Xadiiska 80 aad

حَدَّثَنَا عِمْرَانُ بْنُ مَيْسَرَةَ، قَالَ حَدَّثَنَا عَبْدُ الْوَارِثِ، عَنْ أَبِي التَّيَّاحِ، عَنْ أَنَسٍ، قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم ‏”‏ إِنَّ مِنْ أَشْرَاطِ السَّاعَةِ أَنْ يُرْفَعَ الْعِلْمُ، وَيَثْبُتَ الْجَهْلُ، وَيُشْرَبَ الْخَمْرُ، وَيَظْهَرَ الزِّنَا 

Anas waxa uu yidhi; Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) waxa uu dhahay: Calaamada Saacada wax ka mid ah in sare loo qaado cilmiga, aqoon darrona sugnaato, khamrigana la cabo, sinadana la muujisto.

 

Xadiiska  81 aad

حَدَّثَنَا مُسَدَّدٌ، قَالَ حَدَّثَنَا يَحْيَى، عَنْ شُعْبَةَ، عَنْ قَتَادَةَ، عَنْ أَنَسٍ، قَالَ لأُحَدِّثَنَّكُمْ حَدِيثًا لاَ يُحَدِّثُكُمْ أَحَدٌ بَعْدِي سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم يَقُولُ ‏”‏ مِنْ أَشْرَاطِ السَّاعَةِ أَنْ يَقِلَّ الْعِلْمُ، وَيَظْهَرَ الْجَهْلُ، وَيَظْهَرَ الزِّنَا، وَتَكْثُرَ النِّسَاءُ وَيَقِلَّ الرِّجَالُ، حَتَّى يَكُونَ لِخَمْسِينَ امْرَأَةً الْقَيِّمُ الْوَاحِدُ 

Anas waxa laga wariyey inuu yidhi: Waxaan idiin ka warrami xadiis cid iga danbaysa idiinka warramayn, waxaana rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) ka maqlay isagoo leh: calaamada Saacada wax ka mid ah in cilmigu yaraado, jaahilnimana muuqato, sinadana la muujisto, dumarkuna bataan, raguna yaraadaan, illamaayo konton dumar ah yeeshaan masuul kaliya.