Abu Jaabir (Cabdilaahi ibnu Xaraam)

SOO DAJISOAbu Jaabir (Cabdilaahi ibnu Camru ibnu Xaraam oo  reer bani Silmiya, waxa uu ahaa Saxaabi Ansaarta reer Khasraj ahaa. Cabdilaahi waxa uu ahaa Nin cas/guduudan oo bidaar leh oo aan aad udheerayn, kana mid ahaa saxaabadii ka qaybgashay Badar kuna Shahiiday Uxud.

 

Cabdilaahi Ibnu Xaraama intaanu Islaamin ka hor waxa uu ahaa mid ka mida madaxda Qabiilka Khasraj, sharaf iyo karaamana wuu ku lahaa. Saxaabigan waxa uu islaamay Baycadii uu nabigu la galay Ansaarta, waana xilligii ka horeysay  hijradii Nabiga (N.N.K.H).

Cabdulaahi Ibnu Xaraam waxa uu ahaa Saxaabigii ugu hor shahiiday Duulaankii Uxud, kadibna xabaalo wadareed ayaa loogu duugay goobtaas. Waxa lala duugay Camru ibnu Jamuux, nabiguna wuxuu uga marag kacay inuu markhaati ka yahay saxaabadii maalintaa shahiiday oo uu ka mid yahay Cabdilaahi Ibnu Xaraam (Abu Jaabir).

Markuu shahiiday Cabdilaahi ayuu Nabigu (N.N.K.H) ku yidhi wiiliiisii Jaabir ibnu Cabdilaahi; “Ma kaaga waramaa in Eebe (SW) bilaa xijaab la hadlay Aabahaa, kuna dhahay: Adoonkaygoo I waydiiso waxaad rabto waan ku siinee, markaasu yidhi Cabdilaahi; Ilaahayow, mar labaad dib ii celi aan adiga dartaa usoo dhintee. Eebana waxa uu yidhi; Hore, ayaan u gooyey inaanay ayada (Aduunyada) dib ugu noqonayn, Markaasuu Cabdilahi dhahay; Eebow warkayga gaadhsii kadibna Eebe ayaa soo dajiyey Aayada 169 ee Suurada Al-Cimraan.

{وَلا تَحْسَبَنَّ الَّذِينَ قُتِلُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ أَمْوَاتًا بَلْ أَحْيَاءٌ عِنْدَ رَبِّهِمْ يُرْزَقُونَ[آل عمران: 169] 

[Ha u malaynina kuwa u dhintay dar Ilaahay inay maydyihiin, saas maahee way noolyihiin Eebe agtiisana lagu arsaaqa.]

Geeridii Cabdulaahi kadib ayaa wiilkiisii Jaabir u tagay Nabiga oo uga waramay in Aabihii lagu lahaa dayn kadibna Nabiga ayaa bixiyey. Mudo 46 sano kadib ayaa Daad qaaday xabaalihii Shuhadadii Uxud, Markaasa daadkii galay xabaashii Cabdilahi Ibnu Xaraama iyo Camru ibnu Jamuux. Kolkii lasoo saaray maydkii ayaa dhaawacii madaxa ka gaadhay Cabdilaahi furmay oo dhiig ka yimid. SubxaanAllah, Wiilkiisii Jaabir wuxuu  yidhi; “Aabahay jirkiisa waxba iskama badalin oo waxaad mooday inuu hurdo. Kadibna Xabaashii ayaa laga soo saaray oo waxa lagu duugay/aasay meel kale. Eebana run ayuu sheegay merkuu ina leeyahay, ha umalaynina dadka Jidka Allah u dhintaa inay yihiin Mayd, ee saas maahe way nool yihiin oo xaga Allah ayaa laga arsaaqaa.

Ilaahay haka raali ahaado Saxaabigan iyo dhamaan Muslimiintaba, Waxaana Allah ka baryeynaa Camalka shahiidka iyo Shahaadadaba. Aamiin

Waxa diyaariyey; Abdulaziz Oogle.