Abudarr Al-Qafaari.

SOO DAJISOMagaciisu waa Jundub ibnu Janaada ibnu Qafaar. Qabiilka uu kasoo jeedo saxaabigan waa Reer Qafaar, waxay ahaayeen qabiil (qaadic dariiqa) oo isbaaro u ooli jirtay tog u dhow magaalada Makkah, cidii ay haleelaan habeen oo aan xulufo la ahayn way dhici jireen. Laakiin Eebe (SW) waxa uu doonay inuu qabiilkan soo hanuuniyo, waxa qabiilkan ugu hor islaamay Abudarr kadib markii uu maqlay diintan cusub ee Eebe kali yeelaysa.

Islaamnimadii Abudarr:-

Abudarr waxa uu yidhi; “Waxaan ka mid ahaa qabiilka reer Qafaar, waxaana nasoo gaadhay in Nabi soo baxay, dabadeedna walaalkay ayaan u diray si uu wariisa iigu keeno, kadib waa tagay oo soo noqday markaasbaan waydiiyey maxaad aragtay? Waxa uu yidhi; waxaan arkay Nin dadka akhlaaqda wanaagsan ugu yeedhaya. Waxaan ku idhi; Imaad shaafinin ee anigaa ka war doonaya. Kadibna waan soo baxay oo waxaan imi Makka anigoo cabaya biyaha samsamka kadibna kacbada ayaan iska fadhiistay, waxaana ii yimi Cali ibnu Abudaalib oo i marti qaaday hebeenkaas kadibna waxaan kusoo noqday masjidka Xaramka anigoo raadinaya Nabiga cusub, balse cid ii waranta maan helin hadna Cali ayaa iigu yimid kacbada oo i waydiiyey ujeedada aana Makkah u imi markaasbaan ku idhi; Ma tahay nin sirta lagu aamino? Waxa uu yidhi; Haa, waan kuu hayn sirtaada. Markaasaan ku idhi; waxa nasoo gaadhay Nabi soo baxay kadibna walaalkay ayaan usoo diray, isguna war buuxa imuusan siin markaasbaan go’aansaday inaan anigu usoo kicitimo. Cali waxa uu yidhi; Waad hagaagsantahay oo waan ku tusayaa Ninka aad raadinaysid ee isoo raaca oo hadaan arko cid aankaaga cabsanayo waxaan iska dhigayaa sidii Nin kabaha hagaajisanaya ee adigu hore usii soco. Kadibna waxaan u galnay Nabiga (N.N.K.H) markaasuu islaamnimada iisoo bandhigay, waanan ajiibay oo waan islaamay kadibna waxa uu Nabigu igu yidhi; Abudarroo arrinkan qarso oo ku noqo baladkaagii, markaad maqasho inaan xoog yeelanay noo kaaly”

Abudarr waxa uu yidhi: Wallahi, islaamnimadayda waan cadaynayaa, markaasbaan tagay golihii ay gaaladii reer Qureesh ku shiraysay oo intaan dhawaaqay ayaan idhi; “Reer Qureeshoow, waan Islaamay oo waxaan qirayaa Ilaahay inuu kali yahay, Nabi Muhamedna yahay Rasuulkiisii” kadib intay ugu soo kaceen ayey i garaaceen oo waxaan ku dhowaaday inaan dhinto markaasa Cabaas ibnu Cabdul Mudalib iga qabtay isagoo ku dhahaya “Waar ma Nin reer Qafaar ah ayaad dilaysaan, safarkiinuna wuu sii maraa deegaankooda waxa uu yidhi: way iga tagaan maalintaa, hadana subaxii kale ayaaan ku noqday wayna i garaaceen sidii shalay oo kale balse Cabaasbaa hadana iga qabtay oo ku dhahay hadlkii shalay oo kale. Abudarr (I.R.H) waxa uu ahaa qofkii shanaad ee islaama, waxa uu ka mid yahay dadkii ugu hor islaamay.

Abudarr (I.R.H) waxa uu ku noqday qabiilkiisii Qafaar, waana uga waramay Nabi Muhamed (N.N.K.H) iyo akhlaaqda wanaagsan ee uu ugu yeedhayo, markaasay qabiilkiisii Islaamay. Kadibna Qabiilka Aslam ayuu u tagay oo u bandhigay diinta Islaamka, wayna rumeeyeen oo qaateen diinta Islaamka. Mudo kadib markuu Nabigu u hijrooday Madiina ayuu u yimid Rasuulka isagoy la socdaan labadan qabiil waa reer Qafaar iyo reer Aslam. Nabiguna waa cajabay oo waxa uu yidhi; (Eebe ha u danbi dhaafo reer Qafaar, hana nabad geliyo reer Aslam)

Abudarr (I.R.H) iyo Qaswadii Tabuuk:

Sanadkii 9 aad ee hijriga waxa dhacay qaswadii Tabuuk kadibna Nabiga iyo Asxaabtiisii ayaa baxay waxayna waayeen Abudarr, markaasu Nabigu yidhi; (Hadii uu khayr yahay Eebe waa ina soo raacinayaa, hadii kalena Ilaahaybaa inooga raaxeeyey) Subaxii markay muslimiintu rakaabkii dhigeen si ay u nastaan ayaa Nin soo muuqday, markaasaa Nin saxaabada ka mid ah arkay oo  Rasuulka u sheegay, markaasbuu Rasuulku yidhi (Noqo Abudarr) markuu soo dhowaaday ayuu noqday Abudarr oo awrku ka gaabiyey, dabadeedna Rasuulka ayaa yidhi; (Ilaahay Abudarr ha u naxariisto, kali ayuu soconayaa, kali ayuu dhimanayaa, kalina waa lasoo saarayaa).

Geeridii Abudarr:

Deegaanka Rabada isagoo Abudarr jooga ayey geeridii kusoo xaadirta, waxaana la joogtay xaaskiisii oo oynaysa waxaanu ku yidhi maxaad la ooyeysaa? Waxay tidhi; Waxaad dhimanaysaa anigoon xitaa kafan aan kugu kafno haysanin. Markaasuu qoslay oo dajiyey kuna dhahay: Ha oynin, waxaan ka maqlay Rasuulka aniga iyo koox muslimiin ah isagoo leh: (Mid idin kamida ayaa ku geeriyoondoona dhul lama degaan ah, waxaana soo gaadhaya koox mu’miniin ah) Dhamaan kooxdii asxaabta ahayd ee ila joogtay way geeriyoodeen ayagoo degmo iyo dad la jooga, manuusan hadhin aniga mooyaane, aniguna waa Anigaa dhulka cidlada ah ku geeriyoonaya, ee fiiri wadada waxa soo socda koox mu’miniin ah sababtoo ah been layma sheegin aniguna been ma sheegin. Kadibna waa la oofsaday Abudarr Ilaahay raali haka ahaadee. Waxaana yimid kooxdii mu’miniinta ahayd oo uu hogaaminayo Cabdilaahi ibnu Mascuud, markuu arkay Abudarr wajigiisa ayuu Cabdilaahi ooyey oo dhahay run ayuu sheegay Rasuulkii Allah (N.N.K.H) kali ayaad soconaysaa, kalina waad dhimanaysaa, kalina waa lagu soo saarayaa).

WQ: Abdulaziz Mohamed Oogle

Kala xidhiidh: www.gaaldiid.com  oogle@gaaldiid.com oogleabadle@hotmail.com