Tusmo

[huge_it_videogallery id=”40 “]

Taariikh nololeedkii iyo xaqiiqo raadintii Salmaan Al-faaris

Salmaan Al-faarisi waa mid kamid ah saxaabada ugu waaweyn ee saxaabadii Nabiga (N.N.K.H), wuxuu kasoo jeeda Dawladii Faaris ee ka talinjirtay badanaa Dhulka Ciraaq iyo Iiraan. Salmaan wuxuu daganaa magaalada Asfahaan gaar’ahaan xaafada Jayy halkaas waxa ku noolaa Salmaan aabihii oo ahaa maalqabeen ganacsade ah oo madaxna u ah deegaanka uu daganaa. Salmaan aabihii aadbuu u jeclaa oo jacaylkaas xad dhaafka ah wuxuu keenay inuu silsilad ku xidho oo uu ilaaliyo Salmaan.

Salmaan diinta uu haystay waxay ahayd diinta Majuusiyada ee dabka caabuda, wuxuuna ka gaadhay heer uu Dabka shido oo uu holciyo isagoon u ogolaanayn in Dabkaasi uu mar qudha damo. Salmaan wuxuu yidhi: maalin ayuu aabahay ku mashquulay dhismo kadibna wuxuu ii diray ganacsigiisii, intaan jidka kusii jirayba waxaan arkay Kaniisad ay rag ku cibaadaysanayaan, markaasaan iska dul fadhiistay oo waxaan jeclaystay cibaadadooda kadibna waan raagay oo aabahay dadbuu iisoo diray i raadinaya dabadeedna fiidkii ayaan u imi aabahay, waxaanu i waydiiyey meeshaan ku maqnaa? waxaan idhi; waxaan dul fadhiistay Kaniisad ay rag Nasaaro ah ay ku cibaadaysanayaan, kadibna way i cajab galaisay. Salmaan aabhii wuxuu ku dhahay; Salmaanoow, diinteen ayaa ka fiican ee ku sugnow majuusidaada. Salmaan wuxuu dhahay: Ilaahbaan ku dhaartee diintoodaa inaga fiican kadibna Salmaan waa la xidhay oo loo diiday inay cid la kulanto isagoo aabihii uga cabsanayo in cidi ka fitnayso diintiisa.

Salmaan isagoo xidhan wuxuu dirsaday cid uga war keenta Ragii Kiristanka ahaa, maalintii danbe ayaa waxa yimid magaaladii Asfahaan rag ka yimid dhulka Shaam oo ahaa Kiristan oo ganacsato ahaa dabadeedna cidbuu dirsaday Salmaan uga warranta goorta ay ragaasi dib ugu laabanayaan Dimishiq.

Maalintii danbe ayaa loo sheegay in Ragii dib ugu laabanayaan Dimishiq markaasuu xadhiga goostay Salmaan oo raacay ragii, markuu Salmaan tagay Dimishiq ayuu dadka waydiiyey waayo wadaadka ugu yaqaan diinta Kiristanka? Waxa loo sheegay nin wadaad ahaa oo jooga meel Kaniisad ah, ninkii ayuu Salmaan u tagay kuna dhahay: Ninyahow waxaan rabaa inaan kula joogaa oo aan diintiina  wax ka barto, ninkii waa soo dhoweeyey balse Salmaan ninkan waa  karaahiyeystay oo wuu nacay sababtuna waxay ahayd ninkan kaniisada jooga wuxuu ahaa tuug dadka xoolaha ka qaada oo kadibna sanduuq ku rita cidna waxba muusan siin jirin. Maalintii danbe ayuu ninkii kaniisada joogay dhintay, markaasay dadkii dooneen inay aasaan hase ahaatee ninkii Salmaan ayaa ku dhahay; Ninkan aad aasaysaan wuxuu ahaa nin dhaqan xun leh oo xoolaha uu idinka qaado ayuu kaydsan jiray. Dadkii waxay dhaheen: Mana tusi kartaa meesha uu ku qarin jiray lacagta, kadibna wuxuu tusay meel uu ninkii ku aasay todoba sanduuq oo Dahab ah. Dabadeedna dadkii oo cadhaysan ayaa dhagax la dhacay ninkii dhintay kadibna inay aasaan iska dhaafee way rajmiyeen oo salbiyeen.

Kaniisadii waxa la keenay nin kale oo ka duwan ninkii hore, salmaan wuxuu yidhi: ninkan waan jeclaystay oo wuxuu ahaa nin aad u wanaagsan, kaliya waxa ka fiican ninka tukada shanta salaadood, hase ahaatee ninkan odaybuu ahaa oo markiiba geeridii ayaa kusoo kadisay kadibna Salmaan wuxuu ku dhahay odaygii intaanu dhiman: Nin yahaw waa tan oo waad dhimanaysaaye ee ii dardaaran yaa haysta diintaadan oo aan la noolaada? Ninkii wuxuu yidhi: ma garanayo cid kale oo waxan aan haysano iminka haysta marka laga reebo nin jooga magaalada Mowsil kadibna waan aasnay ninkii ayuu yidhi Salmaan oo waanan soo safray oo imi magaaladii Mowsil.

Salmaan wuxuu dhahay: ninkii Mowsil joogay ayaan u tagay oo ku dhahay; ninyahaw ninbaa ii kaa soo tilmaamay joogay Dimishiq waxaanan doonayaa inaan kaa barto aqoonta diintaada ee aan kula joogo oo aan wax kaa barto, ninkii wuxuu yidhi; waayahay wiilkaygoow soo dhowoow. Markuu mudo la joogay Salmaan ninkii Mowsil joogay ayaa waxaa isna kusoo kadisay geeridii, sidii ninkii hore oo kale ayuu salmaan ku dhahay: Ninyahaw ii dardaaran, wuxuuna ninkii yidhi: waxa jiran nin kaliya oo jooga magaalada Nusaybiin ee ninkaa u tag oo wax ka baro.

Ninkii markuu dhintay ayuu Salmaan usoo safray magaaladii Nusaybiin una yimid ninkii kaniisada joogay, wuxuuna ku dhahay: Ninyahaw waxaan rabaa inaan kula joogo oo aan wax kaa barto wuxuu dhahay ninkii: wiilkaygoow soo dhowoow.

Salmaan ninkan waa ka helay oo wuxuu yidhi: ninkana wuxuu ahaa nin wanaagsan oo lamid ah labadii nin ee hore, hase ahaatee maadaama ragani ay ahaayeen rag odayaal ah waxa kana kusoo booday geeridii, kolkaasuu Salmaan ku dhahay: wadaadoow ii dardaaran oo xagaan qabtaa yaanse la kaashadaa diintan? Odaygii wuxuu yidhi: anigu ma garanayo cid ku sugan waxaan ku suganayn ragayagani marka laga reebo nin jooga Camuuriya ee ninkaas u tag ayuu dhahay odaygii intaanu dhiman kahor.

Salmaan waa soo safray markuu ninkii joogay Nusaybiin uu geeriyooday, wuxuuna yimid magaalada Camuuriya wuxuuna ugu tagay ninkii wadaadka ahaa, mudona waa la joogay hase ahaatee ninkana waxa soo haleelay seeftii geerida kolkaasuu Salmaan ku dhahay; wadaadoow ii dardaaran, wuxuuna ku dhahay; cid kale oon kuu dardaarmo ma jiro marka laga reebo Nabi soo baxaya oo kasoo baxay dhul leh laba buurood waana dhulka Carabta, nabigaasina wuxuu leeyahay sadex sifo oo kala ah; Sadaqada ma cuno, hadyadase wuu cunaa sidoo kalena waxa labadiisa garab dhexdooda ku taala shaanbada nabinimada oo ay ku qorantahay muxamed waa rasuulkii Ilaahay.

Salmaan wuxuu yidhi: intaan la joogay ninkan aya waxaan dhaqday raxan adhiya kadibna waxaan doonay inaan u safro dhulka carabta markuu dhintay wadaadkii camuuriya joogay.

Salmaan wuxuu la kulmay rag carbeed oo ku socda dhulka Carabta wuxuuna ku dhahay; Nimayahow waxaan rabaa inaad i gaysaan dhulka carabta ee labada buurood leh ee timirtana leh, waxaanan idin siinayaa xoolahayga. Dabadeedna nimankii ayaa isoo kaxeeyey oo i keenay meel u dhow dhulkaan rabay balse nimankii carbeed way i khiyaameeyeen oo waxay iga iibiyeen sida adoonka nin yahuudiya sidoo kalen xoolahaygii ayey dhaceen. Ninkii Yahuudiga ahaa ayaan mudo la joogay kadibna wuxuu iga sii iibiyey nin kale oo yahuudiya oo daganaa magalada Madiina.

Magaaladan markaan imi ayaan garwaaqsaday inaan joogo meeshii ninkii Camuuriya joogay ii soo tilmaamay, waxaanan arkay labadii buurood iyo dhulkii timirta lahaa. Mudo markaan joogay ayaa ninkii madaxa ii ahaa ee Yahuudiga waxa u yimid nin kale oo ay ilmo adeer yihiin wuxuuna ku dhahay: carabtii reer bani Qayla (ansaartii) waxay ku wada kulmeen nin sheeganaya inuu nabi yahay oo ka yimid Makkah. Salmaan wuxuu dhahay: markaan maqlay warkii ninkaas ayaan ku dhowaaday inaan kasoo dhaco geed timir ah oo aan saarnaa kadibna intaan soo dagay ayaan ku idhi Yahuudigii; waar ninyahaw maxaad tidhi? bal warka iigu celi!! Dabadeedna ninkii yahuudiga ahaa ee madaxda ii ahaa ayaa feedh igu dhuftay oo dhahay: waxba kaama galin ninkaas ee shaqadaada qabso.

Salmaan wuxuu yidhi: markaan yaqiinsaday in Nabi Muxamed joogo madiina ayaan damcay inaan sifooyinkii aan ogaado, wuxuu yidhi; waxaan soo qaaday cunto sadaqo ah oo aan u keenay nabiga markaasuu u gudbiyey saxaabadiisa isaguna waxba muusan celin. Maalintii danbe ayaan u keebay cunto hadyad ah waxaanan ku dhahay: Rasuulkii Ilaahayow, waxaan arkay inaadan cunayn sadqada ee waxaan kuu keenay hadyadan si aad u cunto kadibna Nabigu waa cunay hadyadii, salmaan wuxuu naftiisa ku leeyahay: ilaahbaan ku dhaartee sifooyinkii labaad haysaa waxa kaliya kuu dhiman shaanbadii labad garbood dhexdooda.

Maalin kale ayuu Salmaan u yimid Nabiga oo jooga xabaalaha Baqiic oo aasaya mid kamid ah saxaabadiisa oo geeriyooday, markaasu Salmaan ku dul wareegay Nabiga dhabarkiisii isagoo fiirinaya calaamadii shaanbada kolkuu Nabigu arkay ninkan ku dul wareegaya ayaa go’iisii ka qaaday dhabarkiisa markaasuu  Salmaan arkay shaanbadii kadibna intuu kusoo booday Nabiga ayuu dhunkaday oo xabad galaiyey. Nabiguna wuxuu ku dhahay : Bal soo wareeg oo warkaaga noo sheeg, kadibna Salmaan ayaa taariikhdiisii uga warramay markaasbay cajab galisay warkiisii.

Salmaan adoon ayuu u ahaa ninka Yahuudiga ah wuxuna Nabigu ku dhahay markuu islaamay kadib: Salmaanoow, ninkan waxaad kala qorotaan waraaq kolkaas haku xoreeyee. Salmaan ilaahay raali haka ahaadee wuxuu kaga mashquulay dagaalkii Badar iyo Uxud arrinta adoonimada kadibna ballan ayey kala qorteen Yahuudigii wuxuuna ku dhahay yahuudigu: hadaad rabto inaad xor noqoto waxaan kaa rabaa inaad ii qodo sadex boqol oo geed timireed ah iyo ukun wax la eeg oo dahab ah kadibna nabiga ayuu u yimid wxuuna u sheegay warkii.

Salmaan saxaabadii ayaa caawiyey oo geed timireed siiyey kadibna Nabiga ayaa ku dhahay: Salmaanoow, intaanad beerin timirta ii yeedh markaasuu Salmaan u yeedhay Nabigii kadibna Nabiga ayaa gacantiisa barakaysan ku abqaalay. Salmaan wuxuu dhahay: Ilaahbaan ku dhaartee dhamaan dhirtii uu nabigu gacantiisa ku beeray mid kaliya oo kamid ah maysan qaadhin ee dhamaantood way wada baxeen oo noqdeen dhir baxday oo midho leh.

Maalin kale ayuu Nabigu siiayay Salmaa dahab la eeg ukun yar ama beed yar kuna dhahay waxaad u gaysaa Yahuudiga kadibna Salmaan waa u geeyey Yahuudigii sidiibaanu ku xoroobay.

Salmaan markuu xoroobay wuxuu ka qaybgalay dhamaan goobihii uu Nabigu taagnaa oo dhan, saxaabiganina waa saxaabigii Nabiga u tilmaamay inuu qodo godkii Axzaab.

Fadliga Salmaan:

  • Nabigu wuxuu yidhi: Ilaahay wuxuu jeclaaday afar, anigana waxa lay faray inaan jeclaado, afartuna waa Cali ibnu abu daalib, abudarr alqafaari, miqdaad ibnu al-aswad iyo Salmaan al-faarisi.
  • Xadiis kale wuxuu leeyahay: Jannadii waxay u xiistay sadex waxayna kala yihiin: Cali ibnu abudaalib, Camaar ibnu Yaasir iyo Salmaan al-faarisi.
  • cilmigii Salmaan ee badda ahaa waxa ina tusinaya inuu Salmaan la noolaa saxaabigii Abudardaa, saxaabigan abudardaana wuxuu ahaa nin habeen oo dhan salaad u taagan, maalin oo dhana sooman kadibna waxa ka cabatay xaaskiisii umu-dardaa markaasuu Salmaan la taliyey abudardaa oo ku dhahay: Abudardaayoow, ogow naftaadu xaqbay kugu leedahay, ehelkaaguna xaq ayuu kugu leeyahay ee marna soon marna afur, sidoo kalena habeenkii tuko seexana mcanaha noloshaada isu dheeli tir. Arrintaas ayaa loo sheegay Nabiga markaasuu yidhi: Salmaan waa nin laga buuxiyey Cilmi.

Salmaan ilaahay haka raali noqdee wuxuu geeriyooday sanadkii 36 aad ee khilaafadii Cusmaan ibnu Cafaan, intaanu dhiman kahorna wuxuu ku dhahay xaaskiisii isagoo furaashka geerida saaran, waxa ila jooga dad aan waxna cunin sidoo kalena aan waxna cunin ee waxaad ii keentaa cadar ama barfuum oo ku biifi sariirtayda sababtoo ah waxbay ursadaan, markay soo noqotay xaaskiisu waxay aragtay saxaabigii oo la oofsadayba Ilaahay ha u naxariistee.


Waxa soo jeedinaya oo diyaariyey Abdulaziz Oogle