QISO CAJIIBA

AKHRISO AYADOO QORAAL AH

Nin boqora oo muslima ayaa waxa uu damcay inuu dhiso Masaajid, waxaanu ku bixiyey xoolihiisa gaarka ah Kadibna waxa uu mamnuucay inuu cid kale kala qaybqaadato dhisidiisa si uu kaligii ajarka oodhan u helo. Markuu dhisidii masjidku laga faraxashay ayuu Loox ( Boodh) ku qoray magiciisa iyo inuu ku bixiyey hantidiisa gaarka ah. Boqorkiibaa Habeenkii ku riyooday Malak magiciisii ka masaxay looxii magiciisa kuna qoray magac ruux dumar ah. Waagii markuu dilaacay ayuu fiiriyey looxii mise wali magiciisii waa ku qoranyahay, hase ahaatee habeenkii danbe ayuu ku riyooday riyo tii hore lamida magiciisa oo laga tirtiray looxii laguna dhajiyey magac ruux dumar ah, sidoo kale habeenkii sadexaadna waa ku riyooday isla riyadii. Markuu hurdada ka soo kacay ayuu ciidamadiisa u diray magaalada si loo soo helo ruuxan dumarka ah ee magaceeda lagu dhajiyey looxa masjidka. Raadraac kadib waxay soo helaan haweenay gabowday  kadibna boqorkii ayaa waydiiyey maxaad ku darsatay masaajidka? Waxay tidhi waxba kumaan darsan, hase ahaatee boqorkiibaa ku celceliyey weydiintii kadibna waxay ku jawaabatay “boqorow ma xasuusto waxaan ku darsaday masjidka, aan ahayn oo kaliya maalin anoo wadada maraya ayaan arkay mid kamida Fardaha lagu qaado labanka (Jaajuurka) lagu dhisayo masjidka oo haraadan, shaqaalihiina aysan waraabin kadibna intaan waadaanta biyaha soo qaaday ayaan waraabiyey faraskii. Boqorkiibaa yidhi “waxaad arrinkaa usamaysay dar ilaahay Eebana waa kaa aqbalay, laakin anigu waxaan u sameeyey camalkayga istusnimo, Eebana igama aqbalin”

 QISO AAD U LAYAAB LEH KU SAABSAN SAMIRKA

Qisadan waxa ka sheekeeye shiikh muhamed Al-cariif waxaanu yidhi “ Nin dhakhtar ah oo caafimaadka ka shaqeeya ayaa iiga warramay arrin aad u cajab badan, dhakhtarku waxa loo keenay cunug yar oo da’diisu tahay Laba sano oo  bukaan ah waxa uu la jiifay xanuuno badan markaan gudo galnay daweyntiisa ayaa sanka kaga furmay dhiig, neefsashadiina way ku dhegtay muddo dhan 45 daqiiqo kadibna waxan u imi hooyadii oo haysatay Masxaf Quraana waanan uga warramay  xaalada cunuga oo halis ah, aan rajo badana laga qabin inuu dib u caafimaado balse hooyadii dhashay cunuga  waxay ugu jawaabtay waa Qadar Eebe, ilaahaw shaafi cunugayga. Dhakhtarkii isagoo yaaban ayuu kabaxay hooyadii. Dhawr casho kadib ayuu wiilkii ka bugsaday xanuunkii laakiin maalintii danbe ayuu dhiigii ku furmay markaasbuu dhakhtarkii u tagay hooyadii laakiin wax dareen murugo ah maysan muujinin ee waxay ku jawaabtay sidii hore oo kale.  Mudo kadib ayaa wiilkii waxa ku dhacay xanuun maskaxda ah waxaanu ubaahday qalliin, hooyadii waxay talo saaratay ilaahay waanay samirtay hadana wiilkii waa ka bugsady qalliinkii, waqti yar markay kasoo wareegtay ayaa wiilkii waxa shaqayn waayey Kalyaha, hooyadii waxay talo saaratay Eebe, hadana wiilkii waa ka ladnaaday jirradii kalyaha.  Muddo kadib ayaa hadana wiilkii uu ku dhacay xanuun halis ah, sanbabada ayaa shaqayn waayey oo waxa uu galay koomo dhakhtarku markastuu utago cunuga hooyadii, waxay ugu jawaabtaa waa qadar Eebe, inshallah wuu ka bugsanayaa. Wiilkii ayaa mudo laba sano kadib caafimaadey oo bukaankii ka kacay, kadib markii ay asiibeen xanuuno badan oo dawo lahayn laakiin Eebe caafimaadiyey.

Waxa layaab ahayd sida hooyada cunuga dhashay ay Eebe ugu xidhnayd ee ay usabraysay. Laba sano iyo badh kadib ayaa hooyadii ku soo noqotay dhakhtarkii ayadoo wadata cunugii bukaanka ahaa iyo wiil kale, markaasuu dhakhtarkii waydiiyey cunuga kale cida dhashay? Waxay ugu jawaabtay waxaan odaygayga is qabnay mudo Todoba iyo Toban sano ah, waxaanan ubad lahayn wiilkaa bukaanka ah laakiin markii aan samirnay ayuu Eebe cunugana caafimaadiyey kan  kalena na siiyey. Mashallah!