Xadiiska 26 aad

 حَدَّثَنَا أَحْمَدُ بْنُ يُونُسَ ، وَمُوسَى بْنُ إِسْمَاعِيلَ ، قَالاَ : حَدَّثَنَا إِبْرَاهِيمُ بْنُ سَعْدٍ ، قَالَ : حَدَّثَنَا ابْنُ شِهَابٍ ، عَنْ سَعِيدِ بْنِ المُسَيِّبِ ، عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ ، أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ سُئِلَ : أَيُّ العَمَلِ أَفْضَلُ ؟ فَقَالَ : إِيمَانٌ بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ . قِيلَ : ثُمَّ مَاذَا ؟ قَالَ : الجِهَادُ فِي سَبِيلِ اللَّهِ. قِيلَ : ثُمَّ مَاذَا ؟ قَالَ : حَجٌّ مَبْرُورٌ

Abu Hurayra (I.R.H) waxa laga wariyey in la waydiiye  Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H): Camalka kee ugu fiican? Waxa uu dhahay: In la rumeeyo Ilaahay iyo Rasuulkiisa. Waxa la dhahay: Yaa ku xiga? Wuxuu dhahay: Jihaadka oo dar Ilaahay loo dagaalamo. Waxa la yidhi: Maxaa ku xiga? Waxa uu dhahay: Xaj la wanaajiyey (oo aan macsi lagu samayn dhexdiisa).