Tusmo

Saxaabigii Malaa’igtu ay dhaqday.

Dagaalkii Uxud markuu dhamaaday ayaa Nabigu (N.N.K.H) wuxuu baadi goobay saxaabadiisii ku geeriyootay dagaalkaas iyo kuwii ku dhaawacmay, kadibna waxa la helay saxaabiga Xamse ibnu Cabdulmudalib, Muscab ibnu Cumayr, Anas ibnu Nadri, Sacad ibnu Rabiic iyo Xandala ibnu Abucaamir oo ku shahiiday dagaalkan, kadibna Nabigu wuxuu dhahay: Ilaahayoow, kuwan anigaa marag u ah maalinta qayaame. Saxaabada shahiiday waxa kamid ahaa saxaabiga Xandala ibnu Abucaamir oo reer Aws ahaa.

Saxaabigan Xandala wuxuu guursaday gabadh uu dhalay munaafiqii waynaa ee Cabdilaahi ibnu Ubay ibnu Salool oo la dhaho Jamiil bintu Cabdilaahi hase ahaatee ayadu waxay ahayd gabadh saxaabiyad wanaagsan. Habeenkii bari oo kale ay tahay dagaalkii Uxud ayuu la aqal galay kadibna subaxii markii la gaadhay ayaa lagu dhawaaqay dagaalka, markaasuu soo baxay isagoo degdegsan, wuxuuna qabay janaabo kadibna dagaalkii ayuu ku geeriyooday. Markay saxaabadii arkeen maydkiisii ayey waxay hareertiisa ka heleen qoyaan iyo biyo lagu dhaqay maydkiisii, kadibna Nabiga ayaa loo sheegay markaasuu dhahay: Malaa’igtii Rabbi ayaa dhaqday ee bal arrinkiisa soo waydiiya haweenaydiisii.

Haweentiisii Jamiila ayaa tidhi; wuxuu iga soo baxay isagoo janaabo qaba kadibna dagaalka ayuu ku geeriyooday, sidaas darteed ayey malaa’igtii Rabina u maydhay maydkiisii. Waa mid kamid ah karaamadii saxaabigaa Xandala ibnu Abucaamir.

Saxaabadii Ansaarta oo isu faanaya ayaa reer Aws waxay odhan jireen: Anaga waxaa naga mid ah: kay malaa’igtu dhaqday Xandala ibnu Abucaamir, mid carshiga Raxmaanku u gilgilmay Sacad ibnu Mucaad, ku maydkiisii ay shinni difaacday Caasim ibnu Thaabit iyo kii maragiisu u dhigamayey laba nin (Khusayma ibnu Thaabit).

  1. Saxaabiga malaa’igtu u dhaqdayna waa Xandala ibnu Aburaafic ilaahay haka raali ahaadee.
  2. Saxaabiga carshiga raxmaanku u gariiray markuu dhintayna waa Sacad ibnu Mucaad.
  3. Saxaabiga Shinnidu difaacdayna waxa weeye Caasim oo wuxuu ka qaybgalay dagaalkii Badar kadibna gabadha la dhaho Sulaafa ibnu Sacad ayaa ku dhaaratay inay madaxa Caasim ay khamri ku cabto dabadeedna qaab shirqool ah ayaa loo dilay isaga iyo sagaal saxaabi oo uu hogaamiye u ahaa, markay gaaladii dooneen inay madaxa gooyaan ayey shinni meel ay ka timid aan la garanayn ay isku dabooshay jidhkii ninkaas, waxayna dhaheen: galinka danbe ayaan usoo laabanaynaa, markay soo laabteenba waxay heleen maydkii oo daad meel uu ka yimid la garanayn uu qaaday, sidaas ayuu Ilaahy ku badbaadiyey jidhkii Caasim ibnu Thaabit.
  4. Saxaabiga markhaatigiisu labada ni u dhigmayeyna wuxuu ahaa Khusayma ibnu Thaabit oo waxa la sheegaa inuu nabigu ka iibsaday Faras ninka la dhaho Sawa ibnu Qays kadibna wuu dafiray dabadeedna waxa u marag kacay nabiga saxaabigan kolkaasbuu nabigu ku dhahay: maxaa kugu kallifay inaad markhaati ka noqoto waxaanad ila joogin markaasuu yidhi Khusayma: Rasuulkii Ilaahayoow waxaan ogaaday in wax kasta ood la timid uu yahay xaq waxaanan gartay inaad adigu run sheegaysid, markaasuu nabigu ku dhahay: cidii Khusayma u markhaati kaco way ku filantahay, sidaas awgeed ayaa maragiisa looga dhiga mid u dhigama laba qof.