Tusmo

Cabdilaahi ibnu Xudaafah

Saxaabiga la dhaho Cabdilaahi ibnu Xudaafah (I.R.H) wuxuu ahaa saxaabigii geesiga ahaa ee ka yaabiyey Boqortooyadii Roomaanka, sababtuna waxay ahayd Cumar ibnu Khadaab ayaa ciidan u diray Roomaanka, kadibna waxay xidheen Cabdilaahi ibnu Xudaafah iyo saxaabo kale.

Waxa loo geeyey Cabdilaahi Boqorkii Roomaanka, waxaana loo sheegay inuu yahay saxaabadii Nabi Muxmaed, kolkaasuu gaalkii ku dhahay: Ma noqonaysaa Kiristan waxaana kaa qaybgalinayaa boqortooyadayda iyo Saladanadayda? Wuxuu yidhi: hadaad isiiso waxaad hanti leedhay iyo waxay hanti carabtu leedahay inaan ka laabto diinta Muxamed hal ilbidhiqsi ma sameeyeen!! Wuxuu yidhi: Hadaba waan ku dilayaa? Wuxuu dhahay Cabdilahi: Adigay taasi ku jirtaa.

Boqorkii gaaleed wuxuu faray inuu salbiyo, wuxuuna ku dhahay kuwii falaadhaha ku ganayey: leebabka kaga gana gacmihiisa iyo lugihiisa agtooda si loo cabsi galaiyo, wayna faleen sidiis balse Cabdilaahi waa diiday inuu Diintiisa badalo marnaba.

Dabadeedna wuxuu soo qaaday weel biyo ku jiraan waanu karkariyey illamaa ay ka kululaadeen, markaasuu u yeedhay nin kamid ah dadkii xidhnaa wuxuuna u bandhigay Kiristaanimo hase ahaate waa diiday kadibna intay qabteen ayey ku tuureen oo wuu ku gubtay halkaas sidaasbanu ku shahaado qaatay Ilaahay ha u naxariistee.

Markuu dhintay saxaabigii ayuu Cabdilaahi ooyey, markaasbay isku dhaheen: waa ooyey!! waxay u maleeyeen inuu argagaxsanyahay, waxayna dhaheen: ku laabta oo u bandhiga Kiristaanimada! Cabdilaahina waa diiday markaasay ku dhaheen: maxaa kaa oohiyey? Wuxuu yidhi: waxaan la ooyey, waxaan ku dhahay naftayda; bal kawaran intay kugu tuuraan digsigan kulul ayaa dar Ilaahay u dhimanaysaa, waxaanan jeclaan lahaa inay igu jirto nafo gaadhaya tirada timahayga oo mid kasta loo dilo dar Ilaahay (S.W.T).

Gaalkii Boqorka ahaa wuxuu yidhi: Madaxyga dhunko, waan ku sii daynayaaye, wuxuu yidhi Cabdulaahi: Aniga iyo dhamaan muslimiinta keleba? Wuxuu dhahay: Haa, adiga iyo dhamaan muslimiinta kaleba.

Cabdilaahi wuxuu ku dhahay naftiisa: cadaw kamid ah cadwga Ilaahay ayaad madaxiisa dhunkataa ood ku furataa dhamaan muslimiinta xidhan, waxaan dhahayna; waxba maleh.

Cabdilaahi ninkii gaalka ahaa ayuu dhunkaday, waxaanu usii daayey dhamaan Muslimiintii la xidhnaa, wuxuna yimid Madiina oo warkiisii ayaa loo sheegay Cumar ibnu Khadaab kolkaasbuu dhahay: Waxa ku waajib ah qofkasta oo muslim ah inuu dhunkado madaxa Cabdilaahi ibnu Xudaafa, anigaana ugu hor bilaabaya.


Xigasho: Bayhaqi iyo Ibnu Casaakir.