Tusmo

Qisadii Saxaabigii cabay caanihii nabiga (scw).

Saxaabiga Miqdaad ibnu Al-aswad Ilaahay raali haka ahaadee wuxuu ahaa saxaabadii ugu hor islaamtay, wuxuuna ahaa saxaabii kaliya ee ku dagaalamayey faraska dagaalkii Badar.

Hadaba saxaabigan wuxuu ka sheekeeyey qiso cajiiba oo ku dhacday xilligii nabiga (scw) wuxuuna yidhi: Aniga iyo laba saaxiibadayda ah ayaa nimid masaajidka, ayadoo ay indhaha iyo dhagahaba ay nagala tagtay gaajadii, markaasaan isu bandhignay saxaabadii nabiga, bal hadii ay ku jiraan cid na kaxaysata oo cunto nasoo siisa. Wuxuu yidhi: Cidba way na kaxaynwayday, kadibna waxaan u tagnay Rasuulkii Ilaahay (scw), markaasuu na kaxeeyey oo na geeyey gurigiisii. Gurigiisana waxa joogay sadex riyaad (ceesaamo), markaasuu nagu dhahay:  Riyahan inoo maala oo afarteenaas ayaa caanaa iska leh, kadibna waanu lisanay caanihii oo cabnay, nabigana qaybtiisii ayaan u dhignay.

Wuxuuna ahaa nabigu (scw) mid yimaada xilliga habeenku soo galo oo wuuna na salaami jiray salaan uu maqlayo qofka soo jeeda sidoo kalena aan kicinaynin dadka hurda. Kadibna masaajidka ayuu tagi jiray si uu usoo tukado salaada, kolkuu soo noqdana wuxuu cabi jiray caanihii aan u dhigay.

Dabadeedna maalin ayaa shaydaankii ii yimid oo igu dhahay; Muxamed wuxuu leeyahay saxaabo badan oo cunto iyo caanaba ka dharginayee ee iska cab caanahiisa, waanan cabay. Markaan caanihii ka dhargay ayaan is dhahay, bal hada seexo!! , laakiin waan seexan kari waayey. Kadibna  shaydaankii ayaa ii yimid oo igu dhahay; caawa ayey kuugu darantahay, iminka ayuu Muxamed imanaya oo markuu caanaha waayo ayuu ku habaaraya, markaasaad khasaaraysaa Aduun iyo Aakhiraba.

Nabigii Ilaahay (scw) ayaa yimid markaasuu fiiriyey weelkii caanuhu ku jireen, mise wuu madhanyahay, kadibna gacmaha ayuu sare u taagay, markaasaan isku dhahay; waa taas oo waa lagu habaarayaa, balse waxaan maqlay nabiga oo leh: Ilaahayoow quudi cida nasoo quudisa, Ilaahayoow waraabi cida na waraabisa.

Kadibna intaan booday ayaan doonay inaan soo gawraco mid kamid riyihii, hase ahaatee waxaan si kadis u arkay in sadexdii riyoodba ay dararsanyihiin oo caano leeyihiin. Markaasaan soo qaaday weel wayn oo reer Muxamed aanay waligoood caana ku shubanin, dabadeedna caanihii ayaa xooriyey (xunbeeyey), waxaanan hor dhigay nabiga oon ku dhahay; Cab rasuulkii Ilaahayoow, markaasuu cabay, hadana waxaan idhi; cab rasuulkii Ilaahayoow, hadana wuu cabay markaasuu dharagay, kadibna aniga ayaa cabay.

Wuxuu yidhi: Markaan dhargay ayaan fadhiistay anigoo qoslayaa, markaasuu igu yidhi; maxaad sameysay Miqdaadow? kolkaasbaan uga sheekeeyey wixii aan ku kacay iyo wixii shaydaanku iigu sheekeeyeyba.

Rasuulku wuxuu dhahay; taasi waa raxmad xaga Ilaahay ka ahaatay, ee maxaad labadaaada saaxiib u kicin wayday haynala cabaane, wuxuu yidhi Miqdaad: waxba igama galin dadka kale, hadaad cabtay oo aniguna aan cabay sidoo kalena ducadii i asiibtay.

Xadiisakana waxa soo saaray imaam Muslim: 2055

عن المقداد قال أقبلت أنا وصاحبان لي وقد ذهبت أسماعنا وأبصارنا من الجهد فجعلنا نعرض أنفسنا على أصحاب رسول الله صلى الله عليه وسلم فليس أحد منهم يقبلنا فأتينا النبي صلى الله عليه وسلم فانطلق بنا إلى أهله فإذا ثلاثة أعنز فقال النبي صلى الله عليه وسلم احتلبوا هذا اللبن بيننا قال فكنا نحتلب فيشرب كل إنسان منا نصيبه ونرفع للنبي صلى الله عليه وسلم نصيبه قال فيجيء من الليل فيسلم تسليما لا يوقظ نائما ويسمع اليقظان قال ثم يأتي المسجد فيصلي ثم يأتي شرابه فيشرب فأتاني الشيطان ذات ليلة وقد شربت نصيبي فقال محمد يأتي الأنصار فيتحفونه ويصيب عندهم ما به حاجة إلى هذه الجرعة فأتيتها فشربتها فلما أن وغلت في بطني وعلمت أنه ليس إليها سبيل قال ندمني الشيطان فقال ويحك ما صنعت أشربت شراب محمد فيجيء فلا يجده فيدعو عليك فتهلك فتذهب دنياك وآخرتك وعلي شملة إذا وضعتها على قدمي خرج رأسي وإذا وضعتها على رأسي خرج قدماي وجعل لا يجيئني النوم وأما صاحباي فناما ولم يصنعا ما صنعت قال فجاء النبي صلى الله عليه وسلم فسلم كما كان يسلم ثم أتى المسجد فصلى ثم أتى شرابه فكشف عنه فلم يجد فيه شيئا فرفع رأسه إلى السماء فقلت الآن يدعو علي فأهلك فقال اللهم أطعم من أطعمني وأسق من أسقاني قال فعمدت إلى الشملة فشددتها علي وأخذت الشفرة فانطلقت إلى الأعنز أيها أسمن فأذبحها لرسول الله صلى الله عليه وسلم فإذا هي حافلة وإذا هن حفل كلهن فعمدت إلى إناء لآل محمد صلى الله عليه وسلم ما كانوا يطمعون أن يحتلبوا فيه قال فحلبت فيه حتى علته رغوة فجئت إلى رسول الله صلى الله عليه وسلم فقال أشربتم شرابكم الليلة قال قلت يا رسول الله اشرب فشرب ثم ناولني فقلت يا رسول الله اشرب فشرب ثم ناولني فلما عرفت أن النبي صلى الله عليه وسلم قد روي وأصبت دعوته ضحكت حتى ألقيت إلى الأرض قال فقال النبي صلى الله عليه وسلم إحدى سوآتك يا مقداد فقلت يا رسول الله كان من أمري كذا وكذا وفعلت كذا فقال النبي صلى الله عليه وسلم ما هذه إلا رحمة من الله أفلا كنت آذنتني فنوقظ صاحبينا فيصيبان منها قال فقلت والذي بعثك بالحق ما أبالي إذا أصبتها وأصبتها معك من أصابها من الناس
Waxa laga wariyey Miqdaad inuu yidhi: waxa yimid aniga iyo laba saaxiib oon lahaa, waxaana la tagay maqalkayagii iyo indhahayagiiba gaajo, markaasaan isu bandhignay saxaabadii Rasuulka (scw), mise mid kamid ahiba nama aqbalin, markaasaan u nimid nabiga (scw), wuxuuna nala aaday xaga reerkiisa, waxaana halkaa joogay sadex riyood, markaasuu nagu dhahay Rasuulku (scw): inoo lisa caanahan inaga. Wuxuu yidhi Miqdaad: waanu lisi jirnay oon cabi jirnay midkasta oo naga mid ah anaga, waxaanan u dhigi jirnay qaybtiisa Rasuulka (scw), wuxuu yidhi; habeenkii ayuuna iman jiray isagoo salaamaya salaan aan kicinaynin ku hurda, uuna maqlayo ku soo jeeda, markaasuu tagayey Masaajidka oo u tukanayey markaasuu soo noqon jiray oo uu cabi jiary. Waxaana ii yimid Shaydaankii habeen, anigoo cabay qaybtaydii, wuxuuna igu dhahay: Muxamed wuxuu aadayaa Ansaarta oo way marti qaadayaan, wuuna la cunayaa, umana baahna koobkan caanaha, markaasaan u tagay (weelkii) oon cabay caanihii, markii ay calooshayda gashay ee aan ogaaday inaan wado lagu soo celiyaa jirin, ayuu shaydaankii i murugaysiiyey, wuxuu yidhi: waar shalaytadaadee, ma waxaad cabtay caanihii Muxamed? wuu imanaya oo uu waayayaa caanihii oo kolkaasna wuu ku habaarayaa, markaasaad halaagmaysaa oo Aduunkaagii iyo Aakhiradaadiiba dhamaanaysaa, waxaanan sitay go’ , hadii aan ku daboolo lugahayga waxa muuqanayey madaxayga, hadaan ku daboolo wajigaygana waxa muuqanayey lugahayga, wuxuu yidhi: habeenkii ilbaan isku qaban waayey, labadaydii saaxiibna way hurdaan, manaysan la iman wixii aan sameeyey. Wuxuu yidhi: Nabigii ayaa yimid, markaasuu salaamay sidii u usalaami jiray, markaasuu aaday Masaajidka, wuuna soo tukaday markaasuu qabtay xaga cabitaankiisii oo daboolka ka qaaday, waxna wuu ka waayey, markaasuu madaxiisa xaga samada u qaaday, markaasbaan idhi: iminka ayuu ku habaarayaa ood halaagsamaysaa, markaasuu dhahay: Ilaahayow cunto sii cida cunto nasiisa, Ilaahayoow cabitaan sii cida cabitaan nasiisa, wuxuu yidhi: waxaan qabsaday go’ii oon giijistay, waxaanan qaatay mindi oon aaday xaga riyihii, oon fiiriyey teebaa shilis (cayilan/buuran) aan u qalo Rasuulka Ilaahaye (scw), mise wayba dararsantahay (caano ayaa ka buuxa), waxaanan aaday weel uu lahaa reer Muxamed oo  aanay waxba ku cuni jirin kuna maalin jirin, wuxuu yidhi; waan lisay, illamaayo ay ka buuxsantay xoorkii (xunbadii caanaha), markaasaan u tagay Rasuulkii Ilaahay (scw) oon ku dhahay; ma cabteen cabitaankiina caawa? wuxuu yidhi: waxaan idhi Rasulkii Ilaahayow cab, wuuna cabay oo ii dhiibay, hadana waxaan idhi cab Rasuulkii Ilaahayow, wuuna cabay oo hadana ii dhiibay, markaan ogaaday inuu nabigu cabay oo dharagay oo aan helayna ducadii nabiga (scw), ayaan qoslay oon isku tuuray dhulka, markaasuu nabigu dhahay; ma mid kamid ah xumaanahaagiibaa Miqdaadow? waxaan ku dhahay: Arrinku sidaas iyo sidaas ayuu ahaa, waxaanan sameeyey sidaas iyo sidaas. Markaasuu nabigu (scw) dhahay: waa mid kamid ah raxmadii Ilaahay, ee bal maad ii ogolaatid aan kicino saaxibadaa ha inala cabaane, wuxuu yidhi: waxaan dhahay; Ilaahii xaqa kugu soo saaraan ku dhaartee, waxba igama galin dadka kale hadaad cabtay oon aniguna cabay.


Waxa qoray Sheekh Abdulaziz Oogle