Axkaamta xaydku way farabadanyihiin waxaynaan halkan kusoo koobaynaa kuwa loogu baahida badanyahay:

Tusmo

Kowaad: Salaada

Waxa ka xaaraana haweenayda hesha dhiiga xaydka inay tukato Salaada, ha ahaato salaad faral ah ama mid sunne ahba, kamana ansaxayso hadii ay tukato. Sidoo kalena kumaba waajibayso salaadu, balse hadii ay soo gaadho ayadoo daahirad ah waqti lagu tukan karo hal rakco kadibna xaydkii yimaado waxa ku waajibaysaa salaadaas oo waxay soo qallanaysaa marka ay is daahiriso.

Tusaale ahaan: Haweenay ayaa heshay dhiiga xaydka markii ay qorraxdu dhacday, waxayna salaadii Maqrib ka gaadhay ugu yaraan waqti lagu tukan karo hal rakcad, markaa waxa ku waajibaya markay daahir noqoto inay soo gudo salaadii Maqrib, sababtoo ah waxay kasoo gaadhay waqtigii Maqribka xilli lagu tukan karo hal rakcad intaanay helin xaydka kahor.

Tusaale kale: Haweenay ayaa iska daahirisay xaydka intaan qorraxdu soo bixin kahor ugu yaraan waqti lagu qiyaasi karo in la tukan karo hal rakcad oo salaada, markaa waxa waajib ku noqonaysa markay daahirto inay salaadaas soo gudo, sababtoo ah waxay soo gaadhay xilligii salaada waqti kufilan in la tukado hal rakcad.

Hase ahaatee hadii waqtigu ka yaryahay xilli lagu tukado hal rakcad dhamaystiran markaa salaadaasi waajib kuma aha. Tusaale waxay heshay xaydka markii ay qorraxdu dhacday waxyar kadib, ama waxay is daahirsay qorraxdu markii ay soo baxday waxyar kadib markaa laguma yeelanayo salaadaas.

Waxaana u daliila arrintaas xadiikii nabiga (scw) uu lahaa:

( من أدرك ركعة من الصلاة فقد أدرك الصلاة ) متفق عليه

(Cidii ka gaadha salaada hal rakco wuu gaadhay salaadii) [Waa la isku waafqay]

Guud ahaan waxaynu ka fahmaynaa cidii soo gaadhay hal rakco waxay soo gaadhay salaadii, wixii hal rakco ka yarna may soo gaadhin salaada.

Ducada iyo Quraan akhrinta

Xuska la xuso Ilaahay sida takbiirta, tasbiixda, taxmiida, bisinka oo la qabsado marka wax la cunayo, akhrinta xadiiska, fiqiga iyo ducada iyo in la dhagaysto Quraankka, kama aha xaaraan haweenaydii heshay dhiiga xaydka. Sababtoo ah waxa kusoo arooray saxiixaynka iyo qayrkoodba inuu nabigu (scw) fadhiisan jiray qolkii Caasha ayadoo heshay dhiigii xaydka, markaana uu Quraanka akhrinayey nabigu ayaduna ay dhagaysanaysay.

Waxa kale oo saxiixaynka kusoo arooray in Umu Caddiyah Ilaahay raali haka ahaadee ay ka maqashay nabiga (scw) oo leh:

( يخرج العواتق وذوات الخدور والحيض ـ يعني إلى صلاة العيدين ـ وليشهدن الخير ودعوة المؤمنين ويعتزل الحيض المصلى )

(Way soo baxayaa hablaha qaankaarka ah iyo kuwa xaydka helayba, (waxay usoo baxayaan) salaada Ciida, hana ka qaybgalaan khayrka iyo ducada Mu’miniinta hana ka durkaan dumarka xaydka helay meesha lagu tukanayo)

Quraanka ma akhrin kartaa haweenayda xaydka heshay? Hadii ay tahay inay Quraanka ku fiirinayso indhaheeda, ama qalbiga ay ka akhrinayso ayadoo aanay ku dhawaaqayn taasi dhib malaha. Tusaale waa in ay masxafka Quraanka ka eegto aayadaha kadibna ay qalbigeeda ka akhrido.  Wuxuuna ku dhahay Imaamu Al-nawawi “Sharxu Al-muhaddab” way banaantahay ayadoon la isku khilaafin.

Hase ahaatee hadii ay tahay Quraanka oo ay kor u akhrido, sida loo badanyahay culumadu way diideen, waxayan dhaheen ma banaana.

Hase ahaatee culumo kalena waxay tidhi way banaantahay sida: Bukhaari, Ibnu Jariir Aldabari, iyo Ibnu Almundir.

Dhanka kale wuxuu Sheekh ibnu Taymiyyah ku dhahay (Fataawaha) ” In loo diido Quraan akhrinta asalba kuma laha sunnada, maxaa yeelay qawlka dhahaya: (gabadha xayday iyo ruuxa janaabaysan ma akhrin karaan Quraanka) waa xadiis daciifa sida ay culumadu isku waafaqeen.

Sidoo kalena dumarku way heli jireen xaydka xilligii nabiga (scw), hadii Quraan akhrintu xaaraan tahay sida Salaada oo kale waxay noqon lahayd in nabigu (scw) u cadeeyo umadiisa, oo uuna bari lahaa Hooyooyinkii mu’miniinta oo ayaguna usoo gudbin lahaa dadka, maadaama aanay cidina aanay kasoo gudbinin nabiga (scw) inuu reebay taasi kama dhigayso inay xaaraan tahay, waxaynaan ognahay inaanu reebinba. Hadii aanu reebin oo waliban dumarkuna badanaa ay helayeen xaydka, waxay la garanayaa inaanay xaaraan ahayn.”

Hadab maxaa inala haboon kolkaynu aragnay sida ay culumadu isugu hayaan arrinka, waxaynu leenahay: Sida haboon waa inaanay akhriyin Quraanka hadii ay heshay xaydkii, marka laga fursan waayo mooyee, sida inay tahay macalimad Quraanka baraysa dadka, oo u baahan inay ka dhagaysato ardaydii, ama gabadhiiba imtixaan ayaa laga qaadayaa oo waa laga dhagaysanayaa, iyo kuwii kalee lamid ah.

Ta labaad: Soonka

Gabadha heshay xaydka waa ka xaaraan inay soonto faral iyo sunneba, kama ansaxayo haday soonto, balse waxa waajib ku ah inay soo qallayso soonka faralka ah, waxaana u daliila xadiiska nabiga (scw):

( كان يصيبنا ذلك ـ تعني الحيض ـ فنؤمر بقضاء الصوم ولا نؤمر بقضاء الصلاة ) متفق عليه .

(Wuu na asiibi jiray kaasi, (waxay u jeedaa Xaydka), waxa nala fari jiray inaan soonka soo qallayno, nalamana farin inaan soo gudno salaada) [Labada Sheekh ayaa isku waafaqay]

Hadii xaydku yimaado ayadoo sooman way ka buraysaa soontii, xitaa qorrax dhaca oo waxyar ka hadhsanyihiinba ha ahaatee, waxaana ku waajibaya inay soo gudo maalintaas hadii ay faral ahayd.

Balse hadii haweenaydu dareento in xaydkii soo socdo oo aanu wali dibada usoo bixin way sii wadanaysaa soomkeeda, waana u dhamaystiranyahay soomkeedu, sababtoo ah dhiiga ku jira caloosha dhexdiisa wax xukun ah malaha.

Sidoo kalena markii nabiga (scw) la waydiiyey in haweenaydu aragto riyo sida ninka oo kale (biyaha riyada ama manida) ma ku waajibaysaa qubays? wuxuu yidhi: “Haa, ayadu hadii ay aragto biyo.” wuxuu ku xidhay qubayska aragti, sidaas oo kale xaydkuna ma yeelanayo xukun illamaa  la arko inuu dibada yimid.

Hadii Qorraxdu soo baxdo ayadoo gabadhu heshay xaydka, kama ansaxayo soonka maalintaasi xitaa haba daahir noqoto waxyar kadib markay qorraxdu soo baxday.

Hadii ay daahir noqoto waxyar kahor qorrax soo baxa, oo ayna soomto waa u ansaxayaa soonkeedaasi, xitaa hadii aanay qubaysanin kadib marka ay qorraxdu soo baxdo.

Waxayna lamid noqonaysaa sida ruuxa janaabaysan oo kale oo niyeysta soonka isagoo janaabaysan kadibna qubaysta marka qorraxdu soo baxday kadib, ruuxaas soomkiisu waa saxiix waanu u jiraa, waxaana u daliila xadiiskii Caasha ilaahy raali haka ahaadee,waxay tidhi:

“Nabigu (scw) wuxuu ahaa mid waabariista isagoo janaabaysan xidhiidh gogoleed kadib, markaana wuu soomi jiray Ramadaanka) [Waxa isku waafaqay labadii Sheekh]

Ta sadexaad: Dawaafka Kacbada

Gabadhu hadii ay heshay xaydka waxa xaaraan ka ah inay dawaafto kacbada, ha ahaato dawaafka faralka ah ama mid sunne ahbee, kamana ansaxayo, waxaana u daliila hadalkii nabigu ku dhahay Caasha markii ay heshay xaydka:

( افعلي ما يفعل الحاج غير ألا تطوفي بالبيت حتى تطهري )

(La imo waxkasta oo xaajiga laga rabo balse ha dawaafin baytka illamaa aad daahirto)

Hase ahaatee wixii kasoo hadhay camalada xajka, sida socodka Saffa iyo Marwa dhexdeeda, in la istaago Carrafo, in loo hoydo Muzdalifa iyo Mina, in la tuuro dhagxaanta, iyo camalada kale ee la qabto xajka iyo cumradu kama aha xaaraan gabadha.

Hadii haweenayduna ay dawaafto Kacbada kadibna xaydkii yimaado dawaafka kadib amase uu yimaadaba ayadoo dawaafka ku gudo jirta wax dhib ah malaha.

Ta afaraad: Dawaafka wadaaca laguma laha

Hadii haweenaydii dhamaystirato camaladii xajka iyo cumrada, kadibna ay hesho xaydka intaanay baladka ka bixin, oo uu sii socdo illamaa ay ka tagayso baladka, markaa laguma yeelanayo dawaafka wadaaca ama sagootiska loo yaqaano, waxaana u daliila xadiiska ibnu Cabbaas ilaahay raali haka ahaadee wuxuu dhahay:

 ( أمر الناس أن يكون آخر عهدهم بالبيت ، إلا أنه خفف عن المرأة الحائض ) متفق عليه .

(Dadka waxa la faray in waxa ugu danbeeya ee axdigoodu ahaado Baytka (Dawaafka sagootiska ah) balse waxa laga khafiifiyey haweenayda xaydka heshay) [Labada sheekha ayaa isku waafaqay]

Si kastaba ha ahaatee dawaafka faralka ah ee Xajka iyo Cumradu kama dhacayo, ee way sugaysaa illamaa ay ka daahirayso kadibna way dawaafaysaa.

Ta shanaad: Inay ku nagaato Masaajidka

Waxa haweenayda xaydka heshay ka xaaraan inay ku nagaato Masaajidka dhexdiisa, xitaa meesha lagu tukanayo salaada ciida ma ku nagaanayso, waxaana u daliila xadiiskii Umu Caddiya ilaahay raali haka ahaadee, inay maqashay nabiga (scw) oo leh:

( يخرج العواتق وذوات الخدور والحيض ـ يعني إلى صلاة العيدين ـ وليشهدن الخير ودعوة المؤمنين ويعتزل الحيض المصلى )

(Way soo baxayaa hablaha qaankaarka ah iyo kuwa xaydka helayba, (waxay usoo baxayaan) salaada Ciida, hana ka qaybgalaan khayrka iyo ducada Mu’miniinta hana ka durkaan dumarka xaydka helay meesha lagu tukanayo) [Waa la isku waafaqay]

Ta lixaad: waa Xidhiidhka gogosha ama Galmada

Haweenaydka xaydka heshay waxa ka xaaraana in ninkeedu u tago goobta xaydka.  Waxa u daliila aayada Ilaahay leeyahay:

( وَيَسْأَلونَكَ عَنِ الْمَحِيضِ قُلْ هُوَ أَذىً فَاعْتَزِلُوا النِّسَاءَ فِي الْمَحِيضِ وَلا تَقْرَبُوهُنَّ حَتَّى يَطْهُرْنَ ) .

(Waxay ku waydiinayaa xaydka, waxaad dhahdaa xaydku waa dhib ee ka fogaada meesha xaydka ee dumarka, hana u dhowaanina illamaa ay daahirto) [Albaqarah: 222]

Ereyga Maxiidh waxa looga jeeda: waa xilliga xaydka iyo meesha uu ka yimaado oo ah xubinka taranka haweenayda.  Waxa kale oo u daliila xadiiskii nabiga (scw)  uu laaha:

 ( اصنعوا كل شيء إلا النكاح ) يعني الجماع . رواه مسلم

(Sameeya wax kasta marka laga reebo nikaaxa) oo looga jeedo gogosha ama galmada. [Waxa soo saaray Muslim]

Sidoo kale Muslimiintu waxay isku waafaqeen inay xaaraan tahay in haweenay heshay dhiiga caadada in looga tago xubinkeeda taranka.

Hase ahaatee ninka waxa loo baneeya wixii uu shahwadiisa ku gudan karo ee kaso hadhay xubinbka taranka, sida dhunkashada, hab isa siinta, iyo inuu u tagi karo meel aan xubinka taranka ahayn ama meel kale oo Alle xarrimay ahayn. Waxaana haboon inaanu ninku u tagin inta u dhaxaysa xundurta iyo jilbaha, marka laga reebo ayadoo maro saarantahay mooyee.

Ta todobaad: Furniinka

Ninka xaaska leh waxa xaaraan ka ah inuu furo xaaskiisa oo heshay xaydka, waxaana u daliila aayadaha Ilaahay leeyahay:

( يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ إِذَا طَلَّقْتُمُ النِّسَاءَ فَطَلِّقُوهُنَّ لِعِدَّتِهِنَّ )

(Nabiyoow hadaad furtaan haweenka ku furo cidadooda) [Suuratu Dalaaq:1]

Cidadooda waxa looga jeeda xilliga ay tirsanayaan cido la yaqaano furniinka kadib, mana noqonaysaa taasi ayadoo xaamilo ah mooyee, ama daahirad ah oo aanay gogolna dhex marin.

Hadii la furo ayadoo heshay xaydka, kuma jirto waqti ay tirsankaro cidadii, sababtoo ah xaydkaas lagu furay laguma tirinayo cidadii.

Hadii la furo ayadoo daahirad ah oo gogolna ka horeysay lama garanayo tirada cidada ay tirsanayso, maxaa yeelay lama garan karo inay uur ku qaaday xidhiidhkaas oo ay tirsanayso cidadii xaamilada, iyo inaanay uurba ku qaadin oo ay tirsanayso cidadii la yaqaanay, maadaama aan la cadayn karayn ayaduna waa xaaraan in gabadha la furo xilligaas.

Sidoo kale in la furo haweenay heshay xaydka waxa xarrimay nabiga (scw), waxaana u daliila xadiiskii Ibnu Cumar oo furay xaaskiisii, ayadoo heshay xaydka markaasuu Cumar u sheegay nabiga (scw) kadibna nabigii waa cadhooday wuxuuna dhahay:

(Far inuu soo ceshto gabadha, kadibna uu haysto illamaa ay ka daahirayso, hadana ay ka helayso xayd kale oo ay ka daahirayso, markaa haduu rabo ha haysto intaas kadib, amase ha furo haduu rabo, intaanu u dhowaanin kahor, waana taas cido tirsiga Ilaahay faray in lagu furo haweenayda).

Ninkuna haduu furo xaaskiisa oo heshay xaydka wuu ku danbaabayaa, waana inuu Ilaahay u toobad keenaa, waana inuu gabdha soo ceshtaa si loogu furo furniinka sharciga waafaqsan, waxaana weeyey inay daahir noqoto kadibna hesho xayd kale oo dabadeedna ay daahir noqoto, sidoo kalena aanu u tagin markaa wuu haysan karaa ama wuu sii dayn karaa.

Dumarka xaydka helay ee la furo sadex nooc ayaa laga soo reebayaa xukunkii hore.

  1. Hadii furniinku ahaa intaanu la aqal galin kahorba, ama aanu taabaninba, markaa dhib mala ha haduu furo ayadoo heshay xaydka, sababtoo ah maba laha ayado cido tirsi, mana noqonayo furniinkaasi kii khilaafsanayaa sharciga.
  2. Hadii xaydku yimid gabadha oo uur leh, markana waa lagu furi karaa sababtoo ah uurku waa shay cadaynaya cido tirsigeeda oo ah intay ka dhigayso.
  3. Hadii furniinku ku yimid khulco, markaa dhib malaha haduu ku furo ayadoo heshay xaydka.

Dhanka kale hadii gabadha la guursado ayadoo heshay xaydka, wax dhib ah malaha, sababtoo ah asalku waa xalaal, mana jirto daliil xarrimay, hase ahaate markuu ninku la aqal galayo waa in la fiiriyaa ninka, hadii lagu aamini karo inaanu utagaynin wax dhib ah malaha in loo galiyo, balse hadii looga cabsado inuu u tagayo waa in loo diidaa inta ay ka daahiriso kahor.

Ta sideedaad: Cid tirsiga gabadhii heshay xaydka

Hadii ninku furo xaaskiisa oo gogol la wadaagay ama uu la kali noqday waxa waajib ku ah haweenaydaas inay cido tirsato sadex xayd oo dhamaystiran, waa hadii ay kamid tahay dumarka xaydka hela ee aan uurkana lahayn, siduu Ilaahay dhahay:

 ( وَالْمُطَلَّقَاتُ يَتَرَبَّصْنَ بِأَنْفُسِهِنَّ ثَلاثَةَ قُرُوءٍ )

(Dumarka la furayna waxay sugi naftoodu sadex daahir) [Suuratu Albaqara: 228]

Sadex daahir waxa looga jeedaa inay ka daahirato sadex xayd, hadii ay uur leedahay haweenaydu waxa cidadeedu tahay intay ka dhigayso uurkaas, ha dheeraado ama ha gaabtee.

 ( وَأُولاتُ الْأَحْمَالِ أَجَلُهُنَّ أَنْ يَضَعْنَ حَمْلَهُنَّ )

(Kuwa xaamilooyinka ahna waqtigoodu waa intay ka dhigayaan uurka) [Suuratu Dalaaq:4]

Hadii ay kamid tahay dumarka aan xaydka helin sida in cimrigeedu waynyahay, ama qalliinba lagu sameeyey oo galaafatay dhiigii caadada, iyo wixii lamida ee aan la rajaynayn inay inuu xaydkii soo laabto, waxay tirsanaysaa sadex bilood.

( وَاللَّائِي يَئِسْنَ مِنَ الْمَحِيضِ مِنْ نِسَائِكُمْ إِنِ ارْتَبْتُمْ فَعِدَّتُهُنَّ ثَلاثَةُ أَشْهُرٍ وَاللَّائِي لَمْ يَحِضْنَ )

(Kuwii ka quustay xaydka ee dumarkiina haddaad shakidaan cidadoodu waa sadex bilood iyo kuwa aan xaydba helinba) [Dalaaq:4]

Hadii ay kamid tahay dumarka hela xaydka hase ahaatee xaydkii kaga laalmay sabab la garanayo sida xanuun, naas nuujin, ayadu waxay ku baaqi ahaanaysaa cidada, haba dheeraado waqti xaydku soo laabanayee, kadibna markaas ayey tirsanaysaa cidadii, hadii sababtii suusho sida xanuunkii ama naas nuujintii hadana uu soo laaban waayo xaydkii waxay tirsanaysaa hal sano oo dhamaystiran marka sababtu suusho kadib, sidaas ayaa ah qowlka saxiixa ah, ee ku qotoma qawaaniinta sharciga waafaqsan, maxaa yeelay sababtii way suushay hadan xaydkii masoo laabanin waxay markaa lamid noqonaysaa sida gabadh xaydku ka laalmay oo uu kaga tagay sabab aan la garanayn, taasina waxay tirsanaysaa hal sano oo dhamaystiran, waana sagaalkii bilood ee uurka iyo sadex bilood oo ah cid tirsigii caadiga ahaa.

Hadii furniinku dhaco intaan gabadha lala aqal galin kahor ama intaan la taabanin kahor ama lala kali noqonin malaha gabadhaasi wax cido ah gabi ahaanba, waxaana u daliila aayadan:

( يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا نَكَحْتُمُ الْمُؤْمِنَاتِ ثُمَّ طَلَّقْتُمُوهُنَّ مِنْ قَبْلِ أَنْ تَمَسُّوهُنَّ فَمَا لَكُمْ عَلَيْهِنَّ مِنْ عِدَّةٍ تَعْتَدُّونَهَا )

(Kuwa Ilaahay rumeeyayoow hadaad guursataan haween mu’minaada markaana aad furtaan intaydaan taabanin kahor, maku lihidin korkooda cido tirsi) [Axzaab:49]

Ta Sagaalaad: Xukunka in la faaruqiyo riximka

Waa inuu riximku ka madhanyahay uur, waana loo baahanyahay markasta oo loo baahdo xukunka in la faaruqiyo riximka, wuxuuna leeyahay dhawr nooc:

Waxa kamida: Hadii qof ka dhinto haweenay uu dhaxlayo uurkeedu, ayaduna ay nin leedahay, markaa ninkeedu uma tagayo illamaa ay ka hesho xaydka, ama uu ka cadaanayo uurkeedu.  Haduu cadaado uurkeedu waa loo xukumayaa dhaxalkiisa, sidaan u xukunay inuu joogo markuu dhintay ciduu dhaxlayey, hadii ay hesho xaydna waxaan u xukumaynaa inaanay dhaxlaynin, sababtoo ah waxaynu xukumnay in riximku faaruq yahay.

Ta tobnaad: Qubayska Xaydka

Waxa waajib ku ah haweenayda hesha xaydka markay daahirto inay qubaysato, ayadoo daahirinaysa dhammaan jidhkeeda, waxaana u daliila xadiiska nabiga (scw) uu ku dhahay Faadima bintu Jaxshi:

( فإذا أقبلت الحيضة فدعي الصلاة ، وإذا أدبرت فاغتسلي وصلي ) رواه البخاري .

(Hadii uu yimaado xayd ka tag salaada, markuu jeestana (dhamaado) qubayso oo tuko)

Qubayska waajibka ah waxa ugu yar waa in dhamaan jidhka la dhaqo xitaa timaha hoostooda, waxaana wanaagsan inuu qubaysku noqdo sifadii uu sheegay xadiiska nabiga (scw) ayadoo ay waydiisay Asmaa bintu Shakal nabiga (scw) qaabka ay haweenaydu u qubays qaadanayso, wuxuuna dhahay:

(Midkiin hasoo qaadato biyahay iyo udugeeda hana is daahiriso, hana wanaajiso is daahirinta, kadibna haku shubto (biyaha) madaxeeda hana duugto duugid (xoog ha u dhaqdo timaha) illamaa ay gaadhayso gunta timaheeda, hana ku shubto biyaha, kadibna hasoo qaadato cudbi lagu daray udug hana isku daahirso, markaasay tidhi Asma: Sidee ha isugu daahiriso? wuxuu yidhi: SubxaanaAllah! markaasay Caasha ku tidhi: sii raad raac dhiiga. [Muslim ayaa soo saaray]

Waajibna maaha in la furfuro timaha, marka laga reebo timaha oo xoog u tidcan mooyee, taasoo looga cabsanayo inaan biyuhu gaadhin. Waxaana udaliila xadiiskii saxiix Muslim ku yaalay oo Umu Salama ayaa waydiisay nabiga (scw) waxayna tidhi: Anigu timahayga waan dabaa ee miyaan furfuraa markaan janaabo ka maydhanayo? riwaayo kalena waxay ahayd (xaydka iyo janaabadaba), wuxuu yidhi: (Maya, waxa kugu filan inaad madaxaaga ku shubto sadex xantoobyo kadibna biyaha iska buuxi korkaaga markaana is daahiri)

Hadii gabadhu ay is daahiriso xilliga salaada, waxa ku waajibaya inay u dagdagto salaada, si ay u gudato salaada waqtigeeda. Hadii ay ku jirto safar oo aanay haysanin biyo ama ay ka cabsato dhib biyaha kasoo gaadha, ama ay xanuusanayso, ayadu markaa way gabogabaysanaysaa, badalkeed inay qubaysato illamaa dhibtaasi ay ka suulayso, kadibna way qubaysanaysaa.

Dumarka qaarna waxay daahir noqdaan ayadoo salaadu joogto ayagoo dib u dhigaya qubayska waqti kale, waxayna dhahaan: “Uma suurtobayso inay is daahirisay waqtigan, hase ahaatee arrintaas ma noqonayso xujo, iyo cudurdaar toona,waxa u suurtoobi kara inay u qubays qaadato qubayska waajibka ah inta ugu yar, kadibna ay tukato salaad waqtigeeda, dabadeedna marka ay hesho waqti ku filan ay si dhamaystiran isu daahiriso,

Kuwaasi waa axkaamta Xaydka ka dhalata.


Xigasho

“رسالة في الدماء الطبيعية للنساء” للشيخ ابن عثيمين رحمه الله .

Waxa soo turjumay idiina soo gudbiyey: Sh Abdulaziz Mohamed Oogle