Abu Dardaa’ (Caamir ibnu Sayd ibnu Qays) 

Ka war bixin kooban:

SOO DAJISOAbu Dardaa’ waa saxaabadii aadka u fadliga badnayd, waa Imaamkii Cilmiga Eebe ku manaystay, waana horyaalka saxaabadii Rasuulka (N.N.K.h). Waxa uu noqday Qaadigii Dimishiq, waana saxaabi aad u xikmad badan, kana mid ahaa (Qurraa’) kuwii xifdiyey Quraanka Kariimka ah ee dadkana bari jiray, Quraanka waxa uu koobay Nabiga oo nool, waanu ku dul akhriyey, waxaanu ka mid ahaa saxaabadii kulmisay Quraanka isaga iyo Mucaad, Sayid ibnu Thaabit, Abu sayid, Ubayya iyo Saciid ibnu Cabiid Ilaahay raali haka ahaado dhamaantoodba. Waxa  uu wariyey Boqol iyo sagaal iyo todobaatan xadiis, waxaanu geeriyooday sadex sano kahor dilkii Cusmaan ibnu Cafaan. 

Islmaanimada ka hor: 

Abu Dardaa’ (I.R.H) ka hor inataanu islaamin waxa uu caabudi jiray Sanam, kadibna Cabdilaahi Ibnu Rawaaxa iyo Muhamed ibnu Maslama ayaa u galay gurigiisa oo burburiyey sanamkiisii, markuu soo noqday ayuu bilaabay inuu isu keeno sanamkii asagoo dhahaya; “Waar hoog kuu sugnaaye, ma isdifaaci kari wayday?” Markaasay xaaskiisii Umu Dardaa’ ku tidhi; “Haduu cid difaacayo ama cid anfacayo isgaa is difaaci lahaa oo is anafaci lahaa!! Abu Dardaa’ waxa uu ku yidhi xaaskiisii; “Ii diyaari biyo aan ku qubaysto, waanu qubaystay oo gashtay maryo” kadibna waa soo baxay isagoo ku wajahan Rasuulka, markuu soo muuqday ayey Ibnu Rawaaxa iyo Ibnu Maslama dhaheen; ” Ilaahay Rasuulkiisoow, waa kan Abu Dardaa asagoo na raadinaya” Nabiguna waxa uu yidhi; “May, wuxuu u yimi inuu Islaamo, sababtoo ah Eebahay ayaa ii ballan qaaday inuu Abu Dardaa islaamayo.

Islaamnimadii Abu Dardaa:

Waxa uu islaamay maalintii Badar kadibna ka qaybgalay dagaalkii Uxud. Rasuulkii Ilaahayna waxa uu faray maalintii Uxud inuu ka dagaalamo buurta oo uu celiyo cadwaga, kaligii ayaana cadwgii celiyey. Markaasuu Rasuulkii Eebe yidhi; “Wanaag ayaa u sugnaaday fardofuulahan.” Abu Dardaa’ waxa uu ahaa ganacsade, markuu islaamay ayuu kala dooraty ganacsiga iyo cibaadada waxaanu doortay cibaadada Ilaahay raali haka ahaadee.

Walaaltinimadii Salamaan:

Rasuulkii Ilaahay ayaa walaalaysiiyey Abu Dardaa’ iyo Salmaan. Kadibna Salmaan ayaa soo siyaartay walaalkii Abu Dardaa’, markaasu arkay Umu Dardaa’ oo wajigu badalanyahay waxaanu ku yidhi; Maxaa kugu dhacay? Waxay tidhi; “Walaalkaa Aduunyadii wuu ka saahiday, habeenka dhan waa taagan yahay, maalintana waa sooman yahay.” Isla markaasbuu Abu Dardaa’ yimid, markaasbuu Salmaan soo dhoweeyey oo hor dhigay cunto, kuna yidhi Cun. Waxa uu yidhi; Waan soomanahay! Salmaan aya yidhi; Waan ku dhariyey, waad cunaysaa cuntada. Waa cunay cuntadii. Habeenkii ayuu Abu Dardaa’ kacay, markaasu Salmaan u diiday oo ku yidhi; ” Jirkaagu xag ayuu kugu leeyahay, Eebahanaa xaq ayuu kugu leeyahay, ehelkaaguna xaq ayuu kugu leeyahay, mar sooon mar kalena afur (cuntada cun) Ehelkaagana xiriiri, shaykastana xaqiisa sii. Markay subaxii gaadhay ayuu kiciyey oo dhahay; kac iminka oo wayso qaado, kadibna way baxeen oo tageen masjidka Rasuulka (N.N.K.H), kadibna Abu Dardaa’ ayaa uga waramay arrinkiisa. Nabiguna waxa uu yidhi; “Jirkaagu xaq ayuu kugu leeyahay, sida salmaan kuu sheegay.”

Fadligii iyo xikmadii Abu Dardaa

  • Saxaabadu waxay dhihi jireen: (Waxa noogu naxariis badan Abubakar, Xaqana noogu garasho badan Cumar, ka noogu aaminsanina waa AbuCubayda, ka noogu garasho roon xaga xalaasha iyo xaaraantana waa Mucaad, ka ugu xifdiga badan Quraankuna waa Ubayy, Nin cilmi fadhiyona waa Ibnu Mascuud, waxaana raacay kuwaas Abu Dardaa’)
  • Mucaad ibnu Jabal (I.R.H) waxa uu ku dardaarmay intaan la oofsan ka hor, Cilmiga ka qaata Afar, Abu Dardaa’, Salmaan, Ibnu Mascuud iyo Cabdilaahi ibnu Salaama.
  • Masruuq waxa uu yidhi; Waxaan helay in cilmigu ku dhamaado lix saxaabi, Cumar, Cali, Ubayy, Sayid, Abu Dardaa’ iyo Ibnu Mascuud.
  • Ibnu Cumar waxa uu dhihi jiray; Labadii caaqil ayaa noo waramay. Marka la waydii waayo labad caaqil? Waxa uu dhihi jiray waa Mucaad iyo Abu Dardaa’.
  • Cumar ibnu khadaab markuu amiirka ahaa ayaa waxa loo sheegay in Abu Dardaa’ Barande ka dhistay Ximis, markaasuu Cumar u qoray warqad oo ku yidhi; Miyaanay kugu filnayn waxay Roomaanku dhiseen ee ay ku qurxiyeen Aduunka ee Allah amray in la burburiyo. Haday  warqadan kusoo gaadho u wareeg Dimishiq.
  • Abu Dardaa’ waxa uu yidhi; “Waxaan u jeedaa in Culmadii idinka tagtay, Juhaladiina aysan waxba baran ee waxbarta, ardayga iyo macalinku ajarka way wadaagaane.”
  • Abu Dardaa’ waxa uu yidhi; ” Aqoonyahan noqon maysid hadaanad wax baran, ardayna noqon maysid hadaanad ku camal falin waxaad baraty; Waxa iigu cabsida badan waa marka laysoo istaajiyo xisaabta ee la dhaho: Maxaad ku qabatay waxaad baraty?
  • Waxa la waydiiyey Abu Dardaa’; Imisa jeer ayaad tasbiixsataa maalintii waxaanu yidhi; “Boqol kun, hadii aanay faruhu i khaldin”
  • Waxa uu odhan jiray Abu Dardaa’ ilaahay raali haka ahaadee: “Ilaahayow waxan kaa nabad galayaa in qalbiga lay faaruqiyo. Waxay dhaheen waa maxay faaruqinta qalbigu? Waxa uu dhahay; waa in waadi kasta la iiyeelo xoolo.
  • Abu Dardaa’ waxa uu dhahay; Sadex ay dadku necebyihiin ayaan jecelahay, waa Faqriqa, Cudurka iyo Geerida! Waxa uu yidhi; Markaan faqiir noqdo Eebahay ayaan isu duldhigaa, markaan xanuustana danbigaygaa la dhaafa, hadaan dhintona Eebahay ayaan la kulmayaa.
  • Abu Dardaa’ ayaa Il xanuuntay ilaa ayishii tagtay, markaasbaa lagu yidhi; Maxaad Ilaahay uga baryi wayday? Waxa uu yidhi; “Wali maan dhamaynin inaan Eebahay ka baryo inuu ii danbi dhaafo ee sidaan Ishayda ugu duceeyaa!!!
  • Nin ayaa ku yidhi; ii dardaaran. Waxa uu yidhi; “Ilaahay xus markaad barwaaqaysantahay, waxa uu ku xusi markaad dhibaatoonaysee”
  • Abu Dardaa’ waxa uu yidhi; Iska jir dacwada qofka la dulmiyey, ducadiisu Ilaahay ayey u tagtaa ayadood moodo falaadho naar ah.
  • Xikmadiihii ugu waaweynaa ee Saxaabigan waxa ka mid ah; ” Dadka xoolaha haystaa way cunaan anaguna waan cunaa, way cabaan anaguna waan cabnaa, maryo ayey gashtaan anaguna waan gashanaa, markab ayey fuulaan anaguna waan fuulnaa, waxayna leeyihiin xoolo oo way eegi anaguna waan la eegi, ayagaana laga xisaabin anaguna bari ayaan ka nahay!!!!!
  • Waxa kale oo uu yidhi; Ilaahay ayaa mahad iska leh ka yeelay kuwa hantida haysta inay na tamaniyaan markay dhimanayaan, anaguna aanan tamaniyin.”
  • Markii la furtay Qubrus ayuu Abu Dardaa ooyey!! Jubeyr ayaa ku yidhi; Maxaad la ooyeysaa maalin Ilaahay u gargaaray Muslimiinta? Waxa uu yidhi; Markay Ilaahay caasiyeen ayaan ka roonaaney.
  • Xaaskiis Abu Dardaa’ waa Umu Dardaa’ waxay tidhi; “Abu Dardaa’ waxa uu lahaa 360 saaxiib oo uu ugu ducayn jiray salaad kasta. Waxaanu yidhi; Ma jiro Nin u duceeya walaalkii isagoo ka maqan, hadayba jirto waxa isagana u ducaynaya laba Malak.
  • Abu Dardaa’ waxa uu yidhi; Qofkii badiya xuska geerida waxa yaraada farxadiisa iyo xaasidnimadiisa.

Saxaabigan wayn ee aadka u qaaliga Ilaahay Raali haka ahaadee waxa uu geeriyooday sanadkii 32aad ee Hijriga. Waxaanu qaadi ka noqday Magaalada Dimishiq khilaafadii Cusmaan ibnu Cafaan Ilaahay Raali haka ahaadee.

Xigasho: Kitaabka Siyarka ee Imaam Dahabi.

Soo diyaarin: Abdulaziz Oogle