Qeexid kooban:

[responsivevoice_button voice=”Finnish Female”]

Magaciisu waa Abusufyaan Sakhar ibnu Alxarbi oo ah reer Umaya oo ree Qureesh ah. Waxa uu islaamay maalintii la furtay Makka, waxa uu ahaa Madaxweynihii reer Qureesh wixii ka danbeeyey dagaalkii Badar. Wuxuu ka mid ahaa dadkii dhibay Rasuulka iyo asxaabtiisa intaanu islaamin ka hor.

Xididnimadii Rasuulka:

Nabigii Ilaahay waxa uu guursaday Umu Xabiiba oo uu dhalay Abusufyaan kadibna noqotay hooyooyinka Mu’miniita Ilaahay raali haka ahaadee. Waxay islaamtay goor hore waxayna u hijrootay dhulka Xabashida halkaasbaan saygeedii ku geeriyooday. Nabigii Ilaahay ayaa soo doonay ayadoo joogta dhulka Xabashida waa geeska Afrika, waxaana u maheriyey boqorkii Xabashida ee waqtigaas Najaashi. Abusufyaana ayaa loo sheegay in Nabigu guursaday gabadha uu dhalay waxaanu yidhi isagoo xilligaa gaal ahaa; (Muhamed waa deeqsi aan cid u dhigantaa anay jirin).

Dagaalkii Xunayn:

Abusufyaan waxa uu ka qaybgalay dagaalkii Xunayn, nabigii Ilaahayna waxa uu siiyey abaal gud ah Boqol halaad iyo Afartan wiqiyadood oo dahab ah. Sidoo kale waa siiyey wiilashiisii Mucaawiya iyo Yasiidba, markaasu Abusufyaa dhahay; Eebe ayaan ku dhaartee waxaad tahay deeqsi, hore ayaan kuula diriray waxaanad ka ugu wanaagsan cid lala diriro, waanan isukaa dhiibay (ku rumeeyey) adigaana ugu fiican cid la rumeeyo. Abusufyaan waxa uu a qaybgalay maalintii Daa’if waxaana kasoo dhacday ishiisii markaasu Rasuulkii Eebe ku dhahay; (Ayamaad jeceshahay Il jannada ku taala iyo inaan Eebe kuu baryo inuu kuusoo celiyo) Waxa uu dhahay Il jannada ku taala. Ishii kalena waa beelay maalintii Yarmuuk.

Geeridii Abusufyaan:

Abusufyaan magaalada Madiina ayuu ku geeriyooday sanadkii 31 aad ama 32 aad ee Hijriga isagoo cimrigiisu dhaafay sagaashan sano, waxa ku tukaday wiilka uu adeerka u ahaa ee Cismaan ibnu Cafaan oo xilligaa khaliif ahaa Ilaahay raali haka ahaadee.

Xigasho: Siyarka Dahabi.

WD: Abdulaziz Oogle