1. Waa maxay is nadiifinta Fidrada ah?

Waxa weeyey kuwan ku soo arooray Xadiiska Nabiga (N.N.K.H) wuxuu yidhi: Shan ayaa fidrada kamid ah, in la xiiro timaha cawrada, gudniinka, shaarubta oo la gaabiyo, timaha kilkilada oo la gooyo, iyo cidiyaha oo la jaro.[1]

 

  1. Goormaa la fulinayaa arrimahaas?

Wuxuu sidaas samaynayaa Todobaadkasta, sida uu Baqawi musnadkiisa kusoo saaray, waxaana warinaya xadiiska Cabdilaahi ibnu Camru ibnu Al-caas: Nabigu wuxuu gaabin jiray shaarubtiisa iyo cidiyihiisa maalinkasata oo Jimce ah, wuxuuna nici jiray inuu ka tago wax ka badan afartan casho. Sidoo kale Anas wuxuu warinayaa: Wuxuu noo xadiday Nabigu inaan shaarubta gaabino, cidiyaha jarno, kilkilada timaha oon googayno iyo inaan timaha cawrada jarno inaanaan ka tagin wax ka badan afartan casho.[2]

 

  1. Waa maxay xukunka in timaha Gadhka la xiiro ama shaarubaha oo la daysto?

Xukunkeedu waa xaaraan waxaana u daliila xadiiska Nabiga (N.N.K.H) uu warinayo ibnu Cumar (I.R.H) wuxuu yidhi: Nabigu wuxuu dhahay: Gaalada khilaafa, gadhkana sii daayaa, shaarubtana gaabiya[3]

 

  1. Waa maxay xukunka Foodu, timaha madaxa oo badhna la xiiro badhna la daysto?

Xukunkeedu waa karaahiyo, waxaana u daliila xadiiska Nabiga ee uu warinayo Ibnu Cumar: wuxuu yidhi: Waxaan maqlay Nabiga oo reebay Qasciga, Qasciguna waxa weeye Timaha oo badhna la xiiro badh kalena la daayo (food dhuub)[4]

 

  1. Waa maxay xukunka Cirrada oo la jaro, ama la badalo? Maxaase u daliila?

Timaha Cirrada oo dabar gooyo waa karaahiyo, in midabkeedana lagu badalo midab Madaw ahna ma banaana. Wuxuu dhahay Nabigu: Ha googoynina Cirrada maxaa yeelay Muslimka waa u nuur, Ruux muslim ah ma jiro oo ku cirreysta Islaamka haduuba jiraba Allah ayaa xasano u qora, darajana sare ugu qaada danbina kaga dhaafa.[5] Sidoo kale waxa Kacab ibnu Murrah laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (S.W.T) yidhi: Cidii ku cirreysata ISlaamka waxay u tahay Nuur maalinta Qayaame.[6]

Waxa kale oo u daliila inay karaahiyo tahay in Cirrada lagu badalo Madaw xadiiska Jaabir ibnu Cabdillaahi wuxuu yidhi: Waxa loo keenay RAsuulkii Ilaahay (N.N.K.H) Abuquxaafa (Abubakar aabihii) maalintii Makkah la furtay, isagoo timihiisu cadyihiin, markaasu RAsuulku dhahay: u geeyey qaar kamid ah haweenkiisa, oo haku badaleen wax kana fogeeya Madaga. Laakiin hadii Cirrada lagu badalo xinne ama sacfaraan wax dhib ah malaha.


[1] Waxa soo saaray Jamaacada oo dhan.

[2] Waxa soo saaray Muslim iyo ibnu Maajah.

[3] Labada shiikh ayaa isku waafaqay (Bukhaari iyo Muslim)

[4] Bukhaari iyo Muslim

[5] Waxa soo saaray Axmed iyo Abudaa’uud.

[6] Tirmadi iyo Nisaa’i ayaa soo saaray.