Tusmo

Qisadii Saxaabigii Marthad ibnu Marthad

Magaca Allah ayaan ku bilaabaynaa, mahaduna waxay u sugnaatay Allah (S.W.T,) waxaynaan ku sallinaynaa Rasuulkii Muxamed (N.N.K.H), walaalayaal waxaan idinku salaamayaa Salaanta Islaamka Assalaama calaykum wa raxmatullahi wa barakaatuhu.

Walaalayaal marka laga sheekeeyo taariikhdii Saxaabada iyo qisooyinka Nabiyada waxay inoo kordhisaa iimaan iyo ku daysho. Walaalayaal waxaynu ognhay in Nabigeenu (N.N.K.H) uu ahaa mid sifiican u yaqaana xirfadaha saxaabadiisa iyo meelaha ay kusoo baxayaan. Tusaale ahaan  Abubakar iyo Cumar waxay ku wanaagsanaayeen xaga maamulka iyo maareynta, Cabdilaahi ibnu mascuud iyo Mucaad ibnu jabalna waxay ahaayeen kuwo ku takhasusay Quraanka halka Cabdilaahi ibnu Cumar iyo Abuhurayra ay ayaguna takhasuskoodu ahaa Xadiiska Nabiga (N.N.K.H).

Saxaabadaas xirfadaha kala duwan iyo shaqooyinka kala duwan u hayey muslimiinta waxa kamid ah saxaabiga Marthad ibnu Marthad, wuxuuna ahaa nin aad u xoog wayn oo aad u dheereeya sidoo kalena ahaa geesi aan la liicin karayn.

Sidaa awgeed wuxuu Nabigu u adeegsaday inuu soo dhaco dadka Muslimiinta ah ee gaaladii Qureesh ay xabsiga u taxaabaan. Dabcan waxa is waydiin leh muxuu Nabigu usoo dhacayaa dad xabsi ku jir? Sababtu waxa weeye ka jawaab celin ama fal celinta oo gaalada Qureesh waxay dhici jireen degmooyinka Muslimiintu daganaayeen gaar ahaan Madiina sidaas darteed Nabigu waxay kula kacaan ayuu uga jawaab celin jiray isagoon xadgudub la imanayn.

Marthad waxaa loo diray inuu soo dhaco nin Muslima oo ku xidhnaa magaalada Madiina, kadibna waa safray oo wuxuu tagay Makkah kadibna goor habeen ah ayuu fuulay gidaarkii gurigii uu ku jiray saxaabigu, waxaanu isku qariyey hadhka dayaxa dabadeedna waxa si kadis ah u aragtay gabadh jidhkeeda ka ganacsan jirtay oo ay saaxiibo ahaan jireen Marthad lana dhaho Canaaq.

Gabadhii markay aragtay ayey xasuusatay saaxiibtinimadii Marthad ka dhaxayn jirtay waxayna ku tidhi: Marthadoow, kaalay caawa ila hooyo!! Marthad wuxuu dhahay: Canaaqeey Zinadu waa xaaraan, waxay tidhi: hadii aanad soo dagin waan ku kashifayaa, markuu diiday Marthad inoo soo dago oo uu xumaan la yimaado ayey gabadhii qaylisay oo tidhi: reer Qureeshoow, ninkii maxaabiista dhici jiray waa kan!!

Kadibna waa cararay Marthad waxaana soo eryaday sideed nin oo baadi goobaya, wuxuu Marthad galay god ama hog kadibna nimankii intay dushiisa yimaadeen ayey madaxiisa ku kaajeen ayagoon arkayn, waxaana indho tiraya Ilaahay wayna iska noqdeen.

Marthad hawshii loo diray halkii kagamuu hadhin ee dib ayuu u laabtay wuxuuna soo xanbaaray ninkii muslimka ahaa ee xidhnaa, wuxuuna la tagay meel beer ah oo uu xadhkihii kaga furfuray.

Marthad intuu jidka sii socday wuxuu xasuustay saaxiibadii Canaaq oo laga yaabo inuu jeclaa laakiin iminka nin diin leh weeye oo Ilaahay ka cabsanaya, markuu magaaladii Madiina gaadhay ayuu Marthad u tagay Nabiga oo ku dhahay: Rasuulkii Ilaahayoow, arrintaasbaa dhacday ee ii guuri Canaaq!! Nabigu wuxuu yidhi: Maya waa xaaraan, waa zino kadibna waxa soo dagay aayaadka Quraanka ah ee diidaya in la guursado naagaha jidhkooda ka ganacsada ama nimanka xumaanta la yimaada, Allah wuxuu yidhi:

الزَّانِي لَا يَنكِحُ إِلَّا زَانِيَةً أَوْ مُشْرِكَةً وَالزَّانِيَةُ لَا يَنكِحُهَا إِلَّا زَانٍ أَوْ مُشْرِكٌ ۚ وَحُرِّمَ ذَٰلِكَ عَلَى الْمُؤْمِنِينَ ﴿٣

[Zaani ma Guursado waxaan Zaaniyad ahayn, ama Gaal, Zaaniyadna ma Guursato waxaan Zaani ahayn ama Gaal, waana laga Reebay Arrintaas Mu’miniinta.].[1] 


WD: Abdulaziz Mohamed Oogle

[1] Tirmadi (3177) Xaakim (2701)