Tusmo

Axkaamta maalinta ciida Fidrida:

Muslimiintu waxay ciidaan laba ciidood; waa ciidul Fidrida iyo ciida Al-adxaa. Waxaanu Ilaahay (s.w.t) u yeelay ciida fidrida axkaam dhawra oo ay muhiim tahay in la ogaado:

Ta koowaa: waxa la jeclaystaa in la takbiirto habeenka ciida, lagasoo bilaabo marka qorraxdu dhacdo maalinta ugu danbaysa ramadaanka, ilaa laga gaadhayo salaada ciida.

Waxaana takbiirta loogu dhawaaqaa qaabab kala duwan;

  • Allahu akbar, Allahu akbar, Laailaaha ilaa Allah, Allahu akbar, Allahu akbar, wa lillaahi alxamdu.
  • Ama waxa la takbiiranayaa sadex jeer ayadoo la dhahayo: Allahu akbar, Allahu akbar, Allahu akbar, Laa’ilaaha ilaa Allah, Allahu akbar, Allahu akbar, wa lillaahi alxamdu.

Waxaana haboon in takbiirta sare loo qaado marka la joogo masaajidada, suuqa iyo guryahaba, hase ahaatee dumarku codkooda hoos ayey u dhigayaan.

Ta labaad:  waxa la jeclaystaa inaad cunto dhawr xabo oo timir ah, kuwaaso tiradoodu is dheertahay (tirada kinsiga ah) sida sadex, shan ama todoba. Sababtoo ah nabigu (scw) muu kallihi jirin maalinta ciida fidrida illamaa uu ka cuno dhawr xabo oo timira, kwaasoo tiradoodu is dheertahay.

Ta sadexaad: waa inuu ninku xidhaa dharkiisa ugu qurxoon, halka dumarku ay ka xidhanayaan maryo caadiya oo nadiifa, kuwaasoo aan soo jiidanaynin ragga. Waxa dumarka sidoo kale aan loo ogolayn inay isku shubaan cadar ama barfuun keensanaya in ajaanibtu ursadaan.

Ta afaraad: waxa culumada qaarkood jeclaysteen in la soo qubaysto maalinta ciida, sida ay sunnada u tahay in loo qubaysto salaada jumcada oo kale.

Xukunka slaada Ciida:

Ta afaraad: waa in la tukadaa salaada ciida, salaada ciida xukunkeedana waa la isku khilaafay; qolo waxay tidhi: waa sunne, qolo waxay dhaheen: waa fardhu kifaaya (faral la iska gudi karo, hadii cid muslimiinta kamida tukato way ka dagaysaa kuwo kale), qolo kalena waxay dhaheen waa waajib, ayagoo daliishanaya amarkii nabiga (scw) ee ahaa in xitaa dumarka helay xaydku ay yimaadaan meesha lagu tukanayo salaada, balse ay ka fogaadaan goobta lagu tukanyo ayagoo istaagaya dumarka kale dhabarkooda.

Ta shanaad: salaada ciida waa in la takbiirta rakcada kowaad todoba takbiirood, rakcada labaadna waa in la takbiirtaa shan takbiirood, sida ay Caasha ilaahay raali haka ahaadee ay soo warisay:

عَنْ عَائِشَةَ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ يُكَبِّرُ فِي الْفِطْرِ وَالْأَضْحَى فِي الْأُولَى سَبْعَ تَكْبِيرَاتٍ وَفِي الثَّانِيَةِ خَمْسًا 

Caasha waxa laga wariyey in ”Rasuulkii Ilaahay (scw) takbiiran jiray ciida fidrida iyo adxadaba rakcda koowaad todoba takbiirood, ta labaadna shan” [Waxa soo saaray Abudaawuud: 1149 waxaanu Albaani ku saxiixiyey irwaa alqaliil (639)]

Ta lixaad: waa in imaamku akhriyaa rakcada koowaad suurada (Al-aclaa), rakcada labaadna uu akhriyaa suurada (al-qaashiya) ama waxa la akhrin karaa suurada Qaaf iyo suurada Qamar.

Ta todobaad: salaada kadib waa inuu imaamku khudbadeeyaa, isagoo qayb khudbada kamidana ugu nasteexaynaya haweenka islaamka oo wanaagsa faraya, xumaantana ka reebaya.

عَنْ جَابِرِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ قَالَ سَمِعْتُهُ يَقُولُ إِنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ خَرَجَ يَوْمَ الْفِطْرِ فَبَدَأَ بِالصَّلَاةِ قَبْلَ الْخُطْبَةِ

Jaabir ibnu Cabdilaahi waxa laga wariyey inuu dhahay: waxaan maqlay isagoo leh, ”in nabigu (scw) soo baxay maalinta ciida fidrida oo uu khudbada ka horeysiiyey salaada” [Bukhaari: 915 iyo Muslim: 885]

Ta sideedaad: Hadii salaada ciidu ku beeganto maalin jimce ah, waa in la tukadaa salaada ciida iyo jumcadaba, sida laga qaadanayo xadiiskii Nucmaan ibnu Bashiir ee imaamu Muslim kusoo saaray saxiixiisa.Hase ahaatee qofkii la tukaday imaamka salaada ciida haduu doono ha yimaado salaada jumcada, hadii kalena salaada duhurka ha tukado.

Ta sagaalaad: Axkaamta ciida fidrada waxa kamida; in la bixiyo sakada fidrida, taasoo laga rabo qof kasta oo muslima, ha yaraado ama ha waynaado, nin ha ahaado ama gabadh ha ahaato, xor ama adoon, ku buka ama ku xanuusanayaba.

Sakada fidridu waa ku waajib cidii haysta cuntadii ay cuni lahaayeen malinta ciida iyo habeenkeeda isaga iyo reerkiisa. Waxaana la bixiyaa kahor salaada ciida, wayna banaan tahay in la bixiyo maalin ama laba maalmood kahor ciida.

Waxaana la bixinayaa cunto sida, timirta, qamandida, gallayda, bariiska iwm. Qiyaas ahaan miisaanka la bixinayo wuxuu u dhigmaa sadex kiilo garaam oo raashina. Wixii faahfahin dheeraada ka akhriso halkan: https://gaaldiid.com/suaalo-ku-saabsan-sakada-fidrida/

Ta tobnaad: Waa in dadku isugu hanbalyeeyaan farxadda ciida, hase ahaatee taas macnaheedu maaha in nin iyo gabadh ajnabiya,  inay isla kali noqdaan ama ay is gacan qaadaan.

Ta kow iyo tobnaad: maalinta ciida, waxa sannadeeda kamida inaad marto waddo ka duwan tii markii hore aad soo martay, siduu yeelay Rasuulkii Ilaahay (scw), waana arrin u gaar ah salaada ciida oo kaliya.

Allaa mahad leh.

Waxa diyaariyey: Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle

Xigasho:

Majmuuca fataawa ibnu cuthaymiin “مجموع فتاوى ابن عثيمين” (16/216-223)