Xadiiska 66 aad

حَدَّثَنَا إِسْمَاعِيلُ، قَالَ حَدَّثَنِي مَالِكٌ، عَنْ إِسْحَاقَ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ أَبِي طَلْحَةَ، أَنَّ أَبَا مُرَّةَ، مَوْلَى عَقِيلِ بْنِ أَبِي طَالِبٍ أَخْبَرَهُ عَنْ أَبِي وَاقِدٍ اللَّيْثِيِّ، أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم بَيْنَمَا هُوَ جَالِسٌ فِي الْمَسْجِدِ وَالنَّاسُ مَعَهُ، إِذْ أَقْبَلَ ثَلاَثَةُ نَفَرٍ، فَأَقْبَلَ اثْنَانِ إِلَى رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم وَذَهَبَ وَاحِدٌ، قَالَ فَوَقَفَا عَلَى رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم فَأَمَّا أَحَدُهُمَا فَرَأَى فُرْجَةً فِي الْحَلْقَةِ فَجَلَسَ فِيهَا، وَأَمَّا الآخَرُ فَجَلَسَ خَلْفَهُمْ، وَأَمَّا الثَّالِثُ فَأَدْبَرَ ذَاهِبًا، فَلَمَّا فَرَغَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم قَالَ ‏”‏ أَلاَ أُخْبِرُكُمْ عَنِ النَّفَرِ الثَّلاَثَةِ أَمَّا أَحَدُهُمْ فَأَوَى إِلَى اللَّهِ، فَآوَاهُ اللَّهُ، وَأَمَّا الآخَرُ فَاسْتَحْيَا، فَاسْتَحْيَا اللَّهُ مِنْهُ، وَأَمَّا الآخَرُ فَأَعْرَضَ، فَأَعْرَضَ اللَّهُ عَنْهُ ‏”‏‏.‏ 

Waxa laga wariyey Abi waaqid oo reer Laythi ah, in Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) isagoo fadhiya Masjidka, dadkuna ay agagaarkiisa joogaan, ayaa waxa yimid sadex qof, laba waxay soo qaabileen Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H), midna waa tagay, waxa uu dhahay; waxay is dul taageen Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H), midkood (labadii taagnaa) waxa uu arkay boos xalqada (ka banana) waana fadhiista, kii kalena waxa uu fadhiistay debadood, kii sadexaadna waa gadaal jeediyey (waa tagay), markuu dhameeyey Rasuulkii Ilaahay (khudbadiisii) ayuu dhahay: Ma idiin ka warramaa arrinka sadexdii Nin, midkood Ilaahay ayuu hoy waydiistay waanu hooyey, kii labaadna waa xishooday, Ilaahayna waa ka xishooday, kii kalena waa jeestay, Ilaahayna waa ka jeestay.