Tusmo

Qisadii Nabi Ilyaas.

(Dhagayso ama Akhriso)

Nabi Ilyaas (N.N.K.H) waa rasuul kamida rususha Eebe waxaanu ku abtirsadaa Nabi Haaruun, waxa loo diray qoom daganaa galbeedka magaalada Dimishiq ee wadanka Suuriya. Qoomkani waxay cabudi jireen sanam la dhaho Baclabak, kadibna Nabi Ilyaas waxa uu ugu yeedhay diinta Xaqa ah ee Islaamka.

Qoomkiisii way ka gaaloobeen oo beeniyeen Nabigii Eebe, waxayna maleegeen dhagar ka dhan ah Nabi Ilyaas si loo khaarijiyo waxayna isku dayeen inay dilaan kadibna waa ka baxsaday oo waa la waayey meel uu qabtay Nabi Ilyaas. Ilaahbaa garanaya.

Waxa la sheegaa in Nabi Ilyaas uu wali nool yahay , sidoo kale waxa la dhahaa sanadkii ayuu mar wax cunaa, waxaanu yimaado  Xaramka kana cabaa biyaha samsamka.

Nabi Ilyaas iyo Nabi Khadar waxa la soo arooriyaa inay wali nool yihiin, oo ay ku kulmaa Masjidka Qudus sanad kasta hal mar kadibna ay xajka tagaan oo cabaan biyaha samsamka hase ahaatee axaadiista kusoo aroortay oo dhan waa daciif. Ilaahybaan og wixii sax ah.

Eebe waxa uu kaga waramay qisada Nabi Ilyaas kitaabka Qur’aanka, gaar ahaan Suurada 37aad ee Saafaat.

وَإِنَّ إِلْيَاسَ لَمِنَ الْمُرْسَلِينَ ﴿١٢٣﴾ إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِ أَلَا تَتَّقُونَ ﴿١٢٤﴾ أَتَدْعُونَ بَعْلًا وَتَذَرُونَ أَحْسَنَ الْخَالِقِينَ ﴿١٢٥﴾ اللَّـهَ رَبَّكُمْ وَرَبَّ آبَائِكُمُ الْأَوَّلِينَ ﴿١٢٦﴾ فَكَذَّبُوهُ فَإِنَّهُمْ لَمُحْضَرُونَ ﴿١٢٧﴾ إِلَّا عِبَادَ اللَّـهِ الْمُخْلَصِينَ﴿١٢٨﴾ وَتَرَكْنَا عَلَيْهِ فِي الْآخِرِينَ ﴿١٢٩﴾ سَلَامٌ عَلَىٰ إِلْ يَاسِينَ

“Ilyaasna Wuxuu ka mid ahaa Rasuullada (123) Markuu ku yidhi qoomkiisii miyeydaan dhawsaneyn (Eebe kayaabayn) (124)Mawaxaad baryeysaan Bacli (Sanam) ood ka tagaysaan Eebaha abuurka wanaajiya (125)  Eebe waa Eebihiina iyo Eebaha aabayaalkiinii hore.(126) Markaasay beeniyeen, waxaana loo soo kulmin (Cadaab) (127) Laakiin adoomada Eebe ee niyada san (waxay lakulmi khayr). (128) Waxaana ugu reebnay dadka danbe (amaan ah)(129) Nabadgalyo ha ahaato Ilyaas korkiisa.(130)” Suurada Saafaat.