Abu Cubayda Ibnu Al-Jaraax:

Qeexid kooban:

Magaciisu waa Caamir ibnu Cabdilaahi ibnu Al-Jaraax looguna naanayso Abu Cubayda, waxa uu ka mid yahay saxaabadii ugu hor islaamtay, looguna bushaareeyey Jannada isagoo nool. Nabigu waxa uu ku magacaabay inuu yahay Amiinka Umada muslimiinta.

Sifooyinkii Abu Cubayda:

Abu Cubayda (I.R.H) waxa uu ahaa Nin caato ah oo dheer, gadhkiisuna aanu dheerayn. Wuxuu u hijrooday dhulka Xabashida hase ahaatee kumuu nagaan. Saxaabigan waxa uu ku sifaysnaa akhlaaq iyo edab aad u saraysa, sidoo kale waa dul qaad badnaa waanu isdul dhigi iray Ilaahay raali haka ahaadee.

Islaamnimadii Abu Cubayda:

Abu Cubayda waxa uu islaamay xilli aad u horeysay waxaanu ka mid yahay (Saabiqiinta) waxa uu la islaamay saxaabadan Cabdiraxmaan ibnu Cawf, Abu Salama, Ibnu Madcuun, iyo Cubayda ibnu Xaaris, waana ka hor intaan lagalin daarta Arqam ibnu Arqam (I.R.H).

Jihaadkii Abu Cubayda:

Abu Cubayda ilaahay raali haka ahaadee waxa uu jeclaa inuu jidka Eebe u dagaalamo, naftiisa iyo maalkiisana u horo, waxa uu ka qaybgalay dagaalo badan oo gaalo lala galay sida dagaalkii Badar, Uxud iyo Yarmuuk.

Dagaalkii Badar: Abu Cubayda ilaahay raali haka ahaadee waxa uu muujiyey dagaalkan in ay ka go’antahay inuu u hiiliyo Ilaahay iyo Rasuulkiisa, waxa uu dilay aabihii isaga dhalay oo la safnaa gaaladii Qureesheed. Sidaa awgeed Eebe ayaa kusoo dajiyey Aayadan Quraanka ah isaga iyo kuwa la midka ah ee Muslimiinta.

{لَّا تَجِدُ قَوْمًا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ يُوَادُّونَ مَنْ حَادَّ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَوْ كَانُوا آبَاءَهُمْ أَوْ أَبْنَاءَهُمْ أَوْ إِخْوَانَهُمْ أَوْ عَشِيرَتَهُمْ ۚ أُولَٰئِكَ كَتَبَ فِي قُلُوبِهِمُ الْإِيمَانَ ۖ}

{Ma helaysid dad Ilaahay rumeeyey iyo maalintii aakhiro oo haddana jecel ruux Ilaahay iyo Rasuulkiisa khilaafaya haba ahaadeen Aabayowgood, Caruurtooda, Walaahood ama Qaraabadooda, kuwaas (aan jeclaanin) waa kuwo qalbigooda iimaanka lagu dhigay}

Dagaalkii Uxud: Abu Cubayda waxa uu ka mid ahaa saxaabadii sugnaatay ee ka barbar dagaalamay Rasuulkii Ilaahay. Sidaan ognahay maalintii Uxud waa la dhaawacay Rasuulka oo koofiyadii uu watay ayaa madaxa ka gashay, sidoo kale iliga dhoosha ayaa la jabiyey Rasuulka (N.N.K.H). Mowqifkaa adag ayuu Abu Cubayda rasuulka kasoo saaray koofiyadii madaxa isagoo adeegsanaya ilkihiisa laakiin labadiisa dhoolood ayaa kasoo dhacay Ilaahay raali haka ahaadee, wuxuu naftiisa u huray Rasuulka (N.N.K.H).

Nabigu madax ayuu  ugga dhigay ciidamada Muslimiinta marar badan, waxa ka mid ahayd mar ay isaga iyo ciidankiisa oo ka koobnaa sadex boqol ay gaajoodeen, waxayna heleen Xuut (kalluun) wayn oo baddu soo caariday kaas oo lagu magacaabo Cinbar, markaasu dhahay miyuu kalluunku dhintay waxayna ku dhaheen waa noolayahay kadibna waxa uu ku yidhi ciidankiisii; Inagu waxa ina soo diray Rasuulkii Eebe, waxayna u dagaalami jidka Eebe ee cuna xuutka, wayna cuneen.

Khilaafadii Abubakar waxa loo magacaabay baytka maalka, kadibna waxa uu udiray ciidamada dhulka Shaam isagoo amiir ah sanadkii 13aad ee hijrada, markuu Cumar khaliif noqdayna waxa uu u magacaabay abaanduulaha ciidanka Muslimiinta oo dhan.

Dagaalkii Yarmuuk ee lagu xoreynayey dhulka Shaam waxa ciidamada muslimiinta madax u ahaa Abu Cubayda kaas oo lagu jabiyey ciidamadii Roomaanka. Sidoo kale Ilaahay raali haka ahaade waxa uu ka mid ahaa saxaabadii furatay dhulka barakaysan ee Falasdiin.

Fadligii Abu Cubayda:

Abu Cubayda fadligiisa lama soo koobi karo waxa ku filan oo kaliya in Rasuulkii Eebe ku tilmaamay inuu yahay Amiinka Ummadan isagoo uga jeeda inuu ugu amaano badanyahay dadka Muslimiinta. Xadiisyo badan oo Nabiga ka sugan ayuu leeyahay Rasuulku; (Ummad kasta qof amiin ah ayey leedahay, ruux ugu amiinsan umadana waa Abu Cubayda ibnu Al-Jaraax). Maalin ayaa Nabiga waxa u yimid laba nin oo madax ka ah qabiilada reer Najraan, waxayna ku dhaheen Rasuulka; Nala dir nin dhab ahaan aamin ah. Nabigu waxa uu yidhi; Waxaan idin la dirayaa nin dhab ahaa aamin ah, waxaanu kiciyey Abu Cubayda waana la diray. Nabiga (N.N.K.H) waxa la waydiiyey; Yaad dadka ugu jeceshahay ? waxaanu dhahay; Caasha, kadibna aabaheed Abubakar kadibna Abu Cubayda.

Marwadii Rasuulka ee Caasha (I.R.H)waxa la waydiiyey; Asxaabta Nabiga yuu ugu jeclaa? Waxay tidhi; Abubakar, kadibna Cumar kadibna Abu Cubayda Ibnu Al-Jarraax. Sidoo kale Cabdilaahi ibnu Mascuud waxa uu dhahay; Asxaabtii Rasuulka ee aa aadka u jeclahay waa Abubakar, Cumar iyo Abu Cubayda Ilaahay raali haka ahaado dhamaantoodba.

Abubakar (I.R.H) markuu Nabig geeriyooday ayuu dhahay waxaan raali idinka ahay laba nin oo ah saxaabadii Rasuulka waa Cumar ibnu Khadaab iyo Abu Cubayda ibnu Al-Jaraax. Cumarna sidoo kale waxa uu dhahay hadii aan geeriyoodo Abu Cubayda oo nool waxaan khaliif idiin ka dhigi lahaa Abu Cubayda ibnu Al-Jaraax, hadii Ilaahay i waydiiyo maxaad sidaas u fashay? Waxaan odhan: Waxaan maqlay Nabigii Ilaahay oo leh (Ummad kasta qof amiin ah ayey leedahay, ruux ugu amiinsan umadana waa Abu Cubayda ibnu Al-Jaraax). Cumar (I.R.H) aad ayuu u jeclaa Abu Cubayda oo xitaa markay kulmaan wuu gacan qaadi jiray waanu dhunkan jiray oo ku dul ooyi jiray, wxaanu ku hamiyi jiray in umadu noqoto sida Abu Cubayda oo kale.

Markuu Cumar khaliifka noqday ayuu casilay abaanduulhii Muslimiinta ee Khaalid ibnu Waliid waxaanu badalkii magacaabay Abu Cubayda, markuu Abu Cubayda amiirka noqday ayuu ku dhahay Khaalid waad hogaamin kartaa ciidanka markaasuu Khaalid dhahay; Kama hor marayo nin Rasuulkii Ilaahay ku tilmaamay inuu yahay cida ugu aaminsan ummadaan.

Markuu Abu Cubayda talada qabtay ayaa gaaladii Roomaanku cuna qabateeyeen ciidamadii Muslimiinta markaasa saxaabigii qaaliga ahaa ee Mucaad ibnu Jamal maqlay kuwo odhanaya; Haduu Khaalid madax ahaan lahaa lama hareerayn lahayn ciidamada Muslimiinta! Mucaadna waxa uu dhahay; Eebe ayaan ku dhaartay, Abu Cubayda ayaa ugu khayr badan cid dhulka kusoo hadhay. Fadliga Abu Cubayda lama soo koobi karo, waxaana lagu tiriyaa saxaabadii ururisay Quraanka Kariimka ah. Waxaana faan iyo magac ugu filan inuu ka mid yahay tobanka saxaabi ee Jannada loogu bishaareeyey.

Abu Cubayda iyo sida uu dunida uga saahiday;

Maalin ayaa Cumar ibnu Khadaab u diray Afartan kun oo diinaar, waxaanu ku dhahay cidii lacagta u qaadaysay inuu fiiriyo waxa uu Abu Cubayda ku sameeyo xoolahan kadibna xoolihii ayaa gaadhay Abu Cubayda waxaanu u qaybiyey dadkii muslimiinta ahaa, marka warkii soo gaadhay Cumar ayuu dhahay; Ilaahaybaa mahad iska leh ka yeelay muslimiinta cid sidaas samanaysa.

Abu Cubayda (I.R.H) waxa uu odhan jiray; Farabadanaa, ku ay maryihiisu cadyihiin, diintiisuna madawdahay! Farabadanaa, ku naftiisa sharfa hadana hoojinaya naftiisa, Ku badala xumahii hore  wanaagyaal cusb. Waxa kale oo uu odhan jiray isagoo cabiraya cabsida Ilaahay (Jecliyaa hadaan ahaan lahaa Wan, kadibna inta lay gawraco oo la cuno hilibkayga iyo maarqaygaba)

Markii la furta baytul maqdaska ayaa Cumar booqday Abu Cubayda waxayna tageen gurigiisii, waxaanu Cumar ka helay gurigiisa seeftiisa iyo dircigiisa oo kaliya, markaasbaa intuu ooyey dhahay; Aduunyada ayaa na dhalan rogtay, Abucubayda mooyaane.

Xanuunkii Abu Cubayda: 

Abu Cubayda ilaahay raali haka ahaadee waxa asiibay daacun la magac baxay daacuunkii Cimwaas, cimwaasna waa meel u dhaxaysa Ramla iyo Qudus. Daacuunkan waxa uu galaaftay sodon kun oo qof, Markuu Amiirkii mu’miniita ee Cumar ibnu Khadaab maqlay warka Daacuunka ayuu warqad u diray Abu Cubayda uu kaga dalbanayo inuu yimaado Madiina maadaama. Markuu Abu Cubayda akhriyey warqadii ayuu yidhi; Waan fahmay qasdiga Amiirk mu’miniinta wuxuu doonayaa inuu iga badbaadiyo cudurkan, markaasu warqad u qoray Cumar isagoo leh waan fahmay qasdigaaga aniguna askari ka mid ah askarta muslimiinta ayaan ka mid ahay. Markuu Cumar warqadii akhriyey ayuu ooyey, markaasay ku dhaheen; Ma Abucubayda ayaa geeriyooday? Waxa uu yidhi; May.

Geeridii Abucubayda:

Abucubayda ilaahay raali haka ahaadee waxa dilay cudurka daacuunka oo ka dilaacay degmada Cimwaas, waxaana la oofsaday sanadkii 18 aad ee Hijrada, cimrigiisuna uu ahaa 58 sano jir. Ilaahay raali haka ahaado, waa halyey ku dheehan taarikhda muslimiinta iyo Islaamkaba.

Xigasho: Siyarka, Imaam Dahabi.

WD: Abdulaziz Oogle