Tusmo

QISADII NABI NUUX

DHAGAYSO AMA AKHRISO

Nabi Aadam (N.N.K.H) geeridiisii kadib waxa ka soo wareegtay Toban Qarni, Shardina maaha in Qarnigu udhigmo 100 – Bool Sano ee waxa uu noqon karaa Kun sano.

Dadka waxay haysteen Diintii Nabi Aadam mudadaas, waxaana dunida ku sugnaa Rag iyo Dumar Eebe kaligii Caabuda. Muddo kadib waxa geeriyooday Rag culomo ahaa oo dadka Eebe caabuda kamid ahaa waa WUDDI,SUWAAC,YAGUUTH,YACUUQ IYO NASRI. Geeriddodii kadib waxay dadkii tabeen culomada ka baxday, si kastaba ha ahaatee waxa Qoomkii u yimid Shaydaan oo ku yidhi waxaad Samaysaan Sawiro si aad u xasuusataan kadibna aad ilaahay u Caabudaan. Qorshahan oo cidhib xumo ku keenay Qoomkii Nabi Nuux.

Muddo kadib waxa dhamaaday jiilkii sanamyada sameeyey si ay ugu xasuustaan Raggi wanaagsanaa ee ka baxay, hase ahaatee jiilkii ku xigay waxay moodeen in Sanamyadan iyo Tamaasiisha aabayaashood sameeyeen ay caabudijireen sidaa awgeed waxay bilaabeen inay ka barakaystaan sanamyada, gargaarna waydiistaan. Waxaana dhacay shirkigii ugu horeeyey ee dhulka ka dhaca, waxay Eebe cibaadadii la wadaajiyeen Sanamyo iyo Looxyo ay gacmahooda ku sameeyeen.

Eebe naxariistii waxa ka mid ah inuu usoo diray Nin ayaga kamid ah, waa Nabigii iyo Rasuulkii Eebe ee Nuux (N.N.K.H). Nabi nuux waxa uu ugu baaqay inay Ilaahay ka cabsadaan oo kaligii caabudaan kana tagaan Sanamyada ay la wadaajinayaan, laakiin sida caadada ah waxa ka hor yimid madax dhaqameedkii iyo Tujaartii ayagoo ka dayriyey Nabi Nuux.

Waxayna ku dhaheen cidda aad noogu yeedhayso waxay ku Sugantahay Baadi cad. Nabi Nuux  waxa uu ugu jawaabay kuma sugni baadi ee waxaan ahay Rasuul laydin soo diray oo waxa isoo diray Eebaha Koonka Abuuray, waxaana idiin gaadhsiinayaa farrinntii Eebe waanan idiin Nasteexaynaya.

Nabi Nuux waxa rumeeyey Dadkii Fuqarada ahaa, ee itaalka yaraa hase ahaatee way ka caqli badnaayeen madaxkutida kale.

Gaaladii Waxay si jeesjeesa ku dhaheen waxa ku rumeeyey waxmagaradkayagii, waxaanan aaminsanahay inaad beensheegaysaan.

Nabi Nuux waxa ugu jawaabay hadaaad necebtihiin Diintayada idinku Khasbimayno, idinmana waydiisanayno Mushahar iyo Hanti, mana dayrinayo cidda i rumaysa, waxayna la kulmayaan Eebahood waxaanad ku sugantihiin Jaahilnimo.

Nabi nuux isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu dhahay, “ma eryayo cidda i rumaysa, hadaan eryana xagaan Eebahay ka galayaa”

Nabi nuux Xujooyin cadcad ayuu dul dhigay Qoomkiisii, waxaanu yahay Rasuulkii ugu horeeyey ee Eebo u soo diro ubadkii Nabi Aadam.

Nabi Nuux Qoomkiisa waxa uu Cibaadada Eebe ugu Yeedhay 950 Sagaal Boqol iyo Konton sano, isagoo adeegsaday wado kasta iyo farsamo kasta oo qof ibnu Aadam aha loogu yeedho.

(Nabi Nuux (N.N.K.H) waxa uu yidhi Eeboow Qoomkaygii waan uyeedhay Hadh iyo Haabeenba, yeedhidaynduna uma siyaadin waxaan Firdhad ahayn. Markasta oo aan u yeedho si aad ugu danbi dhaafto waxay farahooda galiyeen dhagahooda, maryahoodana way isku dadeen, wayna ku madax adaygeen xumaanta wayna iswayneeyeen. Hadana si kor ah ayaan ugu yeedhay -dadka dhexdiisa- waanan u qayliyey hoosna waan ugu yeedhay.

Waxaanan ku idhi Eebihiin danbi dhaaf waydiista waa Danbi dhaaf badanee, Cirkana Roob badan ha idiinka ka keenee, hana idiin kordhiyo Xoolaha iyo Wiilal iyo Beero hana idiin yeelo wabiyaal.

Maxaad leedihiin oo waynida Eebe uga cabsoon waydeen, isagoo idin abuuray idinkoo soo maray Xaalado kala duwan. Miyeydaan arkaynin sida Eebe u abuuray todobada samo ee isdulsaaran.

Dhexdoodana ka yeelay Dayax Nuuraya, Qorraxdana ka yeelay siraad. Eebe waa ka idinka soo bixiya dhulka dhirta, dhulkana idiinka yeelay gogol si aad ugu socotaan dhexdiisa wadooyin waawayn. Nabi Nuux waxa uu yidhi Eebow way i caasiyeen waxayna raaceen kuwo aan xoolahoodu iyo Ubadkooda waxaan khasaaro ahayn aan u kordhinayn. sidoo kale dhagar wayna way dhakreen oo dhaheen ha ka tagina Ilaahyaalkiina, hana ka tagina Wuddi iyo Suwaac Yaguuth iyo Yacuuq iyo Nasri.  Waxayna lumiyeen dad badan ee Eeboow ha u kordhin Daalimiinta waxaan baadi ahayn.) Suurah (71) Nuux  Ayah: 4-24

Kun Sano ku dhowaad ayuu Nabi Nuux u yeedhayey Qoomkiisa, kadib intay u yimaadeen ayey dhaheen Nuuxoow waad nala murantay oo waliba murankaagii batay ee na tus cadaabkii aad sheegaysa. Nabi Nuux muusan wali ka quusan Qoomkiisii ee waxa ugu jawaabay Hadduu Eebo doono wuu idiin keeni Cadaabka Eebana ma cajsi galin kartaan.

Nabi Nuux Xaaskiisii iyo Wiilkiisii oo ahaa dadka ugu dhow Qoomkiisa maysan rumayn Nabi Nuux.

Dadka rumeeyay Nabi Nuux waa dad aad u yar oo kamida ducafadii Qoomka, waxaana loo waxyoodaday Nabi Nuux in aanay cid kale rumaynayn intii hore u rumaysay mooyee, Albaabkii Toobaduna uu xidhmay, waxa layaab leh in Xaaskiisii iyo Wiilkiisii aanay rumayn Nabi Nuux. halkaa waxa uu Eebe tusaale uga dhigay ciddii Nabi Nuux ka danbaysay inaanay Diintu dhaxaltooyo ahayn ee hanuun Eebe tahay, cidii uu doonana Qalbigiisa uu galiyo.

Kadib Nabi Nuux marka uu ogaaday inaany cid kale rumaynayn ayuu Habaaray Qoomkisii ayaga oo mutaysatay Habaarka.

Adoonkii Eebe ee Nuux waxa uu yidhi ” Eeboow hakaga tagin dhulka korkiisa gaalda ruuxna, maxaayeelay hadaad kaga tagto waxay luminayaan addoomahaaga, mana dhalayaan waxaan gaal xun ahayn.”

Nabi Nuux waxa loo waxyooday in uu sameeyo Doon saxaraha dhexdiisa. Waa waxyi xaga Eebe uga yimid laakiin miyey kula tahay gaaladiibaa daynaysay.

Nabi Nuux waxa uu guda galay inuu soo jaro dhirta, soona ururiyo looxyada uu ka smaynayo Doonta, kadibna Eebe ayaa baray qaabka uu usamaynayo. Waxa la faray in looxyada uu is dul saaro kadibna uu ku dhajiyo masaabiir.

Qoomkiisii oo yaaban ayaa soo maray Nabi Nuux ayagoo Jeesjeesay kadibna isku dhahay maxaa ku dhacay Nuux. Ma waxa uu noqdaya Nijaar? Sawkii diinta uu inoogu yeedhi jiray kadib markii loo sheegay in uu samaynayo Doon ayey Qosleen oo dhaheen Doon saxaraha taala waa layaab!

Qoomkiisii waxay ku dhaheen Nabigii Eebe waad waalantahay macnaha jirro madaxa ah baa ku haysa, kalmadan oo dhamaan gaalkastaa adeegsado kuna tilmaama Adoomada Eebe waxaan ku haboonayn.

Nabi Nuux waa dhamaystiray Doontii oo waxa loo waxyooday markaad aragtid calaamad iyo astaan uu garanyo in ay doonta fuulaan isaga iyo cidda rumaysay, sidoo kalena xoolaha ka qaado mid kasta lab iyo dhidig.

Calaamadii markay muuqatay ayaa Nabi Nuux amray in Ehelkiisa iyo cidii rumaysay ay fuulaan Doonta sidoo kalena xayawaankii oo dhan lab iyo dhidig la saaray doontii.

Nabi Nuux waxa uu dhahay ”Eeboow ii gargaar oo na guulee” Eebena waa ka Aqbalay ducadiisii.

Kadib waxa bilaabantay cadaabkii oo waxa uu Eebe furay Samada oo soo daysay biyo aan kala go’ lahayn oo wada socda, sidoo kale waxa eebe amray dhulkana inuu soo daayo biyo waxayna ku kulmeen meel cayiman.

Doontii waxay dhexmartay biyihii halka gaaladii ay ku yaaceen guryahoodii, laakiin roobkani maaha mid caadiya ee waa cadaabkii ay dagdagsanayeen. Markay biyihii dul mareen guryahoodii ayey dusha ka fuuleen guryahoodii hase ahaatee waa biyo aan waligood hore loo arkin ee waxay u yaaceen dhanka buuraha. Waxaad sawirataa odayaashii gaaleed iyo ubadkoodii dhibta u gaystay Adookii Eebe waa laga aargoostay.

Buurta markay ku yaaceen waxba umay tarin ee biyuhu waxay Qarinyeen buuraha waawayn.

Doontii Nabi Nuux waxay dul heehaabaysaa Mawjadaha biyaha, gaaladiina way qaylinayaan. Nabi Nuux waxa uu arkay wiilkiisii ka gaaloobay oo go’ doonsan kadibna waa u yeedhay oo ku yidhi Wiilkaygoo soo fuul doonta haseahaatee wilkiisa oo madaxadayg iyo gaalnimo ku jirto waxa ugu jawaabay waxaan fuulayaa oo eersanyaa buurta.

Wilkii Nabi Nuux halkaasbu ku qarqoomay sidoo kale gaaladii waa la halaagay.

”Nabi Nuux waxa uu yidhi Eeboow wiilkaygu waxa uu ka midyahay Ehelkayga, ballantaaduna waadhab. Nabi Nuux isaga oo rajo ka qaba wiikiisa, filayayna inuu rumeeyo. Eebe waxa uu  yidhi wiilkan waxa uu sameeyey Camal Xun waxaanu ka mid yahay gaalada.

Dadkii rumeeyey Nabi Nuux waxay u mahad naqeen Eebahood ka badbaadiyey halaagii Qoomkii gaaleed.

Dunida korkeeda kuma hadhin noole marka laga reebo inta saaran Doontaas. Waa amarkii Eebe.

Doontii waxay istaagtay Buur ku taal wadanka Ciraaq oo la dhaho Juudiyyu. Eebe waxa uu amray samada inay joojiso biyahay, dhulkuna liqo biyaha. Samadii iyo dhulkiiba way joojiyeen biyahii ayagoo adeecaya Amarka Eebe.

Nabi Nuux iyo Cidii rumaysay waxay dunida sii joogeen muddo sanado ah oo ay caabudayeen ilaahay.

Qoomkii Nabi Nuux waxa ka farcamay oo kaliya ubadkiisii, dhamaan dadkii kale way dabar go’een.

Ugu danbayntii Nabi Nuux waxa u dardaarmay wiilkiisa isaga oo saaran furaashkii geerida waxaanu yidhi wiilkaygoow hadii Todobada dhul iyo todobada Cir la saaro kafad dhanka kalena la saaro kalimada Tawxiidka ( لااله الا الله) waxa cuslaanaysa kalmada tawxiidka

Kadibna waa geeriyooday Nabi Nuux Naxariis iyo Nabagalyo korkiisa ha ahaato.

Eebe waxaan ka baryaynaa inuu inoo danbi dhaafo, Janadiisana na galiyo xisaab la’aan iyo cadaab la’aan Aaamiin.