Qisadii Ninka Gaalka ah iyo Ninka Mu’minka ah:

Waxa jiray laba nin oo reer banu-israa’iil ahaa, waxay ahaayeen shuraako balse mid wuxuu ahaa Mu’min halka ka kale ahaa Gaal. Labada Nin waxay wada yeesheen lacag dhan Lix kun oo Diinaar, kadibna way kala qaybsadeen oo waxay u kala heleen nin walba sadex kun oo Dirham. Mudo markay soo wareegtay ayay is arkeen labadii nin markaasuu Ninkii gaalka ahaa ku dhahay Mu’minkii: Maxaad lacagtaadii ku samaysay? Wuxuu yidhi: Waxba ee adigu maxaad ku qabsatay xoolihii? Gaalkii wuxuu yidhi: waxaan ku iibsaday Kun diinaar Beer ay ka baxaan Timir iyo Midho lehna wabi.

Dabadeedna Mu’minkii ayaa habeenkii salaad tukaday wuxuuna baryey Allah oo dhahay; Ilaahayoow, ninkii gaalka ahaa ee aanu saaxibada ahayn wuxuu iibsaday beer wabi leh oo ay ka baxaan Timir iyo Midho oo uu ka dhimanayo ee anigu waxaan kaaga iibsaday Kun diinaar Beer wabi leh oo ay kabaxaan Timir iyo Midho oo ku taalada Jannada. Subxii ayuu xoolihiisii Kun diinaar ka bixiyey oo uu siiyey masaakiinta.

Mudo kadib ayaa ninkii gaalka ahaa hadana la kulmay ninkii Mu’minka ahaa wuxuuna ku dhahhay: Xoolahaagii maxaad samaysay? Wuxuu dhahay: waxab ee adigu maxaad ku qabsatay? Wuxuu yidhi: Kun diinaar ayaan kusoo iibsaday Adoomo ii adeega. Sidoo kale ayaa ninkii Mu’minka ahaa wuxuu kacay habeenkii oo waa tukadaya wuxuuna dhahay: Ilaahayow, saaxibkay wuxuu iibsaday Adoomo ee aniguna waxaan ku waydiistay Adoomo iigu adeega Jannada, waxaanu sadaqaysatay Kun diinaar oo kale.

Mudo kale kadib ayaa ninkii gaalka ahaa la kulmay Mu’minkii oo ku dhahay: Xoolihii maxaad ku qabsatay? Wuxuu dhahay: Waxba ee adigu maxaad ku iibsatay? Wuxuu yidhi: waxaan maqlay in ninkii hebel dhintay kadibna naagtiisii ayaan ku guursady Kun diinaar iyo mid kale. Sidii oo kale ayuu ninkii Muslimka ahaa habeenkii tukaday wuxuu yidhi; Ilaahayoow, ninkii aanu saaxiibxada ahayn wuxuu ku guursaday Kun diinaar gabadh aduunyo ee anigu waxaan ku waydiisay gabadh xuural-cayn ah oo Jannada degan, waxaanu sadaqaystay Kunkii ugu danbeeyey xoolihiisii.

Ninkii Mu’minka ahaa wuxuu ku shaqaysan jiray shaqo xammaal oo tuurta ayuu alaabo ku qaadi jiray oo uu kasoo saari jiray nolol maalmeedkiisa, maalintii danbe ayaa ninbaa u yimid oo ka shaqaysiiyey Fardihiisa wuxuuna ku dhahay: Fardahan ayaa daajinaysaa oo aad darbinaysaa, hase ahaatee ninka Fardaha lahaa subx kasta wuxuu fuuli jiray fardihiisa, haduu arko fardaha mid kamid ah oo caato ah inta uu madaxiisa ciijiyo ayuu ku dhihi jiray: xalay waxaad cuntay qamandidii faraska!!

Markuu ninkii arkay adayga ninkii u shaqaynayey ayuu isku dhahay: waxaan u tagayaa saaxiibkaygii gaalka ahaa aan u shaqeeyo oo ha isiiyo nololmaalmeedkayga hana iga badalo dharkan baaliyoobay.

Ninkii waa soo baxay wuxuuna yimid qasrigii ninkii gaalka ahaa, waxaan joojiyay ilaaladii qasriga wuxuuna dhahay: ninka qasrigan iska leh waanu is naqaanaa haduu i arkana wuu farxayaa ee iigu yeedh. Ilaaladii qasriga ayaa u yeedhay gaalkii oo faras saaran markaasuu gartay ninka ay saaxiibada ahaayeen kolkaasuu salaamay oo waydiiyey sababta keentay halkan. Wuxuu dhahay: waxaan rabaa inaad i shaqo galiso oo aad isiiso nololmaalmeedkayga iyo inaad iga badash dharkan baaliyoobay.

Ninkii gaalka ahaa ayaa yidhi: meeye xoolahaagii?? Wuxuu dhahay Mu’minkii: waxaan amaahiyey ku ii oofinaaya!! Wuxuu yidhi: waa kuma? Wuux dhahay: waa Allah oo ah Rabigay. Gaalkii wuxuu dhahay: Miyaad rumaysanaysaa?? Ma markaan dhimano ee aan ciid iyo lafo noqono ayaa layna soo saarayaa?? Markaasuu gaalkii iskaga tagay. Ninkii Mu’minka ahaana aduunyada ayuu ku noolaa nolol adag halka gaalkii ku noolaa nolosha ugu wanaagsan.

Maalinta Qayaame ayaa Allah galiyey ninkii Mu’minka ahaa Jannada, waxaan la siiyey Beer wabi leh oo Timir iyo Midho ka baxaan oo ku taala Jannada, markaasuu dhahay: SubxaanAllah, oo ma camalkaygii ayaa ii jaray waxaan oo dhan. Hadana waxa la sii marinayaa Adoomo badan oo ugu adeegaya Jannada oo la dhahayaa; Adigaa iska leh, wuxuuna odhanayaa: SubxaanAllah, oo ma camalkaygii ayaa ii gooyey waxaan oo dhan. Hadana waxa la hormarinayaa Guri ka samaysan Jawharad iyo Marajaan oo ay ku jirto xuurul-cayn nuuraysa waxaana la dhahayaa: waa xaaskaagii Jannada wuxuuna odhanayaa, SubxaanAllah, oo ma camalkaygii ayaa ii gooyey waxaan oo nicmo ah.

Kadibna wuxuu dhahayaa ninkii waxaan Aduunyada ku lahaa nin aanu saaxiibo ahayn oo i odhan jiray: ma markaan dhimano ayaa layna soo bixinayaa? Ninkii ayuu Ilaahay ka tusayaa isagoo Jahannama badhtankeeda ku jira kolkaasuu ninkii odhanayaa: Ilaahbaan ku dhaartee waad i halaagi gaadhay hadaan ku adeeci lahaa!! Hadaanu Ilaahay ii nicmaynina waxaan kamid noqon lahaa kuwa naarta Jahannama lagu soo xaadiriyey.[1]

قَالَ قَائِلٌ مِّنْهُمْ إِنِّي كَانَ لِي قَرِينٌ ﴿٥١يَقُولُ أَإِنَّكَ لَمِنَ الْمُصَدِّقِينَ ﴿٥٢ أَإِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَامًا أَإِنَّا لَمَدِينُونَ ﴿٥٣ قَالَ هَلْ أَنتُم مُّطَّلِعُونَ ﴿٥٤ فَاطَّلَعَ فَرَآهُ فِي سَوَاءِ الْجَحِيمِ ﴿٥٥ قَالَ تَاللَّـهِ إِن كِدتَّ لَتُرْدِينِ ﴿٥٦ وَلَوْلَا نِعْمَةُ رَبِّي لَكُنتُ مِنَ الْمُحْضَرِينَ ﴿٥٧ أَفَمَا نَحْنُ بِمَيِّتِينَ ﴿٥٨إِلَّا مَوْتَتَنَا الْأُولَىٰ وَمَا نَحْنُ بِمُعَذَّبِينَ ﴿٥٩ إِنَّ هَـٰذَا لَهُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ ﴿٦٠ لِمِثْلِ هَـٰذَا فَلْيَعْمَلِ الْعَامِلُونَ ﴿٦١

(51) Wuxuuna dhihi mid hadlay oo ka mid ah waxaan kulahaa (adduunkii) saaxiib. (52) Dhihi jiray adigu ma waxaad ka mid tahay kuwa rumeeyay (soobixinta). (53) Ma markaan dhimana oon ciid noqono iyo lafo yaa nala abaalmarin (54) Wuxuuna dhihi mayla dayeeysaan. (55) Markaasu dayaa kuna arkaa jaxiima dhexdeeda. (56)  Wuxuuna dhahaa Ilaahbaan ku dhaartayee waxaad u dhaweyd inaad ihalaagto . (57) Haddayna Nicmada Allah jirinna waxaan ahaan lahaa kuwa lagu soo kulmiyay (naarta). (58) (Waxayna dhahaan Ehelu -jannuhu) miyeynaan dhimaneynin. (59) Geerideenii hore mooyee laynama cadaabayn. (60) Taasina waa uun liibaanta wayn. (61) Ee taasoo kale ha faleen kuwa camal fali. [Saafaat:51-61]


[1] Tafsiirka ibnu Kathiir, ; suurada Saafaat: 51-61 Al-bidaaya wanihaayah, Tafsiirka Dabari; suurada Saafaat: 51-61