Xadiiska 111 aad

حَدَّثَنَا مُحَمَّدُ بْنُ سَلاَمٍ، قَالَ أَخْبَرَنَا وَكِيعٌ، عَنْ سُفْيَانَ، عَنْ مُطَرِّفٍ، عَنِ الشَّعْبِيِّ، عَنْ أَبِي جُحَيْفَةَ، قَالَ قُلْتُ لِعَلِيٍّ هَلْ عِنْدَكُمْ كِتَابٌ قَالَ لاَ، إِلاَّ كِتَابُ اللَّهِ، أَوْ فَهْمٌ أُعْطِيَهُ رَجُلٌ مُسْلِمٌ، أَوْ مَا فِي هَذِهِ الصَّحِيفَةِ‏.‏ قَالَ قُلْتُ فَمَا فِي هَذِهِ الصَّحِيفَةِ قَالَ الْعَقْلُ، وَفَكَاكُ الأَسِيرِ، وَلاَ يُقْتَلُ مُسْلِمٌ بِكَافِرٍ 

Abu Juxayfah waxa laga wariyey inuu ku dhahay Cali: Ma haysaan Kitaab? Wuxuu yidhi: May, Kitaabka Ilaahay mooyee, ama Fahan awoodeed oo Nin Muslim ah la siiyey ama waxa ku sugan Saxiiifadan. Wuxuu yidhi Abu Juxfah: Oo maxaa ku sugan Saxiifada? Wuxuu yidhi Cali: Magta, iyo waxa lagu furto Maxbuuska iyo inaan qof Muslim ah loo dilin ruux gaal ah.

 

Xadiiska 112 aad

حَدَّثَنَا أَبُو نُعَيْمٍ الْفَضْلُ بْنُ دُكَيْنٍ، قَالَ حَدَّثَنَا شَيْبَانُ، عَنْ يَحْيَى، عَنْ أَبِي سَلَمَةَ، عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ، أَنَّ خُزَاعَةَ، قَتَلُوا رَجُلاً مِنْ بَنِي لَيْثٍ عَامَ فَتْحِ مَكَّةَ بِقَتِيلٍ مِنْهُمْ قَتَلُوهُ، فَأُخْبِرَ بِذَلِكَ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم فَرَكِبَ رَاحِلَتَهُ، فَخَطَبَ فَقَالَ ‏”‏ إِنَّ اللَّهَ حَبَسَ عَنْ مَكَّةَ الْقَتْلَ ـ أَوِ الْفِيلَ شَكَّ أَبُو عَبْدِ اللَّهِ ـ وَسَلَّطَ عَلَيْهِمْ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم وَالْمُؤْمِنِينَ، أَلاَ وَإِنَّهَا لَمْ تَحِلَّ لأَحَدٍ قَبْلِي، وَلاَ تَحِلُّ لأَحَدٍ بَعْدِي أَلاَ وَإِنَّهَا حَلَّتْ لِي سَاعَةً مِنْ نَهَارٍ، أَلاَ وَإِنَّهَا سَاعَتِي هَذِهِ حَرَامٌ، لاَ يُخْتَلَى شَوْكُهَا، وَلاَ يُعْضَدُ شَجَرُهَا، وَلاَ تُلْتَقَطُ سَاقِطَتُهَا إِلاَّ لِمُنْشِدٍ، فَمَنْ قُتِلَ فَهُوَ بِخَيْرِ النَّظَرَيْنِ إِمَّا أَنْ يُعْقَلَ، وَإِمَّا أَنْ يُقَادَ أَهْلُ الْقَتِيلِ ‏”‏‏.‏ فَجَاءَ رَجُلٌ مِنْ أَهْلِ الْيَمَنِ فَقَالَ اكْتُبْ لِي يَا رَسُولَ اللَّهِ‏.‏ فَقَالَ ‏”‏ اكْتُبُوا لأَبِي فُلاَنٍ ‏”‏‏.‏ فَقَالَ رَجُلٌ مِنْ قُرَيْشٍ إِلاَّ الإِذْخِرَ يَا رَسُولَ اللَّهِ، فَإِنَّا نَجْعَلُهُ فِي بُيُوتِنَا وَقُبُورِنَا‏.‏ فَقَالَ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم ‏”‏ إِلاَّ الإِذْخِرَ، إِلاَّ الإِذْخِرَ ‏”‏‏.‏ قَالَ أَبُو عَبْدِ اللَّهِ يُقَالُ يُقَادُ بِالْقَافِ‏.‏ فَقِيلَ لأَبِي عَبْدِ اللَّهِ أَىُّ شَىْءٍ كَتَبَ لَهُ قَالَ كَتَبَ لَهُ هَذِهِ الْخُطْبَةَ 

Abu Hurayra waxa laga wariyey in Reer Khusaaca dileen nin reer Layth ah sanadkii la furtay Makkah loona dilay aargoosi, waxaana loo sheegay arrinkaas Nabiga (N.N.K.H) wuxuuna fuulay hshiisii, wuuna khudbadeeye oo dhahay: Ilaahay ayaa Makkah ka xakameeyey dilka, ama maroodiga (waxa shakiyey Abu cabdullahi) wuxuuna ku salliday (u ogolaaday) Rasuulka (N.N.K.H) iyo mu’miniinta, hooyaay umay xalaaloobin cid iga horeysay, umana xalaal aha cid iga danbaysa, waxaana la ii ogolaaday saacad (muddo yar) oo maalina, hooyaay, xilliganna waa xarrimantahay, lama goynayo qodaxdeeda, lamana jarayo dhirteeda, lama qaadanayo baadideeda (kaliya) waa la baafinayaa, qofkii la dilana lama mid ayuu doorkeed leeyahay, inuu mag qaato, ama loo qisaaso (loo dilo cidii dilay). Waxaana Yemen ka yimid Nin dhahayna: ii qor Rasuulkii Ilaahayow. Wuxuu yidhi: u qora Abu Hebel. Nin Qureeshi ah ayaa dhahay: Dikhriga (geed udug leh) marka laga reebo, sababtoo ah waxaan ku dhisanaa guryahayaga iyo xabaalahanaga, markaasuu Nabigu (N.N.K.H) dhahay: Dikhriga, Dikhriga mooyee.

 

Xadiiska 113 aad

حَدَّثَنَا عَلِيُّ بْنُ عَبْدِ اللَّهِ، قَالَ حَدَّثَنَا سُفْيَانُ، قَالَ حَدَّثَنَا عَمْرٌو، قَالَ أَخْبَرَنِي وَهْبُ بْنُ مُنَبِّهٍ، عَنْ أَخِيهِ، قَالَ سَمِعْتُ أَبَا هُرَيْرَةَ، يَقُولُ مَا مِنْ أَصْحَابِ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم أَحَدٌ أَكْثَرَ حَدِيثًا عَنْهُ مِنِّي، إِلاَّ مَا كَانَ مِنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرٍو فَإِنَّهُ كَانَ يَكْتُبُ وَلاَ أَكْتُبُ‏.‏ تَابَعَهُ مَعْمَرٌ عَنْ هَمَّامٍ عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ

Abu Hurayra wuxuu yidhi: Saxaabada Nabiga (N.N.K.H) cid iga xadiis badan ma jirto, marka laga reebo Cabdillaahi ibnu Camrin, isagu wuu qori jiray aniguse maan qori jirin.

 

Xadiiska 114 aad

حَدَّثَنَا يَحْيَى بْنُ سُلَيْمَانَ، قَالَ حَدَّثَنِي ابْنُ وَهْبٍ، قَالَ أَخْبَرَنِي يُونُسُ، عَنِ ابْنِ شِهَابٍ، عَنْ عُبَيْدِ اللَّهِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ، عَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ، قَالَ لَمَّا اشْتَدَّ بِالنَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم وَجَعُهُ قَالَ ‏”‏ ائْتُونِي بِكِتَابٍ أَكْتُبُ لَكُمْ كِتَابًا لاَ تَضِلُّوا بَعْدَهُ ‏”‏‏.‏ قَالَ عُمَرُ إِنَّ النَّبِيَّ صلى الله عليه وسلم غَلَبَهُ الْوَجَعُ وَعِنْدَنَا كِتَابُ اللَّهِ حَسْبُنَا فَاخْتَلَفُوا وَكَثُرَ اللَّغَطُ‏.‏ قَالَ ‏”‏ قُومُوا عَنِّي، وَلاَ يَنْبَغِي عِنْدِي التَّنَازُعُ ‏”‏‏.‏ فَخَرَجَ ابْنُ عَبَّاسٍ يَقُولُ إِنَّ الرَّزِيَّةَ كُلَّ الرَّزِيَّةِ مَا حَالَ بَيْنَ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم وَبَيْنَ كِتَابِهِ

Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey inuu yidhi: markii xanuunku ku adkaaday Nabiga (N.N.K.H) ayuu yidhi: ii keena warqad aan idiin qoro kitaab aydaan gadaashay lumina, wuxuu yidhi Cumar: Nabiga waxa ka awood badatay xanuunkii, waxaanan haysanaa Kitaabkii Ilaahay oo inagu filan, way is khilaafeen, waxaana batay buuqii, wuxuu yidhi Nabigu: ka kaca xagayga, kuma haboona xagayga muranku.