Qiso Cajiiba saxaabiga Xabiib ibnu Sayid

Magac Ilaahaybaan ku bilaabaynaa, waxaanan uga mahad celinaynaa nimcooyinka uu Ilaahay inagu galladaystay oo dhan, sidoo kalena waxaan ku sallinaynaa Nabigeena Muxamed (N.N.K.H).

Walaalayaal ruuxa Muslimka ah hadafkiisu waa inuu ku guulaysto naxariista Ilaahay iyo Jannooyinkiisa waaweyn, hadaba sida lagu gaadho hammigaa wayn waa in naf iyo xoolaba loo huraa si loo xaqiijiyo riyadaas. Walaalayaal waxaynu soo qaadanaynaa geesinimadii mid kamid ah saxaabadii Rasuulka (N.N.K.H) waa saxaabiga Xabiib ibnu Sayid oo ka mid ahaa saxaabadii ka qayb gashay heshiiskii ama baycadii labaad ee (Al-Caqaba ), waxa kale oo ka qaybqaatay heshiiskaas aabihii iyo hooyadii (I.R.H).

Walaalayaal sanadkii 10 aad ee Hijrada Nabiga ayaa waxa kasoo baxay deegaanka Yamaama (Riyaad) nin sheegtay Nabinimo waa Musaylama Al-kadaab, ninkaas oo warqad u diray Nabi Muxamed (N.N.K.H) isagoo leh;

“من مسيلمة رسول الله، الى محمد رسول الله.. سلام عليك.. أم بعد، فاني قد أشركت في الأمر معك، وان لنا نصف الأرض، ولقريش نصفها، ولكنّ قريشا قوم يعتدون”

“ka timi Musaylama oo ah Rasuul kuna socota Muxamed oo ah Rasuulkii Ilaahay, Nabadgalyo korkaaga ha ahaato, intaa kadib arrinka (nabinimada) waa laygala kaa qaybgaliyey, ee Dhulka badh anigaa leh, reer Qureeshna badhka kale ayuu leeyahay, laakiin reer Qureesh ayaa xadgudbaya.”

Warqadani markay Nabiga soo gaadhay ayuu faray saxaabadiisii inay Musaylama u qoraan warqad loogu jawaabayo, qoraalka warqaduna sidan ayuu ahaa:-

بسم الله الرحمن الرحيم من محمد رسول الله، الى مسيلمة الكذاب. السلام على من اتبع الهدى..أما بعد، فان الأرض لله يورثها من يشاء من عباده، والعاقبة للمتقين  

<< Magaca Ilaahay ayaan ku bilaabaynaa, kasocota Muxamed oo ah Rasuulkii Ilaahay kuna socota Musaylama Al-Kadaab (Beenaale), Nabadgalyo korkiisa ha ahaato cidii raacda hanuunka, intaa wixii ka danbeeya Dhulka waxa iska leh Ilaahay wuxuuna dhaxalsiiyaa adoomihiisa ciduu doono, cidhibdanbeedkana waxa iska leh kuwa Ilaahay ka dhawrsada>>

Nabigu (N.N.K.H) markuu qoray warqadan ayuu u doonay inuu u dhiibo warqada mid ka mid ah dhalinyarada saxaabadiisa, wuxuuna doortay saxaabiga Xaiib ibnu Sayid (I.R.H).

Xabiib waa qaaday warqadii wuxuuna u geeyey ninkii Musaylama, isla markuu akhriyey ayuu cadhooday oo giir ka kacay markaasuu Xabiib warsaday oo waydiiyey inuu rumaysanyahay Nabi Muxamed (N.N.K.H), Xabiibna wuxuu u sheegay inuu rumaysanyahay nabi Muxamed, kolkaasuu Musaylama cadhooday oo waydiiyey inuu isagana u rumaysanyahay Nabinimo!! Xabiib wuxuu dhahay: “Kumaan maqlin!!” Musaylama wuxuu mooday inaanu Xabiib su’aasha maqlin waana ku celiyey isla waydiintii:- Ma i rumaysantahay inaan aniguna sida Muxamed oo kale ahay Nabi? Xabiib (I.R.H) wuxuu yidhi: “Kuma maqlin!!”

Ninkii beenaale ahaa ee Musaylama oo isla han waynaa oo waliba taageerayaashiisii hor tubanyihiin ayaa ku fashilmay goobtii, markaas intuu cadhooday ayuu faray ciidankiisii inay warma ama seefo ka taagaan Xabiib, wayna dhaawaceen. Hadana ninkii Musaylama isla waydiintii ayuu waydiiyey, Xabiibna sidii hore oo kale ayuu u jawaaabay.

Musaylama wuxuu faray ciidankiisii in carrabka laga jaro Xabiib, wayna ka jareen dabadeedna wuxuu waydiiyey inuu nabinimo u rumaysanyahay Muxamed (N.N.K.H)? Xabiib madaxa ayuu ruxay isagoo leh “Haa” markaasuu Musaylama hadana waydiiyey: Anigana sow ima rumaysnid? Xabiib madaxa ayuu ka jeediyey isagoo leh “Maya, kuuma rumaysni nabinimo.”

Musaylama intuu cadhooday oo ciilkaanbiyey ayuu faray ciidankiisii inay dilaan oo googooyaan hilibkkiisa kadibna ay gubaan maydkiisa. SubxaanaAllah wayna sameeyeen sidii la faray. Sidaasbuuna ku shahaado qaatay saxaabigaa geesiga ah ee naftiisa u huray diintiisa iyo Rasuulkiisa Muxamed (N.N.K.H)


WD: Sh. Abdulaziz Mohamed Oogle

Xigasho: Tafsiirka Ibnu Kathiir, Musanafka Ibnu Abi Sahybah, Maraasiil Abu-daawuud.