Xadiiska 57 aad

حَدَّثَنَا مُسَدَّدٌ ، قَالَ : حَدَّثَنَا يَحْيَى ، عَنْ إِسْمَاعِيلَ ، قَالَ : حَدَّثَنِي قَيْسُ بْنُ أَبِي حَازِمٍ ، عَنْ جَرِيرِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ ، قَالَ : بَايَعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَلَى إِقَامِ الصَّلاَةِ ، وَإِيتَاءِ الزَّكَاةِ ، وَالنُّصْحِ لِكُلِّ مُسْلِمٍ

Jariir ibnu Cabdillaah (I.R.H) waxa uu dhahay: Nabigii Ilaahay (N.N.K.H) waxaan kula bayctamay (heshiiyey) inaan oogo salaada, bixiyo Sakada iyo inaan u nasteexeeyo Muslim kasta.

 

Xadiiska 58 aad

 حَدَّثَنَا أَبُو النُّعْمَانِ ، قَالَ : حَدَّثَنَا أَبُو عَوَانَةَ ، عَنْ زِيَادِ بْنِ عِلاَقَةَ ، قَالَ : سَمِعْتُ جَرِيرَ بْنَ عَبْدِ اللَّهِ ، يَقُولُ يَوْمَ مَاتَ المُغِيرَةُ بْنُ شُعْبَةَ ، قَامَ فَحَمِدَ اللَّهَ وَأَثْنَى عَلَيْهِ ، وَقَالَ : عَلَيْكُمْ بِاتِّقَاءِ اللَّهِ وَحْدَهُ لاَ شَرِيكَ لَهُ ، وَالوَقَارِ ، وَالسَّكِينَةِ ، حَتَّى يَأْتِيَكُمْ أَمِيرٌ ، فَإِنَّمَا يَأْتِيكُمُ الآنَ . ثُمَّ قَالَ : اسْتَعْفُوا لِأَمِيرِكُمْ ، فَإِنَّهُ كَانَ يُحِبُّ العَفْوَ ، ثُمَّ قَالَ : أَمَّا بَعْدُ ، فَإِنِّي أَتَيْتُ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قُلْتُ : أُبَايِعُكَ عَلَى الإِسْلاَمِ فَشَرَطَ عَلَيَّ : وَالنُّصْحِ لِكُلِّ مُسْلِمٍ فَبَايَعْتُهُ عَلَى هَذَا ، وَرَبِّ هَذَا المَسْجِدِ إِنِّي لَنَاصِحٌ لَكُمْ ، ثُمَّ اسْتَغْفَرَ وَنَزَلَ

Jariir ibnu Cabdillahi (I.R.H) waxa uu dhahay maalintii uu dhintay Muqiira ibnu Shucba, waa istaagay oo Ilaahay ayuu mahadiyey oo amaanay, waxaanu yidhi: Ilaahay kaligii ka dhawrsada idinkoon cidna la wehelinayn cibaadadiis, iyo inaad is dajisaan oo aamustaan, illamaayo uu Amiir idiin ka imanayo, waanu idin imanaya iminka, markaasu dhahay: Cafiya amiirkinii (Kii hore), sababtoo waxa uu jeclaa cafiska, markaasuu dhahay: Intaa kadib, waxaan u tagay Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H), waxaanan idhi: Islaamnimo ayaan kugula heshiinayaa, markaasu igu shardiyey; iyo inaad u nasteexayso Muslim kasta, sidaasbaanan kula heshiiyey, Rabbiga Masjidkan ayaan ku dhaartee, waan idiin nasteexaynayaa, markaasu danbidhaaf warsaday Ilaahay uuna ka degay (minbarkii)