ABAAN IBNU SACIID IBNU AL-CAAS

(AKHRISO AMA SOO DAJISO QORAALKA OO PDF AH)

 

SOO DAJISOMagaciisu waa Abaan ibnu Saciid ibnu Alcaas ibnu Umaya ibnu Cabdishamsi ibnu Cabdimanaaf. Nabiga (N.N.K.H) waxay abtirsiinta iskugu tagaan awoowgiisa Afaraad waa Cabdimanaaf. Abaan waxa dhashay Abujahal Eedadii sidaa darteed waa isu ilma Eedo. Abaan aabihii wuxuu ku dhintay dagaalkii Fujaar kahor soo diristii Nabiga (N.N.K.H). Aabihii waxa uu ka mid ahaa madaxdii reer Qureesh, waxaanu lahaa ubad badan waxa ka mid ahaa Khaalid iyo Camru oo ayagu waqti hore Islaamay una hijrooday dhulka Xabashida. Abaan ibnu saciid waxa uu ka mid ahaa saxaabadii Rasuulka (N.N.K.H), walow ay Islaamnimadiisu habsaantay. Abaan waxa uu ka qaybgalay dagaalkii Badar isagoo la safan Mushrikiintii reer Qureesh, waxaana dagaalka lagu dilay laba wiil oo ay walaalo ahaayeen kuna dhintay gaalnimo waa Caas ibnu Saciid oo waxa dilay Imaamu Cali ibnu Abidaalib iyo Cubayda ibnu Saciid oo waxa isagana dilay Subeyr ibnu Cawaam. Abaan nasiib wanaag wuu ka badbaaday dilkii waxaanu ku noolaa magaalada Makka. Abaan wuxuu  marti galiyey saxaabigii qaaliga ahaa ee Cusmaan ibnu Cafaan (I.R.H) markuu Nabigu u diray Makkah xilligii Xudaybiya ee saxaabadiisu kula baycoodeen geedka hoostiisa.

Kadibna walaaladii Camru iyo Khaalid oo ku maqnaa dhulka Xabashida ayaa yimid, waxayna u yeedheen dabadeedna waa Islaamay Abaan (I.R.H) xilliyadii dagaalkii Khaybar. Markuu Islaamay ayuu Nabigu ku daray ciidanka.

Sida laga wariyey Haytham ibnu Cadiyy waxa uu yidhi; waxa isoo gaadhay in Saciid ibnu Caas yidhi; “Markii aabahay  Caas ibnu Saciid lagu dilay Badar waxaan la joogay adeerkay Abaan ibnu Saciid kadibna waxa uu u baxay Shaam isagoo ganacsanaya, waxaanu ka waramay Qiso dheer oo Abaan la kulmay Nin Baadari ahaa oo la dhaho (Yaka) waxaanu uga waramay sifooyinkii Nabiga waanu qiray inuu Muhamed (N.N.K.H) yahay Nabigii Ilaahay, waxaanu ku yidhi; Igu salaan.” Abaan markuu kasoo noqday safarkii ayuu qoomkiisa uga waramay qisadan kadibna Madiina ayuu qabtay oo waa Islaamy. Sanadkii Sagaalaad ee Hijriga ayuu Nabigu (N.N.K.H) u diray Abaan Baxrayn. Nabiguna wuxuu geeriyooday Abaan oo jooga Baxrayn.

Ibnu Isxaaq waxa uu yidhi; “Abaan waxa lagu dilay dagaalkii Yarmuuk” Waxa kale oo la dhahaa wuxuu geeriyooday maalintii “Maraj safar”  laakiin Imaamu Dahabi kitaabkiisa Siyarka waxa uu ku leeyahay; Abaan iyo walaalkii Khaalid waxay ku shahiideen Maalintii Ajnaadiin sida loo badanyahay.


Xigasho:

Dahabi kitaabka Siyarka. Bogga 261. Ibnu Xajar Al-casqalaani, kitaabka Isaabah. Bogga 168. Asad-aqaaba. Bogga 1/46 – 48