Abu Sufyaan ibnu Al-xaaris:

Waa mid ka mid ah saxaabadii Nabiga (N.N.K.H) waana wiilkii uu dhalay Nabiga adeerkii Xaaris ibnu Cabdulmudalib, sidoo kale Abusufyaan naaska ayuu la nuugay Nabiga(N.N.K.H), waxa nuujisay Xaliimo Sacdiya (I.R.H). Markaa Abu Sufyaan Nabiga waa ilmo adeer sidoo kalena waa walaalo dhanka naas nuujinta. Islaamnimadiisu way danbeysay, waxaanu ka mid ahaa dadkii dhibay Rasuulka islaamnimadiisa ka hor.

Islaamnimadii Abu-Sufyaan:

Abusufyaan waxa uu soo islaamay furashadii Makkah ka hor. Jidka ayuu kula kulmay Rasuulka (N.N.K.H) isaga oo dalbanaya inuu islaamo iyo in laga cafiyo dhibtii uu muslimiinta ku hayey. Nabigu waa ka aqbalay islaamnimadiisa waxaanu faray Cali ibnu Abudaalib (I.R.H) oo ay Abusufyaan ilmo adeer ahaayeen inuu baro wayso qaadashada iyo sunnada Nabiga.

Jihaadkii Abu-Sufyaan:

Isla markuu Islaamayba waxa uu ka qaybgalay dagaalii Xunayn oo shirqool gaaladu u dhigtay Rasuulkii Ilaahay. Saxaabadii Rasuulka kusoo hadhay ayuu Abu-Sufyaan iyo wiil uu dhalay oo la dhaho Jacfar ka mid ahaayeen. Abusufyaan waxa uu gacanta bidix ku hayey hogaanka faraska Rasuulka (N.N.K.H) halka uu gacanta midigna ku dagaalamayey. Nabigu markuu dhawaaqay ee u yeedhay saxaabadiisa isagoo leh (Anigu Nabi ayaa ahay beena maaha, Anigu waxaan ahay wiilkii Cabdulmudalib) kadibna saxaabadii way soo laabteen wayna guulaysteen. Markay xaaladu kala degtay ayuu Rasuulku fiiriyey cida hogaaminaysa faraskiisa waxaaanu dhahay; Waa kuma? waa Abusufyaan walaalkay. Markuu Abusufyaan maqlay erayadan ayuu is hayn kari waayey markaasu dhunkaday Rasuulka (N.N.K.H).

Fadligii Abusufyaan:

Abusufyaan waxa uu shabihi jiray Rasuulka (N.N.K.H), Nabiguna waxa uu odhan jiray Abusufyaan waa walaalkay, oo Eebe ayaa iigu badalay Xamse ibnu Cabdulmudalib. Wixii intaa ka danbeeyey Abusufyaan waxa loogu yeedhi jiray Libaaxii Ilaahay iyo Libaaxii Rasuulka (N.N.K.H). Abusufyaan waxa uu ahaa mid salaad badan, oo wuxuu tukan jiray maalin badhkeed xilliga xagaaga, kadibna waxa uu tukan jiray waqtiga u dhaxeeya Duhurka iyo salaada Casarka. Nabiga (N.N.K.H) waxa laga wariyaa inuu dhahay; (Abusufyaan waa sayidka dhalinyarada Jannada)

 Geeridii Abusufyaan:

Abusufyaan (I.R.H) waa soo xajay kadibna timo jarihii ayaa u xiiray oo wuxuu gooyey fin kaga yaalay madaxa kadibna waa u xanuustay oo kuna geeriyooday magaalada Madiina, waxana ku tukaday Amiirkii Mu’miniinta Cumar ibnu Khadaab (I.R.H).

Xigasho: Siyarka  Imaam Dahabi.

WD: Abdulaziz Oogle