Xadiiska 27 aad

حَدَّثَنَا أَبُو اليَمَانِ ، قَالَ : أَخْبَرَنَا شُعَيْبٌ ، عَنِ الزُّهْرِيِّ ، قَالَ : أَخْبَرَنِي عَامِرُ بْنُ سَعْدِ بْنِ أَبِي وَقَّاصٍ ، عَنْ سَعْدٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ ، أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَعْطَى رَهْطًا وَسَعْدٌ جَالِسٌ ، فَتَرَكَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ رَجُلًا هُوَ أَعْجَبُهُمْ إِلَيَّ ، فَقُلْتُ : يَا رَسُولَ اللَّهِ مَا لَكَ عَنْ فُلاَنٍ فَوَاللَّهِ إِنِّي لَأَرَاهُ مُؤْمِنًا ، فَقَالَ : أَوْ مُسْلِمًا فَسَكَتُّ قَلِيلًا ، ثُمَّ غَلَبَنِي مَا أَعْلَمُ مِنْهُ ، فَعُدْتُ لِمَقَالَتِي ، فَقُلْتُ : مَا لَكَ عَنْ فُلاَنٍ ؟ فَوَاللَّهِ إِنِّي لَأَرَاهُ مُؤْمِنًا ، فَقَالَ : أَوْ مُسْلِمًا . ثُمَّ غَلَبَنِي مَا أَعْلَمُ مِنْهُ فَعُدْتُ لِمَقَالَتِي ، وَعَادَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ، ثُمَّ قَالَ : يَا سَعْدُ إِنِّي لَأُعْطِي الرَّجُلَ ، وَغَيْرُهُ أَحَبُّ إِلَيَّ مِنْهُ ، خَشْيَةَ أَنْ يَكُبَّهُ اللَّهُ فِي النَّارِ .وَرَوَاهُ يُونُسُ ، وَصَالِحٌ ، وَمَعْمَرٌ ، وَابْنُ أَخِي الزُّهْرِيِّ ، عَنِ الزُّهْرِيِّ

Sacad ibnu Abi Waqaas (I.R.H) waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (N.N.K:H) inuu siiyey koox (xoolo) iyadoo Sacad uu fadhiyo, markaasuu Rasuulkii Ilaahay ka tagay Nin ka iigu cajabka badana (aan u bogay)  waxaan idhi: Rasuulkii Ilaahayow maxaa kuugu wacan inaad hebel ka tagto, Ilaahbaan ku dhaartee waxaan u arkaa inuu Mu’min uu yahay, waxa uu dhahay; ama Muslim. Waanu aamusay mudo yar. Hadana waxa iga roonaaday waxaan ogahay, waxaana ku celiyey weedhaydii, waxaanan idhi: maxaa kuugu wacan inaad hebel ka tagto, Ilaahbaan ku dhaartee waxaan u arkaa inuu Mu’min uu yahay, waxa uu dhahay; ama Muslim. Hadana waxa iga roonaaday waxaan ogahay, waxaana ku celiyey weedhaydii, waanu ku celiyey Rasuulkii Ilaahay (N.N.K:H) markaasuu dhahay: Sacadoow, Ninka waan siin (xoolo) ayadoon mid kale aan ka jeclahay, anigoo ka cabsanay in Ilaahay naarta ku rido.