهِ بْنُ مُحَمَّدٍ، قَالَ حَدَّثَنَا أَبُو عَامِرٍ، قَالَ حَدَّثَنَا سُلَيْمَانُ بْنُ بِلاَلٍ الْمَدِينِيُّ، عَنْ رَبِيعَةَ بْنِ أَبِي عَبْدِ الرَّحْمَنِ، عَنْ يَزِيدَ، مَوْلَى الْمُنْبَعِثِ عَنْ زَيْدِ بْنِ خَالِدٍ الْجُهَنِيِّ، أَنَّ النَّبِيَّ صلى الله عليه وسلم سَأَلَهُ رَجُلٌ عَنِ اللُّقَطَةِ فَقَالَ ‏”‏ اعْرِفْ وِكَاءَهَا ـ أَوْ قَالَ وِعَاءَهَا ـ وَعِفَاصَهَا، ثُمَّ عَرِّفْهَا سَنَةً، ثُمَّ اسْتَمْتِعْ بِهَا، فَإِنْ جَاءَ رَبُّهَا فَأَدِّهَا إِلَيْهِ ‏”‏‏.‏ قَالَ فَضَالَّةُ الإِبِلِ فَغَضِبَ حَتَّى احْمَرَّتْ وَجْنَتَاهُ ـ أَوْ قَالَ احْمَرَّ وَجْهُهُ ـ فَقَالَ ‏”‏ وَمَا لَكَ وَلَهَا مَعَهَا سِقَاؤُهَا وَحِذَاؤُهَا، تَرِدُ الْمَاءَ، وَتَرْعَى الشَّجَرَ، فَذَرْهَا حَتَّى يَلْقَاهَا رَبُّهَا ‏”‏‏.‏ قَالَ فَضَالَّةُ الْغَنَمِ قَالَ ‏”‏ لَكَ أَوْ لأَخِيكَ أَوْ لِلذِّئْبِ

Sayid ibnu Khaalid al-juhani waxa laga wariyey, in Nabiga (N.N.K.H) nin waydiiyey baadida, waxa uu dhahay Nabigu: “ aqoonso xadhigeeda (alaabta xadhiga ku xidhan)”, amase wuxuu dhahay: “ aqoonso weelkeeda iyo daboolkeeda, markaasna baafi hal sano, kadibna isticmaal, hadiise uu yimaado cidii lahayd sii”  wuxuu dhahay ninkii: ka waran geela baadida ah? waa cadhooday Nabigu illamaayo ay casaatay labadiisa indhood lafta ka hooseysa, ama waxa uu dhahay: wajigiisu casaaday. Wuxuuna dhahay nabigu: “ oo maxaad ka rabtaa, waxay wadataa qarbadkeedii (sibraarkeedii- weelkii ay wax ku kaydsanaysay) iyo kabaheeda, waxay ku aroori biyaha (biyo raadsan), waxayna daaqi dhirta, ee iskaga tag hala kulmo kii lahaaye. Wuxuu dhaha ninkii: ka waran baadida adhiga? Wuxuu dhahay nabigu: adigaa leh ama walaalkaa ama yey (waa la cunayaa).

 

Xadiiska 92 aad

 حَدَّثَنَا مُحَمَّدُ بْنُ الْعَلاَءِ، قَالَ حَدَّثَنَا أَبُو أُسَامَةَ، عَنْ بُرَيْدٍ، عَنْ أَبِي بُرْدَةَ، عَنْ أَبِي مُوسَى، قَالَ سُئِلَ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم عَنْ أَشْيَاءَ كَرِهَهَا، فَلَمَّا أُكْثِرَ عَلَيْهِ غَضِبَ، ثُمَّ قَالَ لِلنَّاسِ ‏”‏ سَلُونِي عَمَّا شِئْتُمْ ‏”‏‏.‏ قَالَ رَجُلٌ مَنْ أَبِي قَالَ ‏”‏ أَبُوكَ حُذَافَةُ ‏”‏‏.‏ فَقَامَ آخَرُ فَقَالَ مَنْ أَبِي يَا رَسُولَ اللَّهِ فَقَالَ ‏“‏ أَبُوكَ سَالِمٌ مَوْلَى شَيْبَةَ ‏”‏‏.‏ فَلَمَّا رَأَى عُمَرُ مَا فِي وَجْهِهِ قَالَ يَا رَسُولَ اللَّهِ، إِنَّا نَتُوبُ إِلَى اللَّهِ عَزَّ وَجَلَّ

‏Abu Muuse waxa laga wariyey in la waydiiyey Nabiga (N.N.K.H) arrimo uu kahdo, markii lagu badiyey ayuu cadhooday, markaasuu dadka ku dhahay: i waydiiya waxaad rabtaan? Ninbaa wuxuu yidhi: Waa kuma aabahay? Wuxuu dhahay Nabigu: Aabahaa waa Xudaafa. Ku kale ayaa istaagay oo yidhi: Waa kuma aabahay? Wuxuu dhahay Nabigu: Aabahaa waa Saalim- mawlaha Shayba. Markuu Cumar arkay cadhada Nabiga ayuu dhahay: Rasuulkii Ilaahayow, waxaan u toobad keenaynaa Ilaahay (S.W).