Bismillah, walaalayaal waxaan idiin soo gudbin doonaa sheekooyin xikmad iyo qosolba iskugu jira oo dadku aad u jeclaystaan, waxaanan qisooyinka ugu talo galnay inaad farxada Islaamka nala qaybsataan iyo inaan idiinka faa’idayno xikmadihii dadkii hore ee wanaagsanaa.

Tusmo

Qisada 1 aad (xoolihii la waayey)

Waxa laga soo wariyaa Imaamkii waynaa ee Abuxaniifa ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee inuu nin u yimid oo uu waydiiyey su’aal cajiiba, wuxuu yidhi; Imaamoow, waxaan lacagtaydii ku aasay dhulka kadibna waan waayey meeshaan ku aasay, waanan baadhay illaa iyo mudo manaan helin ee ii sheeg shiikhoow xagay lacagtaasi taalo? Abuxaniifa wuxuu dhahay; su’aashani maaha mid la waydiiyo culumada fiqiga!! Kadibna imaamkii Abuxaniifa mudo ayuu fakaray, wuxuuna ninkii ku yidhi; saw doonimaysid inaad hesho lacagtaadii, waa inaad tukataa salaad caawa illaa inta qorraxdu kasoo baxayso.

Ninkii waa baxay oo bilaabay inuu tukado salaadii hase ahaatee markuu dhawr rakcadood tukaday ayuu ninkii xasuustay meeshu ku aasay lacagtii kadibna intuu salaadii ka baxay ayuu soo saartay lacagtii. Subaxii ayuu wadaadkii uyimid oo yidhi; Imaamoow, ilaahay khayr haku siiyo sidaad ku garatay inaan lacagta helayo? Wuxuu yidhi; waxaan ogaa inaanu Shaydaanku salaad intaas la eeg kuu ogolaanayn markaasu ku xasuusinayaa si uu kaaga mashquuliyo salaada Ilaahay. 🙂

Qisada 2 aad (gabadhii xikmada lahayd)

Cumar ibnu Khadaab ilaahay raali haka ahaadee wuxuu fuulay minbarkii masaajidka wuxuuna go’aamiyey inaan maherka dumarka aan laga badinin Afar boqol oo dirham sababtoo ah nabigu kamuu badinin maherka haweenkiisii. Markuu Amiirkii mu’miniintu ka dagay minbarkii ayey gabadh muslimad ah oo xikmad badan ayaa tidhi; amiirkii mu’miniintoow ma waxaad go’aamisay inaan maherka laga badinin Afarboqol? Cumarna haa ayuu dhahay. Waxay tidhi gabadhii; sideebay u noqonaysaa sidaas amiirkii mu’miniintoow, miyaanad maqal aayada Quraanka (وآتيتم إحداهن قنطارا) (ood midkood siisaan Qindaar) Qindaar macnaheedu waa xoolo badan oo aan xadidnayn. Cumar wuxuu yidhi; dadkoo dhan way ka fiqihi wanaagsanyihiin Cumar kadibna minbarkii ayuu fuulay isagoo faray dadkii inay bixiyaan waxay doonaan.

Qisada 3 aad (Ibliis hadii naar laga abuuray maxaa naar loogu cadaabi?)

Nin dadka murma kamida ayaa usoo galay Imaam Shaafici markaasuu waydiiyey; Imaamoow hadii Ibliis laga abuuray naar maxaa naar loogu cadaabayaa?? Imaam Shaafici intuu fakaray ayuu soo qaatay dhoobo yar markaasuu ninkii ku dhuftay, wuxuuna ku yidhi wax ma ku yeeshay? ninkii wuxuu yidhi; haa. Markaasuu Imaam Shaafici yidhi; maxay wax kuu yeeshay dhoobadu miyaanad adigu dhoobo ahayn?!!:) ninkii intuu fahmay qasdigiisa ayuu dhaqaaqay.

Qisadii 4 aad (heesuhu ma xaaranbaa?)

waxa laga wariyaa ibnu Cabaad ilaahay raali haka ahaadee inuu nin u yimid kuna dhahay; Imaamow, heesuhu ma xaaranbaa mise waa xalaal? Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi; Anigu wixii Ilaahay xalaalaysiiyo waan xalaalaysiin sidoo kalena wixii Allah xaaraansiiyona waan xaaransiin ee waxaan ku waydiiyey marka maalinta qayaame laguu miisaamo xasanaadkaaga iyo xumaantaada kafadeebay tagaysaa heesuhu? ma kafada wanaagyada mise kafada xumaanta? ninkii wuxuu yidhi; kafada xumaanta. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi; naftaada waad u fatwootay.

Qisada 5 aad (madaxwayne iyo wadaad qaadiya)

Nin khaliif ahaa ayaa wuxuu doonay inuu dawladiisa u magacaabo qaadiga guud ee dalka wuxuuna rabay inuu booskaas geeyo nin wanaagsan oo dadku ku qancaan hase ahaatee culumada muslimiintu way ka warwareegaan booskaas ayagoo u arka inay tahay boos lagu fitnoobi karo kadibna khaliifkii ayaa ku qasbay ninkii wadaadka ahaa inuu qabto jagadaa balse wadaadkii ayaa dhahahy; khaliifoow kuma habooni booskaas mana aqaano! Khaliifkiibaa yidhi; beenbaad sheegaysaa!! Wadaadkiibaa wuxuu dhahay; hadaan run sheegayo waan kuu sheegay inaan aqoon u lahayn jagada aad ii magacawday hadaan beenaale ahayna ma waxaad Umada u magacaabaysaa ruux beenaale ah!!

Qisada 6 aad (Gabadh ku umushay 6 bilood)

Gabadhbaa la aroostay waxayna umushay 6 bilood oo kaliya markii la qabay, markaasay dadkii umaleeyeen in gabadhu ay khiyaantay ninkeeda sababtoo ah sida badan dumarku waxay ku umulaan 9 bilood ama 7 bilood. Dabadeedna gabadhii ayaa loo sheegay khaliifkii Cusmaan ibnu Cafaan hase ahaatee Imaam Cali ayaa yidhi; waa suurtogal inay gabadh ku dhasho 6 bilood oo kaliya. Wuxuu yidhi; Ilaahay wuxuu dhahay; (وحمله وفصاله ثلاثون شهرا) (Sididiisa iyo naas nuujintiisu waa sodon bilood) (macnaha aayadu waxa weeye intuu ilmuhu uurka hooyadii ku jiro iyo inta la nuujinayo naaska hooyada waa sodon bilood halka Ilaahay aayad kale uu ku yidhi; (والوالدات يرضعن أولادهن حولين كاملين) (hooyooyinku ha nuujiyaan ubadkooda laba sanadood). Sidaas awgeed labada sano waa Afar iyo labaatan bilood waxaanad ka jartaa Sodonkii bilood: 30-24=6 markaa waa suurta gal inay gabadhu ku dhashay ilmaha 6 bilood oo kaliya.

Qisada 7 aad (Suaal aad u adag)

Nin oday ah ayaa u tagay Imaamka Shaafici ilaahay ha unaxariistee wuxuuna ku yidhi; waa maxay daliilka diinta Islaamku? wuxuu yidhi; waa Quraanka, wuxuu yidhi; yaa ku xiga? wuxuu yidhi; Sunnada Nabiga. Wuxuu yidhi; maxaa ku xiga? wuxuu yidhi; waxay Umadu isku raacdo. Wuxuu yidhi; maxaa u daliila in Umadu waxay isku raacdo yahay daliil? Imaam Shaafici wuxuu yidhi; waqti isii aan soo baadhee, kadibna sadex casho ayu baadhayey Quraanka markaasuu helay daliilkii wuxuuna yidhi Ilaahaybaa dhahay; {ومن يشاقق الرسول من بعد ما تبين له الهدى ويتبع غير سبيل المؤمنين نوفه ما تولى ونصله جهنم وساءت مصيرا} {Ruuxii Khilaafa Rassulka ka dib intuu u cadaaday Hanuunku oo Raaca Jidka Mu’miniinta midaan ahayn waxaa uga wali yeeleynaa wuxuu yeeshay waxaana galinaynaa Jahannamo iyadaana u Xun meel loo ahaado.}

Qisada 8 aad (markii Xuseen la dilayey maxaa loo badbaadinwaayey)

Ilaahay ha u nxariistee Shiikhii waynaa ee Axmed deedat wuxuu ka sheekeeyey qiso cajiiba oo ka dhacday wadanka Hindiya, wuxuu yidhi; markii Ingiriisku qabsaday Hindiya ayuu soo kaxeeyey baadariyayaal faafinaya Kiristaanka ayagood moodo sida yaxa kadibna waxay bilaabeen inay doodo la galaan muslimiinta Hindiya dabadeedna maalin ayey la galeen dood nin wadaad ahaa waxaana yimid goobtaas dad aad u fara badan, Ninkii baadariga ahaa ku bilaabay doodiisii su’aalo wuxuuna yidhi; wadaadow mee Muxamed nabigaagu? miyaanu dhiman oo uuna xabaal ku jirin? ninkiibaa yidhi; haa, wuxuu geeriyooday laakiin anagu waxaan rumaysanahay in ruuxdiisu ay jogto rafiiqilaclaa. Baadarigii ayaa dhahay; haduu joogo rafiiqilaclaa, miyuu joogay markii lagu dilayey wiilkiisa Xuseen Karbala? haduuba xitaa uu joogay halkaas muxuu u waydiisan waayey ilaahay inuu wiilka uu awoowga u yahay uu difaaco? Wadaadkii wuuu aamusay waanu jawaabi waayey, dadkii waxay u maleeyeen in wadaadkii laga badiyey doodii, markaasuu gaalkii baadariga ahaana lugta dhulka ku garaacay isagoo leh waar hadaldee? sheeg muxuu u waydiisanwaayey Muxamed in la badbaadiyo wiilkiisa Xuseen? Wadaadkii ayaa kacay oo dhahay; Muxamed wuu waydiistay, markaasuu ooyey Ilaahay!! Ninkiibaa qayliyey oo dhahay; sideebay ku dhacday inuu Ilaahay ooyo? wuxuu yidhi Wadaadkii: Wuxuu dhahay ilaahay sidaan u badbaadiyaa muxamdoow wiilkaaga xuseen waxaan badbaadin kariwaayey wiilkaygii kaliya ee aan dhalaye markay salbiyeen. SubxaanAllah, sidaasbay ku dhamaatay doodiina.