Abu Ayuub Al-ansaari

SOO DAJISOMagaciisu waa Khaalid ibnu Sayid ibnu Kaliib oo ahaa Asxaabtii Rasuulka ee Ansaarta. Waxa uu ka mid yahay Saxaabadii aadka u fadliga badnaa, kana qayb galay dagaalkii Badar, waana saxaabigii uu Nabigu (N.N.K.H) ku dagay markuu u hijrooday magaalada Madiina. Abu Ayuub (I.R.H) waxa laga wariyey Xadiisyo badan. Waxaanu ahaa saxaabi geesi ah, kamanuu hadhin dagaal kaliya ee wuu ka qayb galay dhamaan dagaaladii xilliga Rasuulka iyo kuwii ka danbeeyeyba. Ilaahay Raali Haka ahaado. 

 

Abu Ayuub islaamnimadiisu way horeysay, waxa uu islaamay ka hor Hijradii Rasuulka, sidoo kalena waxa uu ka qaybgalay Baycadii Caqabada.

Cabdilaahi ibnu Cabaas waxa uu yidhi; ” Abubakar ayaa baxay xilli ay tahay Duhur (Markay qorraxdu ugu kuluushahay) waxaana arkay Cumar ibnu Khadaab oo ku yidhi; Maxaa Abubakarow ku soo saaray xilligan? Markaasuu yidhi; “waxa kaliya ee isoo saaray waa gaajo ee Adigana Maxaa ku soo saaray?”  Cumarna sidoo kale waxa uu yidhi; “gaajo ayaa isoo saartay” Kadibna ayagoo taagan ayuu Rasuulkii Ilaahay u yimid oo waydiiyey sababta xilligan soo saartay, waxayna dhaheen gaajo iyo baahi ayaa nasoo saartay. Nabigii Ilaahayna waxa uu yidhi; “Anigaba gaajo ayaa isoo saartay ee ina kiciyaa aan u tagno Abu Ayuub” waxayna hor yimaadeen albaabkii Abu Ayuub (I.R.H).

Abu Ayuub cunto ayuu u kaydin jiray Rasuulka, haduu iman waayo Nabigu waxa uu siin jiray ehelkiisa. Markay albaabkii gaadheen ayey Umu Ayuub soo baxday kuna tidhi; ” Soo dhowow Rasuulkii Eebow adiga iyo cida kula socotaba. Abu Ayuub ayaa codkii rasuulka maqlay waxaanu ka shaqaynayey geed timir ah kadibna inta uu soo orday ayuu yidhi; Soo dhowoow Rasuulkii Ilaahayow adiga iyo cida kula scocotaba. Dabadeedna inta uu orday ayuu soo gooyay timirtii oo hordhigay Rasuulka kuna dhahay Cun Rasuulkii Ilaahayow, sidoo kale waan kuu gawracayaa. Nabigu waxa uu yidhi; ” Ha gawricin mid caano leh (Dararan)” Kadibna cuntadii ayuu u keenay Rasuulka (N.N.K.H) markaasuu qayb waslad ah ka qaatay kuna dhahay; “Abu Ayuub wasladan qaad oo u gee Faadima, indhoweyd maysan cunin cuntadan.” Markuu cuntadii ay cuneen ayuu Rasuulku ku dhahay Abu Ayuub; “Bari ii kaalay” Nabiguna waxa uu jeclaa cidii wanaag u fasha inuu u abaal gudo. Kadibna Abu Ayuub ayaa barridii u tagay Rasuulka markaasu Nabigu hadyad ahaan u siiyey gabadh yar oo u adeegta waxaanu u dardaarmay inuu u samo falo. Abu Ayuub ayaa ku dhahay xaaskiisii Umu Ayuub gabadhan waxa inoo soo hadyeey Nabiga iina dardaarmay inaan u samo falno. Umu Ayuub waxay tidhi; Oo sidaad ugu samo fali? Abu ayuub waxa uu yidhi; ” Dar Ilaahay ayaan u xoreynaynaa.

Nabigu (N.N.K.H) markuu soo hijrooday ee uu soo gaadhay magaalada Madiina ayey saxaabadii Ansaartu soo dhoweeyeen ayagoo u kala baratamaya inay hogaanka Hasha Nabigu saarnaa qabtaan, mid kastana waxa uu Rasuulka ku dhahay; ” Rasuulkii Ilaahayow anaga nagu soo dag, waan ku hoynaynaa oo ku ilaalinaynaa” Nabiguna waxa uu lahaa “Iska daaya Hasha, way amrantahaye” Kadibna waxay Hashii Rasuulku ku dagtay Daartii Saxaabigan qaaliga ah waa Abu Ayuub Ilaahay Raali haka ahaadee.

Guriga Abu ayuub waxa uu ka koobnaa laba dabaq, nabiguna waxa uu ku dagay qolka hoose, halka Abu Ayuub iyo xaaskiisu ay dageen dabaqa ka sareeya qolka Nabiga (N.N.K.H). Kadibna biyo ayaa daadatay waxayna ka cabsadeen inay biyuhu ku darooraan Nabiga markaasaa isaga iyo Umu Ayuub ay isku dayeen inay joojiyaan biyaha. Abu Ayuun inta uu dagay ayuu ku yidhi Nabiga; “Nabigii Ilaahayoow, ma haboona inaan adiga dushaada ahaano, ee soo qaado alaabtaada oo soo deg dabaqan. Kadibna Nabiga alaabtiisii oo aad u yarayd ayey rareen oo geeyeen dabaqa sare.

Nabigu (N.N.K.H) waxa uu la walaalaysiiyey saxaabiga Muscab ibnu Cumayr, maadaama Muscab ahaa Muhaajir halka Abu Ayuubna ahaa Ansaarta reer Khasraj. Ilaahay Raali haka ahaado.

Abu Ayuub noloshiisa waxa uu ku qaatay Jihaadka iyo inuu dar Ilaahay u dagaalamo. Dagaalkii ugu danbeeyey ee uu ka qaybgalayna waxa uu ahaa duulaankii uu Mucaawiya Ibnu Sufyaan wiilkiisii Yasiid ku qaaday Qusdandiiniya. Abu Ayuub waqtigaas cimrigiisa oo ahaa Sideetan sano kamuusan joojin inuu Ilaahay dartii u jihaado. Laakiin intii jidka lagu jiray ayuu xanuusaday waana geeriyooday Abu Ayuub Ilaahay raali haka ahaadee. Waxaanu dardaarmay in lagu duugo agagaarka dhufaysyadii Qusdandiiniya. Habeenkii uu geeriyooday ayey Roomaankii waydiiyeen muslimiintii Maxaa idinku dhacay ? Waxayna dhaheen; Mid ka mid ah saxaabadii ugu waaweynayd Rasuulka ayaa geeriooday. Abu Ayuubna waxa lagu aasay sidii uu ku dardaarmay dhufaysyadii Qusdandiiniya. Sida la soo wariyo Roomaanku way ka barakaysan jireen qabrigiisa, oo xitaa way ka roob dalban jireen. Ilaahay Raali haka ahaado dhamaan saxaabadii Rasuulkii Ilaahay, anagana hanagu anfaco oo miisaankeena Eebe haynoogu daro.