Tusmo

Ma ogtahay dad aan janno iyo cadaab toona aan galayn?

Maalinta qayaame waaxa la miisaamaya camalada ruuxu la yimid, waxayna dadku ukala baxayaan sadex qaybood:

  1. Mid xasanaadkiisii ay ka bateen xumaantiisii, kaasi wuu faraxsanyahay, waanu liibanay.

فَأَمَّا مَنْ ثَقُلَتْ مَوَازِينُهُ فَهُوَ فِي عِيشَةٍ رَاضِيَةٍ وَأَمَّا مَنْ خَفَّتْ مَوَازِينُهُ فَأُمُّهُ هَاوِيَةٌ وَمَا أَدْرَاكَ مَا هِيَهْ نَارٌ حَامِيَةٌ ) القارعة/6-11

Ruuxiise miisaankiisa (fiican) cuslaado. (6) Wuxuu ku noolaan nolol raalli ah.(7) Ruuxiise uu fududaado Miisaankiisa (fiican). (8)Wuxuu u hoydaa (Naarta) Haawiya. (9) Ma taqaannaa Haawiya. (10) Waa Naar kulayl daran. (11)

  1. Mid xumaantiisii ay badatay, kaasina wuu halaagsamay oo wuxuu galayaa naarta, haduu muslim ahaana waxa la cadaabayaa mudo Ilaahay ogyahay, kadibna wuxuu ku danbayn doonaa Jannada Raxmaanka, balse haduu gaal ahaa, wuu ku dhex waarayaa cadaabka dhexdiisa.
  2. Mid xumaantii iyo xasanaadkiisii ay isku mid noqdaan, kaasi wuxuu kamid noqonayaa asxaabta acraafta, waxay istaagayaan meel sare ayagoo fiirinaaya laba qoloba, kuwa ehelka Jannada ah iyo kuwa ehelka Naarta ahba.

Qolodan ugu danbeysa oo loo yaqaano asxaabta Acraafka, ayaa waa simay xasanaadkoodii iyo xumaantoodii, markaas xasanaadkii waxay ka badbaadiyeen naartii sidoo kalena jannadii kumaysan gali oo waxa ku filnaan waayey xasanaadkii lagu galayey jannada raxmaanka. Qolodan waxa inooga warramay Ilaahay, wuxuuna ugu magac daray suurad dhan waa suurada Acraaf.

وَبَيْنَهُمَا حِجَابٌ ۚ وَعَلَى الْأَعْرَافِ رِجَالٌ يَعْرِفُونَ كُلًّا بِسِيمَاهُمْ ۚ وَنَادَوْا أَصْحَابَ الْجَنَّةِ أَن سَلَامٌ عَلَيْكُمْ ۚ لَمْ يَدْخُلُوهَا وَهُمْ يَطْمَعُونَ﴿٤٦ وَإِذَا صُرِفَتْ أَبْصَارُهُمْ تِلْقَاءَ أَصْحَابِ النَّارِ قَالُوا رَبَّنَا لَا تَجْعَلْنَا مَعَ الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ ﴿٤٧وَنَادَىٰ أَصْحَابُ الْأَعْرَافِ رِجَالًا يَعْرِفُونَهُم بِسِيمَاهُمْ قَالُوا مَا أَغْنَىٰ عَنكُمْ جَمْعُكُمْ وَمَا كُنتُمْ تَسْتَكْبِرُونَ ﴿٤٨ أَهَـٰؤُلَاءِ الَّذِينَ أَقْسَمْتُمْ لَا يَنَالُهُمُ اللَّـهُ بِرَحْمَةٍ ۚ ادْخُلُوا الْجَنَّةَ لَا خَوْفٌ عَلَيْكُمْ وَلَا أَنتُمْ تَحْزَنُونَ ﴿٤٩﴾ الأعراف/46 ، 47 ،48 ،49

Qolodan waxay istaagay meeshaas taaga ah, waxayna ehelka jannada ku dhahayaan; salaan korkiina ha ahaato, balse jannadii ma galayaan ayagoo rabjo ka qaba. Waxaan indhahooda loo jeedinayaa xaga kuwa gaalada ku jirta cadaabka naareed markaasay aragagaxayaan oo dhahayaan; rabiyoow, hanaga dhigin kuwa gaaloobay macooda.

Kadibna asxaabtii Acraafka ee taagna meesha sare ayaa u dhawaaqaya gaaladii oo dhahaya; kuwaasi miyaanay ahayn kuwii aad ku dhaarateen inaanay helayn naxariista Ilaahay, sawkuwaa galay jannadii oo loo dhahay; ha cabsanina hana murugoonina.

Asxaabta acraafku waxay canaanteen gaaladii balse waxa laysku kkhilaafay cida ayagu ay yihin, iyo masiirkoodu xaga ay noqonayso. Culumada qaar ayaa dhahay; waa dadkii aan nabiba loo dirin ama aanay farriintii Ilaahayba aanay gaadhin, halka qolo ale ay ka tidhi; waa caruurtii yaryaraa ee gaalada ka dhimatay. Hase ahaatee culumada ugu xooga badan waa kuwa dhahay; asxaabta acraafku waa dadka ay danbigooda iyo xasanaadkoodu ay is la eekaadeen ama ay isku midka noqdeen, waxayna ugu danbayn galayaan jannada, oo Ilaahay ayaa fadligiisa dheeraadka ah ugu naxariisanaya.