Qeexid kooban:

[responsivevoice_button voice=”Finnish Female”]

Magaciisu waa Cabdilaahi ibnu Qays ibnu Saliim bani Xadaar bin Xarb. Waxa lagu Magacaabaa Abu Muusa Al-ashcari, waana mid ka mida saxaabadii Rasuulka. Waa Imaamkii waynaa ee aadka u codka macaana markuu akhrinayo Quraanka, waxa uu ahaa faqiih. Waxa uu Quraanka ku dul akhriyey Nabiga, sidoo kale waxa uu Quraanka baray reer Basra. Nabigii Ilaahayna waxa uu yidhi; Abu Muusa waxa la siiyey mid ka mid masaamiirtii Nabi Daa’uud.

Sifooyinkii Abu Muusa: 

Abu Muusa Al-Ashcari Ilaahay raali haka ahaadee waxa uu ahaa Nin gaaban oo jidh yar, waxa uu xidhan jiray surwaal isagoo ka cabsanaya in cawradiisu muuqato, sidoo kale markuu qubaysqaadanayo waxa uu qubaysanayey xilliga mugdiga isagoo ka xishoonaya Eebe.

Islaamnimadii Abu Muusa:

Abu Muusa waxa uu islaamay goor hore, isla markii uu maqlay soo bixida Nabiga ayuu kasoo hayaamay deegaanka Yemen soona gaadhay Makka waana islaamay, waxaanu u hijrooday dhulka Xabashida. Mudo kadibna waxa uu ku soo laabtay Nabiga isagoo la socda qabiilkiisa Ashcariyiinta.

Qabiilkii Abu Muusa:

Abu Muusa hooyadii oo la dhaho Diiba bintu Wahab way islaamtay kuna geeriyootay magaalada Madiina. Abu Muusa waxa uu dhahay: (Waxaan kasoo baxnay Yemen anagoo ah dhawr iyo konton qabiilkayga, oo ay ila socdaan laba wiil oon walaalo nahay waa Abu Raham iyo Abu Barda, markaasaan u safarnay Najaashi (Dhulka Xabashida) anagoo wadana doon, xilligaana waxa la joogay Jacfar iyo asxaabtiisii. Nabiga waxaan u nimid markii la furtay Khaybar markaasuu Rasuulkii Ilaahayna nagu yidhi; (Laba hijro ayaad hijrooteen, waxaad u hijrooteen Najaashi sidoo kalena Aniga ayaad iisoo hijrooteen).

Nabiguna waxa uu dhahay intaan Ashcariyiintu imanin; Waxaa imanaya qoom qalbigoodu islaamnimada idiinka jilicsanyahay, markay soo dhowaadeen ayey qaadeen (Barri ayaan la kulmaynaa kuwaan jeclayn, Muhamed iyo asxaabtisii.)

Markii dagaalkii Xuneyn dhamaaday ayaa Naigu diray ciidan uu hogaaminayo Abu Caamir Al-ashcari, waxayna la kulmeen Dariid ibnu Samma, waanay dileen qoomkiisiina waa la jabiyey. Balse Ninbaa waran kusoo tuuray Abu Caamir oo faras fuushan waanu asiibay, markaasuu Abu Muuse ku dhahay Abu Caamir; Adeer yaa kugu soo tuuray waranka? waanu u ishaaray, markaasuu Abu Muusa dilay ninkii. Kadibna Abu Caamir ayuu ku noqday oo ku yidhi; Waan dilay ninkii waranka kula helay. Abu Caamir waxa uu ku dhahay Abu Muusa; U tag Nabiga, oo igu salaana ha ii danbi dhaaf dalbee, kadibna waa geeriyooday. Markay Madiina soo galeen ayey u sheegeen Nabiga in Abu Caamir geeriyooday soona dalbaday in danbi dhaaf loo waydiiyo. Nabigu (N.N.K.H) inta uu wayso qaatay ayuu gacmaha sara u taagay oo dhahay; Ilaahow u danbi dhaaf Abu Caamir, markaasuu Abu Muusana ku dhahay; Anigana ducada igu dar Nabii Ilaahayow, markaasuu yidhi; (Ilaahow u danbi dhaaf Abu Muusa, maalinta Qayaamana meel khayr leh gali.)

Fadliga Abu Muusa:

Abu Muusa waxa uu ahaa saxaabiga ugu codka macaan markuu akhrinayo Quraanka, nabiguna waxa uu ku tilmaamay in la siiyey mid ka mid masaamiirtii Nabi Daa’uud. Cali bin Abu daalib ayaa la waydiiyey saxaabigan Abu Muusa al-ashcari waxaanu yidhi; Cilmiga ayaa lagu subkay Abumuusa Alashcari.

Masruuq waxa uu dhahay: Asxaabta garsoorka taqaanay waa lix; Cumar, Cali, Ibnu Mascuud, Ubayy. Sayd iyo AbuMuusa. Shacbi waxa uu dhahay: Cilmiga waxa laga qaata lix: Cumar, Cabdilaahi, Sayd,Cali, Ubayy iyo Abumusa.

Abu Muusa waxa uu ka mid ahaa saxaabadii fatwoon jiray Nabiga oo nool, waxa kale oo ka mid ahaa saxaabada fatwoota Cumar, Cali iyo Mucaad. Abu Muusa marka uu tujinayo salaada subax waxa uu mari jiray safafka salaada ninkasatana waa simi jiray. Xilligii uu Cumar khaliifka ahaa waxa uu ku odhan jiray; Ina xasuusi Abumuusoow! Markaasuu Abumuuse ku akhrin jiray Quraanka.

Shaqadii siyaasadeed ee Abumuusa:

Nabigu waxa uu u magacaabay inuu isaga iyo Mucaad madax ka noqdaan Sabiid iyo Cadan. Cumar iyo Cusmaana waxa uu madax uga ahaa magaalada Basra iyo Kuufa. Abumuusa waxa uu furtay magaalooyinka Raha, Samsayaad iyo meelihii ka ag dhowaa.

Geeridii Abu Musa:

Abumuusa waa dadaali jiray dadaal aad u wayn markay soo dhowaatay ajashiisu, waxaana lagu dhihi jiray; Saxaabigii Rasuulkoow maad naftaada u kaadisid. Isaguna waxa uu odhan jiray; marka fardaha la diro ee ay u dhowaadaan meeshii loo diray orodka way dheereeyaan, anigana ajashaydii wax yarbaa ka hadhay.Abu Muusa Ilaahay raali haka ahaade waxa uu geeriyooday sanadkii 42 ama 44 ee hijriga.

Xigasho: Siyarka, Imaam Dahabi

WD: Abdulaziz Oogle