Tusmo

QISADII NABI XASQIIL

(Dhagayso ama Akhriso)

Nab Xasqiil (N.N.K.H) waxa uu ka mid yahay nabiyadii reer banu Israel, waxaanu ka danbeeyey Nabi Muuse iyo Nabi Yuushac waxaana loogu yeedhaa Xasqiil Ibnu Buudi.

Magaalo ay daganaayeen reer banu isreel ayaa waxa ku habsaday xanuunka daacuunka, kadibna dadkii badankoodii way ka baxeen magaalada cabsi ay ka qabaan geerida awgeed kadibna waxay dageen magaalo kale oo duleedkeeda ah, kuwii ku hadhay magaalada way dhinteen. Intii ka baxday magaalada cabsida geerida awgeed ayaa Eebe amray inay dhintaan dhamaantood, kadibna way wada dhinteen, waxayna ahaayeen kumaankun oo qof.

Maydkii dadka oo baaliyoobay ayaa waxa soo maray Nabi Xasqiil (N.N.K.H) kadibna waa dul istaagay maydadkii dadka asagoo ka fakaraya sida Eebe u abuurayo lafahan baaliyoobay. Eebe waxa uu uwaxyooday nabigoodii waxaan ku yidhi mawaxaad rabtaa inaad aragto sida uu Eebe wax u abooro?

Nabi Xasqiil (N.N.K.H) waxa uu dhahay haa, kadibna waxa la faray inuu u yeedho dadka kuna dhaho “lafaha  isu yimaada, hilbka iyo jirkana fuulo lafaha idinka Eebe” kadibna lafihii iyo jirkii ayaa isu yimid oo isqabsaday waxaana lagu afuufay ruuxdii waanay noolaadeen idinka Eebe. Dadkii waxay moodeen inay qayaamadii dhacday markaasay dhaheen “Subxaana allah”. Kadibna waxay ku noqdeen guryahoodii ayagoo qaawan oo ogsoon inay dhinteen oo soo noolaadeen awooda Eebe awgeed.

Eebe isagoo ka waramay qisadan ayuu ku xusay Qura’aanka Kariimka ah, Suurada Al-baqara:243.

xasqiil

ka warran (warkoodu ma ku soo gaadhay) kuwii ka baxay guryahooda iyagoo kumaan ah digtooni geeri darteed, markaas ku yidhi Eebe dhinta, kadibna soo nooleeyey, Eebana waa saaxibul fadli (dheeraad) Dadka korkiisa, Dadka badankiisuse kuma mahdiyaan.  Baqara:243

 

Nabi Xasqiil waxa uu gaadhsiiyey dacwadii reer banu israel illamaayo uu ka geeriyoonayey, markuu dhintay ayey qoomkiisii ilaaween diintii saxda ahayd oo waxay caabudeen sanamyo markaasuu Eebe usoo diraya Nabi Ilyaas.