Bismillah, magaca Ilaahay ayaan ku bilaabaynaa. Allahaas oo naxariista naxariis guud iyo naxariis gaar ahba, waxaanan ku sallinaynaa xabiibka Muxamed (scw) inuu Allah korkiisa yeelo naxariis iyo nabadgalyo isaga, ehelkiisa, saxaabadiisa iyo dhamaan muslimiinta raacday jidkiisa. Assalaama calaykum wa raxmatullahi wa baraakatuhu oo macnaheeduna yahay Ilaahay korkiina ha yeelo nabadgalyo, naxariis iyo barakooyin.

Walaalayaal, waxaynu soo qaadanaynaa taariikh nololeedkii Saara xaaskii koowaad ee Nabi Ibraahiim ahna hooyadii dhashay nabi Isxaaq ilaahay nabadgalyo korkooda hayeelee. Ujeedaduna walaalayaal waxa weeye inaynu ku dayano dadkaas wanaagsan, gaar ahaan haweenka muslimaatka ah waa inay ka yeeshaan xidigaha iyo geesiyada la majeerto sidoo kalena ay aqoonsadaan in haweenaydu hadii ay Ilaahay ka cabsato ay sharaf iyo karaamo ku leedahay Ilaahay agtiisa,

Saara waxa la dhahaa waxay ahayd gabadhii ugu quruxda badnayd Aduunka marka laga yimaado Xaawa oo ah hooyadii dhashay dhamaan Basharka. Saara waxa la dhahaa waxay ilmo adeer ahaayeen Nabi Ibraahiim (Alkhaliil) naxariis iyo nabadgalyo korkooda ha ahaatee.

Saara waxa guursaday Nabi Ibraahiim, waxayna ahayd dadkii ugu hor rumeeyey diintiisa ayad iyo wiilkii nabi Ibraahiim adeerka u ahaa waa nabi Luud (N.N.K.H), kadibna waxay ka hijroodeen dhulkii ay u dhasheen ee Baabil (Ciraaq) ayagoo u kacdoomay dhulka Shaam. Nabi Luud isaga waxa loo diray qoomkii nabi Luud oo la dhaho waxay daganaayeel labada degmo ee Saduum iyo Camuura, halka nabi Ibraahiim iyo xaaskiisa Saara ay deegaan ka yeesheen dhulka Shaam.

Nabi Ibraahiim iyo Saara waxay safar ugu baxeen wadanka Masar hase ahaatee Masar waxa haystay boqor Fircoona oo ahaa nin aad u dulmi badan oo dumarka soo gala Masar ee qurxoon ka yeelan jiray adoomad kana qaadi jiray ehelkoodii. Dabadeedna ciidamadii fircoonkaas ayaa ogaaday Saara oo u sheegay boqorkoodii in wadanka ay soo gashay gabadhii ugu qurxoonayd markaasu damaaci ka galay Fircoonkaasi oo ka dalbaday ciidankiisii inay gabadhaas hor keenaan hadii ninkeeda ay helaana ay dilaan.

Nabi Ibraahiim wuxuu dareemay ciidanka uyimid inay fal shaydaanimo ku kacayaan markaasay waydiiyeen maxaad gabadhan u tahay? Nabi Ibraahiim wuu ogaa haduu dhaho waa xaaskaygii inay dilayaan sidaas darteed wuxuu dhahay; gabadhani waa walaashay macnaha walaashayda islaamka sababtoo ah waxay ahayd ruuxii muslimada kaliya ee xilligaa noolayd.

Boqorkii ayaa la hor keenay Saara markaasuu la yaabay quruxdeedii iyo dhawrsanideedii kadibna wuxuu isku dayey inuu ku xadgudbo hase ahaatee Saara ayaa Ilaahay barida inuu ka ilaaliyo sharka boqorkan kadibna gacantisii ayaa engagtay oo qallashay sida ruuxa faaligu hayo oo kale, markaasuu ninkii yaabay oo dhahay; hadaad gabadhyahay isii dayso waan ku fasaxayaa kadibna Ilaahay barida balse ninkii waxba kumuu qaadanin ee sidi oo kale ayaa loo qabtay illaa markii sadexaad uu dhaarta inaanu mar danbe isku dayeyn inuu ku xadgudbo, Ugu danbeyna wuxuu u yeedhay ciidankiisii isagoo leh; iga saara tani waa shaydaamade!! kadibna hadyado ayuu siiyey Saara iyo gabadh u adeegta oo sida la tilmaamo waxay ahayd Haajara.

Nabi Ibraahiim wuu farxay markuu arkay haweentiisii oo Ilaahay badbaadiyey kadibna dhulkii ay ka yimaadeen ayey ku laabteen. Nabi Ibraahiim iyo Saara da’doodii waynaatay, waxyna Saara ahayd gabadh madhalays ah sidaa awgeed waxay dontay inay gabadha u adeegta ee Haajira u guuriso ninkeeda markaasay u bandhigtay nabi Ibraahiim waanu ogolaaday.

Haajara uur bay qaaday kolkaasbay Saara hinaastay ama masayrtay ninkeedii oo ay la joogtay intaas oo sanadood oo aanay hadan wax ubad ah u dhalin kadibna Ilaahay ayaa uwaxyooday Nabi Ibraahiim oo la faray inuu xaaskiisa Haajar iyo ilmaheeda yar ee Ismaaciil uu geeyo waadiga ama toga aan biyo iyo baadtona aan lahayn, waanu soo qaaday nabi Ibraahiim reerkiisii isagoo dhigay meeshaas cidlada ahayd waana deegaanka Makkah oo xilligaas aanay cidina daganayn.

Nabi Ibraahiim wuxuu ku laabtay dhulka Shaam kadibna wuxuu si kadis ah ula kulmay sadex nin oo suuqa socda markaasuu ugu yeedhay oo ku macsuumay gurigiisa. Nabi Ibraahiim wuxuu isla markiiba u gawracay martidii dib shilis oo buuran markaasuu hilibkiina dubay oo hor dhigay kuna dhahay cuna cuntada! laakiin nimanka gacmahoodii ayey laabteen markaasuu yaabay nabi Ibraahiim oo cabsaday. Wuxuu Allah leeyahay isagoo ka warramaya qaabka uu martidiisii uu macsuumay sidatan:

وَلَقَدْ جَاءَتْ رُسُلُنَا إِبْرَاهِيمَ بِالْبُشْرَىٰ قَالُوا سَلَامًا ۖ قَالَ سَلَامٌ ۖ فَمَا لَبِثَ أَن جَاءَ بِعِجْلٍ حَنِيذٍ ﴿٦٩ فَلَمَّا رَأَىٰ أَيْدِيَهُمْ لَا تَصِلُ إِلَيْهِ نَكِرَهُمْ وَأَوْجَسَ مِنْهُمْ خِيفَةً ۚ قَالُوا لَا تَخَفْ إِنَّا أُرْسِلْنَا إِلَىٰ قَوْمِ لُوطٍ ﴿٧٠ وَامْرَأَتُهُ قَائِمَةٌ فَضَحِكَتْ فَبَشَّرْنَاهَا بِإِسْحَاقَ وَمِن وَرَاءِ إِسْحَاقَ يَعْقُوبَ ﴿٧١﴾ قَالَتْ يَا وَيْلَتَىٰ أَأَلِدُ وَأَنَا عَجُوزٌ وَهَـٰذَا بَعْلِي شَيْخًا ۖ إِنَّ هَـٰذَا لَشَيْءٌ عَجِيبٌ ﴿٧٢ قَالُوا أَتَعْجَبِينَ مِنْ أَمْرِ اللَّـهِ ۖ رَحْمَتُ اللَّـهِ وَبَرَكَاتُهُ عَلَيْكُمْ أَهْلَ الْبَيْتِ ۚ إِنَّهُ حَمِيدٌ مَّجِيدٌ ﴿٧٣ فَلَمَّا ذَهَبَ عَنْ إِبْرَاهِيمَ الرَّوْعُ وَجَاءَتْهُ الْبُشْرَىٰ يُجَادِلُنَا فِي قَوْمِ لُوطٍ ﴿٧٤

Sadexdii Malak ayaa isu sheegay oo kala ahaa Malak Jibriil, Malak Miikaa’iil iyo Malak Israafiil, ayagoo leh malaaigtii ilaahay ayaanu nahay, waxaana naloo soo diray qoomkii nabi Luud si aan u halaagno. Markaas waxa qososhay haweenaydii nabi Ibraahiim oo taagnayd ayadoo ku qososhay halaaga qoomkaas daalimiinta ahaa ee dhibay nabi Luud (N.N.K.H). Dabdadeedna Malaa’iktii ayaa ugu bishaaraysay Saara inay dhalayso wiil fiican oo nabi ah waa nabi Isxaaq iyo waliba inay arki doonto wiilkaasi caruurta uu dhali doona oo ah nabi Yacquub.

Markaasay gabadhii Saara is aamusiisay afkeeda ayadoo cajabsan oo leh; ma aniga oo waayeel ah oo waliba ma dhalays ah ayaa dhalaya ilmo walibana odaygayguna uu yahay waayeel. Waxay dhaheen ma waxaad la yaabantahay amarka Allah, naxariistiisu iyo barakooyinkiisu korkiina ha ahaato.

Saara sidaasbay ku qaaday uur oyna u dhashay ilmihii yaraa ee Isxaaq ayadoo waliba ah islaan waayeel ah oo madhalays ahayd ayuu Allah u hibeeeyey ilmahaas kana yeelay nabi.

Tusmo

Radinta Yahuuda:

Walaalayaal waxa muhiima inaynu ogaano wararka beenta ah ee lagu jahwareeriyo dadka muslimiinta ah, wararkasna waxa abaabulay Yahuuda iyo Saliibiyinta oo ku dhex faafiya dadka dhexdooda. Hadaba beenaha waaweyn ee laga sheegay Ilaahay, nabi Ibraahiim iyo Saarah waxa kamida waxa kitaabka Baybalka lagu sheegay gaar ahaan kitaabka Genesis.

  • Nabi Ibraahiim waxay ku tilmaamaan inuu qabay xaaskiisa Saara oo ahayd walaashiisa dhabta ahayd oo aabihii dhalay balse ay kala hooyo ahaayeen, sida lagu xusay kitaabla Genesis (Bilowgii) cutubka 20 aad. Ibraahiim wuxuu ku dhahay ninkii haweenaydiisa qabsaday ee loo yaqaaney Abimeleg sidan.“12 Oo weliba sida runta ah iyadu waa walaashay, waana gabadhii aabbahay, laakiin ma aha gabadhii hooyaday; waxayna noqotay naagtaydii.” halkaas waxay ku gafeen nabi Ibraahiim dhawrsanidiisii, sideebay u dhici kartaa inuu qof guursado walaashiisa aabihii dhalay, waa wax lala yaabo lana fajaco. Waa been cago leh oo lagu dhaleecaynayo nabi Ibraahiim iyo marwadiisii Saara.
  • Waxaynu tilmaamnay sida Quraankeena ku cad, sadexdii nin ee uyimid nabi Ibraahiim waxay ahaayeen sadex Malak hase ahaatee Yahuudii iyo Saliibiyiintii waxay dhaheen; waxay ahaayeen sadexda Ilaahay ee isku halka ah siday u yaqaanaa, kadibna waxay ugu bishaareeyey nabi Ibraahiim inay Saara dhalayso wiil markaasay qososhay Saara kadibna ilaahii ayaa ku dhahay maxaad la qoslaysaa? waxay tidhi; maan qoslin, wuxuu yidhi: waad qososhay oo tidhi; ma anigoo gaboobay ayaan dhalayaa ilmo!!! Waa wax lala yaabo dood dhexmaraysa Ilaahay iyo gabadha Saara oo ay Saarina dafirayso inaanay qoslin!! Ilaahaybaan ka magan galnay fitnadooda iyo dhaleecaynta ay usoo jeedinayaan Ilaahay iyo haweenaydii nabi Ibraahiim. Cidii u baahan waxay ka akhrisan kartaa doodaas kutubtooda gaar ahaa kitaabka Genesis (Bilowgii) cutubka 18 aad.
  • Ta ugu daran ee gaalnimada aadka u wayn waxa ah in ay gaalada Yahuuda iyo Saliibiyiintu ku qoreen kitaabkooda been abuuradkii aduunka ugu waynaa ee ay ka sheegeen Ilaahay subxaanahu wa tacaalaa, waxay dhaheen sida kusoo aroortay kitaabka Genesis, cutubka 21 aad faqrada koowaad:-” ( 1 ) Oo Rabbigu Saarah wuu soo booqday siduu yidhi, oo Rabbigu wuxuu Saarah u yeelay siduu kula hadlay. (2 ) Oo Saarah way uuraysatay, oo Ibraahim wiil bay u dhashay isagoo da’ weyn, waxayna ahayd wakhtigii Ilaah kala hadlay isaga.”  waxay ina leeyihiin Ilaahaybaa Saara booqday oo yeelay siduu kula ballamay!! Cajiib si ka fudud hadaan idiinku sheego waxay noqonaysaa tusaale ahaan; ninka la dhaho X ayaa soo booqday naagta la dhahp Y oo yeelay sidii ay ku ballameen markaasay naagtii Y ay uur qaaday!! is waydii ninka X muxuu naagta Y ku sameeyey ee ay uurka ku qaaday? Gaaladii waxy ina leeyihiin Rabigiibaa sameeyey markaasay Saarana uur qaaday. Ilaahaybaan ka magan galaynaa waxy u nisbeeyeen Ilaahay oo ah been abuuradkii aduunka ugu waynaa oo gaaladaasi ay kula kaceen Ilaahay iyo dadkaa wanaagsan ee Nabi Ibraahiim iyo haweenaydiisii Saara.